Waligaa ma is weydiisay sababta aynaan sariirta uga dhicin markaan hurudno?

Qof sariir duurka ku dhex jiifa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xitaa haddii aad ka mid tahay kuwa sariirta jabiya hurdo weynan darteed illaa subaxa laga gaaro, qof waliba wuu ogyahay in maskaxda iyo jidhkuba firfircoon yihiin marka aan jiifno.

Marka aan hurudno ma riyoonno oo kali ah ee waynu khuurinnaa, waynu sheekaynaa, waan qosolnaa, waynu qaylinaynaa, waan is gedinaa, waan is duuduubnaa, oo waan is kala bixinnaa—xataa mararka qaar gacanbaan tuurnaa waynuna haraatanna.

Dhammaan waxyaabahaasi waxay dhacaan innaga oo weli hurudna marka aan soo kacno warna ka haynin wixii dhacay.

Balse haddii aad ku seexato sariir yar oo aad duurka dhigatay oo ballaceedu ka yaryahay 65cm ama aad ku seexato sariirta arooska ee 200 cm, waxa ay u badan tahay in aad ka soo dul kacdo halkii aad seexatay, si walba oo aad u daallanayd.

Haddaba maxeynaan sariirta uga dhicin?

"Waa arrin cajiib ah sababtoo ah waxaan u maleynaa in marka aan seexanno aynu gebi ahaanba ka go'no agagaarkeenna, laakiin maya: haddii qof kuu dhow uu qayliyo, waad soo toosaysaa," ayuu Russell Foster, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda Oxford ee UK, u sharraxay barnaamijka Crowd Science ee BBC. .

“Inta aan jiifno jirkeennu wuxuu xogta ku aruurinayaa xog qaadayaasha” oo loo yaqaan Receptors waana qayb ka mid ah maqaarka sare oo qaada xogaha sida qabowga, kuleylka iwm.

Saas darteed haddii aad hurda culus ku jirto ogow waxaa jira qayb kamida dareemadaada oo aan ayagu seexanba.

“Waa sida dareenka lixaad oo kale. Waxaa lagu yaqaan sida dareenka lixaad in aanay kobocsanayn marka aad yar tahay – waa saas darteed sababta carruurta qaar ay uga dhacaan sariirta – balse marka aan soo weynaanayno wuu soo wanaagsanaadaa.”

Saas darteed marka “dareemadu inagama tagaan” marka aan hurdada dhacno, khaasatan hurdada aan soo kacno innaga oo aan miyir daboolnayn – ama aan dhinacu ina bararsanayn.

Dareenka lixaad?

Dhaqamada caanka ah qaarkood, dareenka lixaad waa aragti dheeraad ah oo la xiriira dareenka sida odoroska oo kale ama ogaanshaha aad shey ogaato shanta dareen qaade la’aantood (aragga, maqalka, taabashada, urka iyo dhadhanka), si kale waxaa loo yaqaan awoodda lagula xiriiro caalamka ruuxda.

Balse culumada sayniska oouu ka mid yahay Foster waxay ula jeedaan dareenka lixaad wax ka yar duwan taas.

Haweenay hurudda

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxay saynisyahannadu u yaqaannaan ‘proprioception’, waxayna khubarradu ogaadeen awooddan wax ka badan qarni ka hore.

Balse waxa aan si qeexan loo aqoon ilaa lagasoo gaaro siddeetan sano ka hore ayaa ah intee in la eg ayaan ku tiirsannahay awooddan.

Ma doonaysaa inaad si toos ah u aragto awooddan?

Xir indhahaaga kadibna caaradda fartaada midig ee suulka ku xigta ku taabo suxulkaaga bidix.

Sow ma fududa? Haddaba seed u samaysay ileen ma aragtide?

Si aad ku ogaatayba waxaad ogayd halka ay fartaadu jirto iyo waliba dhinaca uu suxulkaaga bidix jiro.

Sidoo kale waxaad tilmaan ka bixin kartaa dhammaan qaab dhismeedka jirkaaga adiga oo aan arkin.

Haddaba tani waa ‘proprioception’: oo ah ogaansho aynu leenahay oo ah ka war haynta meesha xubin walba oo jidhkeenna ka mid ah ay ku talo/jirto.

Tijaabadan kale samee adiga oo fartaada murdisada ee gacantaada bidix ama mid ku taabanaya caaradda hore ee sankaaga, balse indhaha isku qabo marka hore, sida sawirka hoose ka muuqata.

Nin indhaha isku haya oo sankiisa taabanaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay awooddani ku suurta gashay xiriirka baaqyada ay maskaxda u dirayaan dareen qabtayaashaada murqaha, seedaha, maqaarka iyo kala goysyada jidhkeenna ku sugan, kuwaas oo maskaxda ku war galinaya dheerarka muruqa iyo kala bixitaankiisa, wareegga isgoysyada, isbaddelka xubinka iyo kala jiidanka maqaarka.

Waxuu inoo suurta galinayaa inaan ogaanno dhanka ay xubnaheennu u socdaan, iyo inaan ka war hayno marxaladda jidhka iyo isu dheelli tirnaanta.

Tusaale; waa dareenka kuu sahlaya inaad is qabato marka aad turanturooto ama kufto. Inkastoo uu jiro nidaam kale oo is xakameynta jidhka door muhiim ah ka ciyaara.

Kasoo qaad inaan indhaha kaa xiray ka dibna aan si tartiib ah horay kuu liiciyey.

Waxaad isla markiiba dareemaysaa in booska jirkaaga ee cuf-isjiidadka dhulka uu is badalay.

Tan waxaa sababa nidaamka dareeraha 'vestibular-ka' ee ku jira dhegta gudaheeda, kaas oo naga caawiya ilaalinta dheelitirka.

Laakiin kuwani runtii waxba inagama caawiyaan inaynaan sariirta ka dhicin, maaddaama ay daboolmayaan markaan seexanno.

Aan dib ugu laabanno (Proprioception)-kii, anagoo soo xiganayna maqaal lagu daabacay barta wararka akadeemiyada ee The Conversation.

"(Proprioception) waa qayb muhiim ah oo ka mid ah 'nidaamka meelaynta caalamiga ah', kaas oo lagama maarmaan u ah nolol maalmeedkeena sababtoo ah waxaan u baahanahay inaan ogaanno meesha aan ku jirno si aan u guurno/dhaqaaqno" ayaa lagu yiri qayb ka mid ah maqaalka, oo ay qoreen afar aqoonyahan.

"Proprioception-ku waxuu inoo oggolaadaa inaan go'aaminno booska, xawaaraha iyo jihada qayb kasta oo jirkeenna kamid ah, haddii aan aragno iyo hadii walbaba, sidaas darteed wuxuu u oggolaadaa maskaxda inay hagto dhaqdhaqaaqyadeenna."

Awooddan awgeed, marka aan seexanno, waxaan u dhaqaaqi karnaa si xor ah, balse innaga oo aan ka gudbin xadka sariirta.