Wax ka ogow sababta aan u dhibsanno hadallada xanafta leh

Lammaane murmaya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa laga yaabaa in yaraanteennii la inoo sheegay in usha iyo dhagaxa oo kali ah ay lafaheenna jabinayaan balse hadalku aanu waxba ina yeelaynin; hase ahaatee iyadoo dhaawaca kaasoo gaadha jidhka uu toddobaadyo ku bogsoodo waxaa nolosheenna oo dhan saameeya oo aan dhammaanin dhaawacyada ay erayadu ina gaadhsiiyaan.

Haddii ay ahaan lahayd canaan ka timid mid ka mid ah macallimiinteenna ama faallo shucuuraysan oo kasoo baxday jacaylkaaga xilli aad doodayseen, waxaan guud ahaan xasuusannaa canaanta annagoo aad u xasuusananna erayada canaanta ama dhaleercaynta ah marka loo eego kuwa ammaanta ah sababtuna waa waxa loo yaqaan "eexda xumaanta".

Dhab ahaantii, saamaynno badan oo ka dhasha ayaa lagu sharxi karaa noocaan eexda, taas oo macnaheedu yahay in dareenka xun uu guud ahaan inna saameeyo si ka xoog badan dareenka wanaagsan.

Tani waxay noo horseedaysaa inaan fiiro gaar ah u yeelanno hanjabaadaha iyo khataro aan jirin oo maskaxdeennu buunbuunisay, ayuu yidhi Professor Roy Baumeister, borofisar cilmi-nafsiga bulshada ee Jaamacadda Queensland iyo qoraaga ( Awoodda xumaanta waxyaabaha iyo sida aad uga gudbi karto).

In diiradda la saaro dhinaca mugdiga ah ee adduunka nagu wareegsan ayaa laga yaabaa inay u muuqato mid niyadjab keenta, laakiin dhab ahaantii, waxay naga caawisay inaan ka gudubno dhibaatooyin badan, laga bilaabo masiibooyinka dabiiciga ah ilaa cudurrada faafa iyo dagaallada, taas oo naga dhigaysa inaan si fiican isugu diyaarinno wax ka qabashada dhibaatooyinkan (in kasta oo ay jirto caddayn rajo ah) sidoo kale waxay naga caawisaa inaan u adkaysanno diiqada aan la kulanno waqtiyada dhibka).

Maskaxda bini'aadmigu waxa ay u dhisan tahay qaab ay u ilaaliso jidhkeenna si aan u noolaanno, waxaanay leedahay saddex hab oo digniin ah oo u oggolaanaya inay wax ka qabato khataraha.

Waxaa jira nidaamkii hore ee (ganglia basal) loo yaqaan, kaas oo xakameeya waxa loo yaqaan jawaabta dagaalka ama diidmada marka ay halis inasoo wajahdo, nidaamka limbik loo yaqaan, oo asagu soo saara shucuur ka jawaab celin halisaha oo naga caawiya inaan fahamno khatarta, waxaana jira nidaam kale oo casri ah, kaas oo noo ogolaanaya inaan si macquul ah u fikirno marka khatarta wajahno.

Maskaxda bini'aadmigu waxa ay u dhisan tahay qaab ay u ilaaliso jidhkeenna si aan u noolaanno

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Dadkii aan kasoo farcannay oo lahaa eexdan (negative) ayaa inooga dhawaa inay ka badbaadaan halisaha," ayuu yidhi Professor Baumeister. Bani'aadamka waxaa loo qaabeeyey in ay iska ilaaliyaan khataraha.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markay siddeed bilood jiraan, dhallaanku waxay u jaleecaan sawirka maska si ka dhaqso ah oo ka dhaqso badan marka la tuso sawirka raha jilicsan.

Markay da'da shan sano jirka gaaraan, waxay bartaan inay ka hormariyaan wejiga xanaaqa ama cabsida leh wejiga faraxsan.

Baumeister wuxuu sheegay in marka hore diirada la saaro dhibaatooyinka ay noqon karto xeelad wanaagsan: "Marka hore, waxaan ka takhalusnaa waxyaabaha xunxun kadibna waxaan xallinaa dhibaatooyinka, sida aan diiradda u saarno joojinta dhiigbaxa" marka aan billowno dhayitaanka dhaawaca.

Balse inkastoo diiradda aan saarayno xumaanta ay nolosheenna badbaadin karto xaaladaha cakiran, haddana eexda xumaanta waxaa laga yaabaa inaysan u wanaagsanayn nolol maalmeedkeenna.

Baumeister waxa uu ku doodayaa in ilaa aynu ka baranno in aynu iska ilaalinno saamaynta halista la buunbuuniyay, in ay qalloocanayso aragtideenna adduunka iyo sida aynu uga falcelinno.

Tusaale ahaan, noloshu waxay inta badan u ekaataa mid mugdi ah inta u dhaxaysa bogagga wargeysyada - waxaana inta badan lagu eedeeyaa saxafiyiinta inay xoogga saaraan wararka sharka sababtoo ah waxay tani horseedda koboca wareegga wararka waxayna soo jiidataa daawadayaasha iyo akhristayaasha.

Taasi run way noqon kartaa, balse cilmi-baarayaashu waxay xuseen in akhristayaasha ay si dareen leh u soo jiidanayaan sheekooyinka naxdinta leh waxayna u badan tahay inay dadka la sii wadaagaan, marka loo eego sheekooyinka farxadda leh.

Wararka xanta ah ee ku saabsan khataraha iman kara – oo xitaa ay suurtogalnimada dhicitaankoodu yahay mid hooseeya - ayaa si degdeg ah ugu faafa dadka marka loo eego wararka waxtarka yeelan kara.

Mid ka mid ah daraasadda, saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda McGill ee Kanada ayaa adeegsaday tignoolajiyad indhaha raacaysa kolba qofku dhanka uu eego si ay u arkaan sheekooyinka wararka ee dareenka dadka mutadawaciinta ahaa soo jiita.

Saynis yahanadu waxay ogaadeen in dadku guud ahaan ay ka doortaan sheekooyinka ku saabsan musuqmaasuqa, guul darrooyinka, munaafaqnimada iyo wararka kale ee xun marka loo eego sheekooyinkawanaagsan ama dhexdhexaadka ah.

Dadka xiiseeya arrimaha hadda taagan iyo siyaasadda waxay u badnaayeen inay doortaan war xun, laakiin markii la waydiiyay ka qaybgalayaasha daraasadda waxay sheegeen inay door bidaan war wanaagsan.

Dadka xiiseeya arrimaha hadda taagan iyo siyaasadda waxay u badnaayeen inay doortaan war xun

Xigashada Sawirka, AFP

In kasta oo xaalad naxdin leh balse mala awaal ah ay welwel inagu beeri karto, hadana hal dhacdo xun oo yar ayaa saameyn weyn ku yeelan karta maalinteenna oo dhan.

Professor Randy Larsen oo cilmi-nafsiga iyo cilmiga maskaxda dhiga Jaamacadda Washington ee Saint Louis ayaa dib u eegis ku sameeyay caddaynta in dareenka xuni uu ka waqti dheer yahay dareenka fiican.

Waxa uu ogaaday in aan waqti badan ku bixinno ka fikiridda wararka xun marka loo eego warka wanaagsan, taas oo sharxi karta sababta daqiiqado fadeexad ah ama dhaleecayn ah ay maskaxda inooga cunaan sanado badan.

Mararka qaarkood ka fikiridda faallooyinka waxyeellada leh ee ka imaanaya qof la jecel yahay ama qof qoyskaaga ka mid ah ayaa ku adkaan karta nafta. "Waxaan u maleynayaa in faallooyinka dadka aan jecelnahay oo aan aaminsanahay ay ka saameyn badanyihiin kuwa inagasoo gaara shisheeyaha," ayaa yidhi Baumeister.

Qayb ahaan tani waxaa sabab u ah inaan ka filayno qoyskeenna iyo saaxiibbadeen si gaar ah oo ay inoola dhaqmaan. Xaaladaha qaarkood, jawaab-celinta xun ee dadka aan jecelnahay waxay horseedi karaan dhaawac nafsi ah oo waara iyo xanaaq, taasoo horseedi karta burburka xiriirka.

Cilmi-baarayaal ka tirsan jaamacadda Kentucky ee dalka Mareykanka ayaa ogaaday in burburka cilaaqaadku ay naadir tahay in la badbaadiyo marka lamaanuhu ay iska indhatiraan dhibaatooyinka xiriirka si ay u sii ahaadaan "dad isu daacad ah".

"Inta badan waxa go'aamiya guusha xiriirka, ma aha waxyaabaha wanaagsan ee lammaanayaashu isu sameeyaan ama aysan isu samayn, balse waa samaynta ama samayn la’aanta waxyaabaha wax burburiya ee badanaa dhaca marka dhacdo laga falcelinayo," ayay yiraahdeen cilmi-baarayaasha.

Daraasad kale oo lamaanayaal daba socotay in ka badan 10 sano ayaa muujisay in heerka dareenka xun ee ay lammaanuhu isu miijiyeen labadii sano ee ugu horeysay guurkooda ay saadaalisay inay kala tagaan iyo in kale iyo, iyada oo kuwa shucuur badan oo shar ah is waydaarsaday uu guurkoodu ku dhammaaday kala tag.

Waxyaaba aan akhrinno ee aan ku aragno wararka ayaa sii kordhin kara cabsidayada. Tusaale ahaan, cabsida aan ka qabno argagixisanimada ayaa aad u sareysa inkastoo 20-kii sano ee la soo dhaafay ay dalka Mareykanka fal araggixisanimo ay ku dhinteen dad ka yar kuwa musqulaha ku dhintay Maraykanka dhexdiisa isla muddadaas, sida uu Professor Baumeister ku sharraxay buuggiisa.

Waxyaaba aan akhrinno ee aan ku aragno wararka ayaa sii kordhin kara cabsidayad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Eexda xumaantu ahi waxay noo sheegaysaa sababta qaar badan oo naga mid ah ay u qaataan cilaaqaadkeena si run ah marka cilaaqaadyadaasi ay si wanaagsan u socdaan, laakiin waxaan si dhakhso ah u ogaanaa cilladaha ianaga oo weliba waxyaabo yaryar u beddelna dhibaatooyin waaweyn.

Dhaleeceyntu sidoo kale way weynaataa ama kortaa iska daba timaad marar badan, taas oo ka dhigaysa warbaahinta bulshada xarunta sharka lagu kariyo.

In kasta oo albamkeedu uu ka mid ahaa albamnada ugu iibka badan sannadka 2019, heesaaga Billie Eilish ayaa u sheegtay BBC in ay iska ilaaliso akhrinta faallooyinka xunxun: "Waxay saameyn xun ku yeelatay nolosheyda... hadba sida aad u guulaysato wax xiiso lehna aad samaynayso waxaa badanaya dadka kusoo nacaya."

"Dadku waa waalan yihiin, hadda aad bay uga sii daran tahay sidii hore."

Fanaanadda caanka ah ee Dua Lipa iyo heesaaga hore ee Girls Aloud Nicola Roberts ayaa sidoo kale ka mid ahaa dad caan ah oo ka hadlay saamaynta cagajuglaynta ee baraha bulshada.

Professor Baumeister ayaa tilmaamaya in aanaan lahayn awood aan kula macaamilno xumaanta warbaahinta bulshada sababtoo ah maskaxdeenu waxay u samaysantahay inay fiiro gaar ah u yeelato calaamadaha khatarta ee ka imanaya koox yar oo dad ah oo inaga ag dhow, balse uma diyaarsano dhaleecaynta iyo canaanta ka imaanaysa boqolaal ama kumanaan ajaanib ah.

"Marka helida jawaab celin xun oo dad badan laga helo waxay noqon kartaa dhaawac," ayuu yidhi.

Dabcan, saamaynta ka dhalata cagajuglaynta internetka ama dhaleecayn qof saaxiibkaa ah ka timid qofba si ayey u saamaysa. Laakin helista, dib u milicsiga iyo kordhinta fal celinta xun waxay kuu horseedi kartaa walaac, walbahaar iyo niyad jab, ayay tiri Lucia Macchia, saynisyahan dabeecadeed iyo borofisar soo booqday Iskuulka Dhaqaalaha ee London.

Machia waxay ku dartay in "wax ka qabashada shucuurtan xun ay saameyn aad u weyn ku leedahay jirkeena sababtoo ah waxay sidoo kale u horseedi kartaa xanuun jireed ama waxay ugasii daraysaa xanuun sii jiray."

Tobanaan daraasado ah ayaa muujiyay in dadku ay u muuqdaan inay ka eegaan dhinaca wanaagsan marka ay da'da yihiin. Saynis yahanadu waxay ugu yeeraan saamayntan "eexda wanaagga" waxayna aaminsan yihiin in aan bilowno xasuusta xiliyada wanaagsanaa marka loo eego kuwa xunxun laga soo bilaabo da'da dhexe.

Baumeister waxa uu tilmaamay in sababta arrintani ay tahay in aan wax ka baranno guul-darrooyinkeenna iyo dhaleecaynta inasoo maray dhallinyaranimada, balse baahidaasi way sii yaraanaysaa marka aynu sii weynaano.

Professor Matcha waxay sheegtay in shakhsiyaadka qaarkood oo ay aad u saameeyaan faalooyinka iyo eedaymuhi xumaantu marka loo eego kuwa kale ay tahay arrin dood badan ka jirto, laakiin daraasad dhowaan la sameeyay ayaa lagu soo gabagabeeyay "ma jirto caddayn joogto ah" tan cadaynaysa. xiriirka ka dhexeeya dabeecadaha shakhsi ahaaneed ama fikirka siyaasadeed iyo eexda xumaanta ah.

Waxay ku dartay, "Dhammaanteen waxaan u nugul nahay jawaab-celinta xun, macnaha in aysan jirin sifooyin shakhsiyeed ‘oo u adag dhaleecaynta’. Ogaanshaha in qof kastaa helo jawaab-celin xun ayaa naga caawin karta inaan la tacaalno… waxayna noqon kartaa xeelad wanaagsan oo lagu ilaaliyo caafimaadka dhimirka wayna ku caawinaysaa in aad ogaato in faallooyinku ay badanaa ka turjumayaan qofka sheegaya marka loo eego kan ay ku socoto dhaleecaynto."

Fahamka saameynta xumaanta, waxay inaga fogayn kartaa oo xitaa ka faa'iideysan karnaa falcelinta xun. Tusaale ahaan, daraasad ay sameysay Professor Shelley Taylor, oo ah borofisar cilmi-nafsiga bulshada ka dhigta Jaamacadda California, Los Angeles, ayaa muujisay in haweenka qaba kansarka naasaha ay mararka qaarkood yeeshaan rajo aan macquul ahayn si ay uga caawiso inay la qabsadaan oo ay u adkaystaan.

Rajada "khayaaliga ah" ayaa leh saameyn faa'iido ah oo ku saabsan caafimaadka maskaxda iyo jidhka, isagoo soo jeedinaya inay naga caawin karaan isticmaalka awoodda maskaxda si aan uga gudubno xanuunada jirka marka loo baahdo.

Daraasadda Taylor waxay sidoo kale muujineysaa jawaab guud oo ku saabsan xumaanta "taas oo yaraynaysa mararka qaarkoodna xitaa tirtiraysa saameynta dhacdadaas."

Tusaale ahaan, bukaannada kansarka ee ku jiray daraasadda Taylor waxay mararka qaarkood is barbar dhigaan dumarka iyaga ka liita, si ay dhibaatadooda ugu ekaato mid aan muhiim ahayn. Felix Baumgartner oo ah nin xirfadyahan circa barashuut kaga soo booda ah ayaa laga yaabaa in aadan ka filaynin inuu u baahan doono adeegsiga farsamadan si uu u wajaho cabsidiisa marka uu soo boodayo.

Laakiin dhaqtarka cilmi-nafsiga Michael Gervais, oo la soo shaqeeyay tiro ka mid ah ciyaartoyda olimbikada, ayaa isticmaalay farsamadan si uu u caawiyo Baumgartner inuu gaaro yoolkiisa ah inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee cirka kaga soo booda xawaaraha codka ka dheereeya.

maskaxda

Xigashada Sawirka, AFP

Sida laga soo xigtay waraysiyada uu siiyay warbaahinta, Baumgartner wuxuu ka baqay in u uku dabmo jaakada sida gaarka ah loogu talagalay isaga. Halkii uu si xun u arki lahaa oo ah in jaakadanoi ay tahay xabsi, Jervis wuxuu isbaray inuu malaysto sida jaakaddani ay uga dhigayso qof haybad awoodeed leh, sare u qaadida faa'iidooyinka iyo yaraynta dhibaatada jaakadda.

Baumgartner oo isticmaalaya isku darka farsamooyinka neefsashada iyo nooc ka mid ah tababarrada miyirka, Baumgartner waxa uu awooday in uu ka gudbo welwelka jaakadkiisa, isagoo gaadhay yoolkiisii ahaa inuu noqdo "Felix-kii aan cabsanayn".

Dad yar oo inaga mid ah ayaa yeelan kara hammiga weyn ee Baumgartner, laakiin dhammaanteen waan ka baran karnaa isaga. Marka aan ka gudubno ka welwelka xumaanta diiraddana aan saarno wanaagga, fursadaheenna ah inaan riyooyinkeenna ku guulaysanno ayaa kordhi kara.

Si kastaba ha ahaatee, faallooyinka xumaanta ah waxay waxyeello u geysan karaan da 'kasta, gaar ahaan inta lagu jiro marxaladaha marka aan u nugulnahay dadka kale. "Marka aad xasaasi ku tahay dhaleecaynta, way adag tahay inaad kacdo, markaa waa wakhtiga ugu xun ee aan heli karno jawaab celin xun," ayuu yidhi Prof Baumeister.