Maxay yihiin faa'iidooyinka caafimaad ee bakteeriyada ku dul nool maqaarka

Bakteeriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Balaayiin bakteeriyada, fayrasyada iyo fangaska ayaa ku nool maqaarkayaga.

Balaayiin bakteeriyada, fayrasyada iyo fangaska ayaa ku nool maqaarkayaga.

Haddii maqaarka jirkeena lagu eego muraayadda weyn ee soo dhaweynta ‘microscope’ waxaa la arki karaa 10-kun illaa hal milyan oo bakteeriyo ah.

Bakteeriyadan aan la arki karin ayaa door ka ciyaarta ilaalinta caafimaadkeena. Waana sababta aanan loola dagaalamin.

Waxaa laga arki karaa qeybta sare ee maqaarka, iyo qaar kamid ah unugyada xiidmaha, bakteeriyada oo leh noocyo kala duwan ayaa jirka ula falgala siyaabo kala duwan, waxaana kamid ah fayras, fungi, iyo qaar kale oo yaryar kuwaas oo door ka qaata ka hortagga sonkorowga jirka, neefta, macaanka iyo cudurrada kale, waana mid muhiim u ah maqaarkeena.

Tusaale ahaan, kiimikooyinka qaar marka ay taabtaan jirkeena, durbadiiba waxaa ka hortaga bakteeriyada taas oo burburisa kiimikooyinkaas sidoo kalena jirka ku soo deysa unugyo difaac.

Mindhicirka ayaa kamid ah meelaha jirka bini’aadamka ee isticmaala bakteeriyada ugu badan.

Holly Winkson, oo wax ka dhigta Jaamacadda Hull, ee dalka Ingiriiska ayaa tiri: "Marka laga soo tago in qeybaha kale ee jirka ay qallalaan, maqaarka waxaa ku abuurma malaayiin bakteeriyo ah kuwaas oo soo jiray malaayiin sano, waxa ayna intaa ku dartay in tani muhiim u tahay jirkeena.

Bakteeriyada ayaa qeybo gaar ah uga nool maqaarka, iyadoo nooc kamid ah oo loo yaqaan Cutibacterium, laga helo wejiga, sanka, iyo dhabarka.

Staphylococcus and Corybacterium, iyana waxa ay ku nool yihiin kilkilaha, halka bakteeriyada la yiraahdo Propynibacterium ay ku nooshahay suulasha dhexdooda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Qeybo kamid ah jirka oo qallalan ayaysan ku badneyn bakteeriyada waxaana kamid ah gacmaha iyo lugaha.

Qarniyo badan, bakteeriyadaan yar-yar ayaa la nooleyd bini'aadamka, iyagoo hela cunto.

Macalimadda jaamacadda Hull, ayaa sharaxday in kiimikooyinka jirka ku jira ay ka hortagaan in bakteeriyada korriimo sameyso, inkasta oo ay jiraan bakteeriyo ama cayayaan la arki karo kuwaas oo ku dul-nool xoolaha.

Saynis yahannada ayaa sheegay in bakteeriyada ku jirta mindhicirka ay ka qeyb qaadato dhismaha hab difaaca maqaarka qeybihiisa kale, taas oo yareysa dhibaatooyinka maqaarka oo ay kamid yihiin xasaasiyadda.

Sidoo kale waxa ay door weyn ka qaadataa ka hortagga gabowga maqaarka iyo ilaalinta dareeraha jirka.

Bakteeriyada yaryar ayaa sidoo kale maqaarka u ogolaata in uu ahaado mid siman, iyo in kiimikooyinka iyo suntan aysan ka gudbin maqaarka.

Lakabka sare ee maqaarka oo loo yaqaan stratum corneum, waxaa ka hooseeya unugyo yaryar oo is dul saran kuwaas oo qaarkood ah kuwo dhintay.

Professor Catherine O'Neill, oo ah cilmi-baare dhanka maqaarka ah kana tirsan Jaamacadda Manchester, ayaa tiri: "Maqaarka ayaa ah qeybta ugu xoogga badan jirkeena, sababtoo ah maqaarku ma milmo marka uu roobka da'o,"

Bakteeriyada yaryar ee maqaarka ayaa ah mid soo saarta unugyo loo yaqaan ‘water-insoluble lipid’ sidoo kale waxa ay soo saaraan lipids si ay u isticmaalaan.

Bakteeriyada loo yaqaan Cutibacterium, ayaa soo saarta sebum, oo ka kooban walxo ay dufan ku jirto, taas oo maqaarka u ogolaaneysa in uu hayyo biyaha si jirka uusan u qallalin, waana hab lagu ilaaliyo caafimaadka maqaarka.

Bakteeriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bakteeriyada maqaarka oo aanan dheeli tirneyn ayaa sababi karta dhaawac.

Bakteeriyada maqaarka oo aanan dheeli tirneyn ayaa sababi karta dhaawac, iyo cudurrada maqaarka kuwaas oo leh astaamo ay kamid yihiin in jirka lagu arko dildilaac, barar, gubasho, qolfood iyo qallayl badan.

Marka qofka uu weynaado waxaa isbadal uu ku yimaadaa noocyada bakteeriyada ee ku nool maqaarkiisa, waxaana hoos u dhacda tirada bakteeriyada ee ku nool maqaarka.

Sida laga soo xigtay cilmi-baaris ay samaysay dhaqtarad maqaarka ah oo lagu magacaabo Elizabeth Grice, bakteeriyada maqaarka ayay waxyeelo gaari kartaa, iyadoo waqtiga soo kabashada ay dheeraan karto.

Waxaa la sameeyay cilmi-baarisyo si wax looga ogaado inta ay qaadaneyso soo kabashada marka ay waxyeelo ku timaado bakteeriyada iyo sida uu u difaacayo maqaarka.

Xanuunada ku dhaca maqaarka ee daba-dheeraada ayaa saameyn ku yeesha labaatankii qofba afar ka mid ah dadka ka weyn da’da 65 jirka.

Sida ay khuburadu qabaan, bakteeriyada ayaa hoos u dhigi karta habka bogsashada.

Dhanka kale, cilmi-baadhisyada qaarkood ayaa aaminsan in bakteeriyada yaryar ay maqaarka ka caawiso in uu dhaqse bogsado.

Daraasadaha qaar ayaa muuninaya in bakteeriyada yaryar ee maqaarka ay ilaaliso waxyeelada shucaaca ay u geysanayaan jirka.

Bakteeriyada Maqaarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bakteeriyada ayaa awood u leh in jirka ay ka caawiso la dagaalanka caabuqa

Cilmi baaris aan la daabicin oo ay sameysay Professor Kathryn, ayaa muujjneysa in unugyada maqaarka ay dib u soo dhalan karaan iyada oo aysan jirin barteeriyada yaryar ee maqaarka, xitaa hadii Hidde-sidayaasha ay dhaawacanyihiin.

"Waa hab weyn oo muhiim ah oo looga hortago kansarka. Microbes-ka maqaarka ayaa kaalin weyn ku leh arrintan, ayay tiri.

Bakteeriyada ayaa awood u leh in jirka ay ka caawiso la dagaalanka caabuqa iyada oo daaweyneysa bararka marka uu maqaarku soo gaaro shucaac.

Daraasadihii u danbeeyay ayaa sheegaya in dhaawaca maqaarka soo gaara uu saameyn ku yeelanayo sheef-shiidka iyo kiimikooyinka kale ee jirka.

Sida laga soo xigtay Bernard Pazold, cunto aan caafimaad qabin ayaa saameyn ku yeelata maqaarka.

"Marka ay waxyeelo soo gaarto maqaarkeena, waxaa nagu dhaca shuban, cuntada aan caafimaadka laheyn ayaa dhaawici karta maqaarka,” ayuu yiri.

Bernard, waxa uu ka shaqeeyaa macad adeegsada bakteeriyada yaryar si loogu daweeyo cudurrada maqaarka.

Waxaa jirta cilmi baaris la sameynayo si loo ogaado xiriirka ka dhaxeeya bakteeriyada maqaarka iyo shaqada maskaxda.

Bakteeriyada Maqaarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa la sameeyay cilmi-baarisyo si wax looga ogaado inta ay qaadaneyso soo kabashada marka ay waxyeelo ku timaado bakteeriyada iyo sida uu u difaacayo maqaarka.

Dhawaan ayay ahayd markii dad gaaraya labaatan qof, loo diray in ay baaritaano sameeyaan si ay isugu dayaan in ay fahmaan xiriirka ka dhaxeeya shaqada maskaxda iyo bakteeriyada maqaarka.

Cilmi baaris kale ayaa muujineysa in yareynta xaddiga bakteeriyada wajiga ay kordhineyso diiradda maskaxda.

Arinkaan ayaana muhiim u ah kala saarista bakteeriyada faa’iidada u leh maqaarka iyo tan waxyeelada u geysaneysa maqaarka.

Marka la isku dayo in la baabi’iyo bakteeriyada waxyeelada u geysaneysa maqaarka, waxaa jirta iyana in la tirtiro bakteeriyadii faa’iidada u laheyd maqaarka.

Sida laga soo xigtay Holly, isku dayga ah in la baabi'iyo bakteeriyada waxyeellada leh dhanka kalena la kordhiyo bakteeriyada faa'iidada leh waa mid soo dedejin kartaa habka ka soo kabashada dhaawaca.

“Tani waa mid aad u xiiso badan. Waxaan rajeyneynaa inay wax ka beddesho habka aan u daaweyno caabuqyada," ayay tiri.