Muxuu yahay "Bankiga Saxarada" ee la doonayo in loo adeegsado keydinta bakteeriyada?

Sawir

Xigashada Sawirka, Getty Images

Noocyada kala duwan ee baakteeriyada aadanaha waxtarka u leh waxay halis ugu jiraan iney dabar go’ayaan, sida ugu wanaagsan ee lagu badbaadin karana ay tahay muunado saxarada dadka iyo walxo kale in lagu keydiyo keyd weyn oo ku yaalla dalka Swizerland.

Saaynisyahannada xeeladdan la yimid waxay sheegeen mindhicirka qofka in laga helo baakteeriyo tirilion kor u dhaafeysa iyo noolayaal kale.

Fikirka kooxdan saynisyahannada ah ay soo jeediyeen, waxay sababtay iney ururiyaan jeermiska il ma qabatada ah oo afka khalaad loo yaqaanno micro-organisms.

Cilmi-baarayaashu waxay ku doodayaan dadaalka ay wadaan haddii uu guuleysto inuu kaalin mug leh uu ka qaadanayo doorka uu noolahan ku leeyahay caafimaadkeenna.

Waxaa kale oo ay saynisyahannadu sheegayaan hal labuurkan ay la yimaaddeen mustaqbalka inuu mideynayo jaamacadaha daafaha dunida ku yaalla, ayna dhici karto inuu horseedo in lagu daweeyo cudurrada dabadheeraada ee dadka haleela sida neefta iyo cayilka.

Sawir matalaya Mindhiciirka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Horayna waxaa fikir kaa la mid ah la yimid khubarro ku sugan dalka Norway oo xarunta Svalbard ku keydiyey in ka badan 1.1 milyan oo abuurka xulka ah oo daafaha dunida ay ka soo ururiyeen.

Hadafka laga leeyahay keydinta abuurka xulka ah oo lagu sheegay si ay dammaanad qaad ugu noqoto cunnada ay dunidu mustaqbalka u baahan tahay si ay u hesho, iyada oo tallaabbadaasi looga hortagayo masiibooyinka kala duwan ee dunida ka dhaca iney dabar gooyaan abuurka dalagga beeraha loo adeegsan lahaa.

Cilmi-baarista ay sameeyeen saynisyahannada Australia oo daarasaddan sameeyey waxay sheegeen in dadka ku nool keymaha Amazon ay calooshooda ku sidaan bakteeriyo laba jibbaar ka wanaagsan dadka ku nool magaalooyinka dalka Mareykanka.

“Intii aan baaritaannada wadnay waxaan ogaannay dadka xarumaha caafimaadka la xiriira oo dawooyinka qaatay iney lumiyeen bakteeriya badan oo ka mid ah nooca caafimaadka waxtarka u leh,” ayuu yiri saynisyahan ka tirsan jaamacadda Rutgers ee dalka Mareykanka.

Kaniin

Xigashada Sawirka, Getty Images

Baakteeriyada caafimaadka qofka waxtarka u leh ee ay Saynisyahannadu haatan keydinayaan ayey sheegeen iney qayb weyn ka qaadaneyso nidaamka dheef shiidka oo caafimaadka jirka oo dhan udub dhexaad u ah.

Noolaha caafimaadkeenna aasaaska u ah ee dunida ka jira ayaa tira ahaan lagu qiyaasaa iney gaarayaan 100 bilyan oo noole.

Caloosha caafimaadka qabta ee aadanaha waxaa lagu tilmaamaa iney la mid tahay qasnad keydiso noocyo kala duwan oo bakteeriyada caafimaadka waxtarka u leh ka mid ah.

Ugu dambeyntiina, saynisyahannada howshan isku howlay waxay sheegeen qorshahooda sida ay u qorsheeyeen haddii uu ugu suuragalo iney ka dhalan karto natiijo dunida oo dhan ay u aaydo oo nolosha baniaadamkana mustaqbalka waxtar weyn u yeesho.

Baakteeriya

Xigashada Sawirka, Getty Images