Saxansaxada roobka maxay u soo carftaa?

Dhibicda roobka oo caleen dul taalla

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Dhibicda roobka oo caleen dul taalla

Carafta roobka kama timaaddo nacaaw ka dhalata roobka balse waxay ka timaadda dhirta mudda iyada oo qallalan kaddib uu roobka ku ku da'ay.

In mudda ahba waxaa socday baaritaanno arrintan lagaga sal gaarayo.

Cilmi baadhista waxaa lagu ogaaday iney carafta wanaagsan ay ka qayb qaataan baakteeriyada, dhirta iyo iftiinka hillaaca xilliga roobku da'ayo ay ka qayb qaataan.

Caraftaasina waxaa loo yaqaannaa Partricher uu micnaheedu yahay 'caraf ka dhalato dhirta mudda iyada oo qallalan markey roob hesho carafta ka soo baxdo'.

Dhulka qoyan

Laba cilmi-baadhe oo u dhalatay dalaka Australia ayaa waxay 1960-ki baaritaankooda ku ogaadeen inuu qabowga badan iyo carafta dhulkaba ay ka dhashaan marka uu dhul qallalan uu roob ku da'o kaddibna uu dhulki dhaliyo baakteeriya.

Dhul engagan oo dildillaac leh roobna uu ku da'ayo

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Dhul engagan oo dildillaac leh roobna uu ku da'ayo

Barafasoor Mark Buttner oo ah madaxa xaruunta cilmi baadhista Innes ayaa wuxuu sharraxaad ka bixinayaa "dildillaaca noocan ah ciidda ay ku badan tahay iyo waxa sababa"

Wuxuuna BBC-da u sheegay "marka uu roob da'o ciidda carafta ka soo kaceyso ee aad dareemeyso markuu roobka da'ayo waa maadda ka dhalato Baakteeriya noocya kala duwan oo roobka dhulka ama dhirta qallan ku da'ay ka abuuranto".

Maaddada la dhaho gesmin ayaa waxaa ka abuurmo baakteeriya la dhaho Streptomyces. Waxayna maaddadaasi ka abuurantaa ciid kasta oo caafimaad qabta, baakteeriyadan sida oo kale waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo dawooyinka ka hortagga baakteeriyada loo adeegsado.

Dhibicda roobka ee dhulka ku soo dhacda waxay sababeysaa geosmin inay hawada ku milanto, taasoo keeneysa iney hawada ku sii jirto inta uu roobka da'ayo.

Barafassor Buttner wuxuu intaa raaciyey "Xayawaanaadka qaar ayaa dareema carafta wanaagsan ee ka soo baxda dhirta balse waxaa ka sii dareemid og bani aadamka".

Dhibco biya ah oo xuub caaro ka da'ayo

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Dhibco biya ah oo xuub caaro ka da'ayo

Isbael Bear iyo RG Thomas waa laba cilmibaadhe oo marki ugu horreysay bixiyey magaca petrichor, sanaddi 1960-yadi, waxaana natiijada cilmi-baadhistooda loogu magac daray "matti ka attar" iyaga oo ku sameeyey cilmibaadhista Uttar Paradesh ee dalka India.

Hadda, geosmin waxaa inta badan loo yaqaannaa loogana magac daraa magac caan ah oo barfuunnada loo bixiyo.

"Runti waa barfuun caraftiisu ay aad u wanaagsan tahay oo aad ugu dhaw saxansaxada roobka marka uu da'aya oo kale", Shirkadda barafuunnada soo saarta ee Marina Barcenilla ayaa waxay ku tilmaantay caraftaasi "mid aad u odgoon oo soo jiidasho leh"

"Caraftiisu xataa haddii ay aad u milanto dadku waxay u dareemayaan si aad ah oo caraftiisu marnaba ma baaba'ado"

Wuxuuna sida oo kale xiriir gaar ah uu la leeyahay geosmin, marki hore oo aan sameeyneynay qaar naga mid ah meysan jecleyn caraftiisa.

Geosmin waxuu qayb wey ka qaataa carafta dhulka ee aadka u wanaagsan

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Geosmin waxuu qayb wey ka qaataa carafta dhulka ee aadka u wanaagsan

Hase ahaatee, ma ahan mid waxyeello u leh dadka, dadku markay biyaha caadiga ah cabayaan ama khamriga canabka waxay ku darsadaan xoogaha yar. "Ma garaneyno sababta aan u jeclaan weynay geosmin, waxaa arrintaa talabixintiisa ka dhiibtay barafasoor Lund Nielsen oo ka mid ah jaamacadda Aalborg ee dalka Denmark."

"Iyada oo ay jirin wax dhib ah oo ay dadka u geysaneyso haddana waxaan la xidhiidheynaa iney xun tahay inaga oo aan wax caddeyn ah u haynin."

Ereyga Petrichor:

Isabel joy Bear iyo Richard Thomas qoraal ay 1964-ki ku qoreen wargeyska ka faallooda arrimaha dabiiciga (Nature Journal) ayaa waxay cinwaan ugu dhigeen "Shey dabiici ah oo aad u weyn",

Ereygaa Petrichor waa erey luuqadda Griigga ah Petros waa "dhagax", ichorna waa "dareere cusbooneysiiyo xididdada".

Dhirta

Sida ay tilmaameyso darasadda uu sameeyey barafasoor Nielsen, wuxuu sheegayaa geosmin inuu xiriir la leeyahay terpenes- oo ah carafta ay dhir badan bixiyaan halka ay ka timaaddo.

Terpenes badanaa waxaa dhaliya geedkan markuu qallalo

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Terpenes badanaa waxaa dhaliya geedkan markuu qallalo

Barafasoor Philip Stevenson, waa madaxa cilmibaadhaha Royal Botanic Gardens.

"Inta badan kiimikada dhirta ka soo baxdo ama ay sii deyso waxay la mid tahay dufta caleemaha qoyan ay sii daayaan xilliga uu roobka ku da'ayo."

Wuxuuna BBC-da u sheegay dhirta qallalan marka uu roob ku da'o iney soo saaraan caraf taa la mid ah oo weliba aad uga odgoon.

Xilliga ay cimiladu tahay mid qallalan geeduhu waa ay keydsanayaan wax kasta oo ay sii deyn lahaayeen, marka uu roob ku da'ana waxay sii deynayaan caraftaa udgoon oo weliba aad loo soo cusbooneysiiyey.

Hillaac xilli habeen ah dhacaya

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Hillaac xilli habeen ah dhacaya

Iftiinka hillaaca

Hillaaca hilliga roobku da'ayo dhaca qayb ayuu ku leeyahay iney abuuranto hawa nadiif ah, oo aad u habboon iftiinka hillaaca ka soo baxaya waxay cimilada oo dhan wey cusbooneysiineysaa.

Barafasoor Maribeth Stolzenburg oo wax ka dhiga jaamacadda Missisipi oo arrintan sharraxadaa ka bixinaya ayaa wuxuu yiri: "Hillaaca iftiinka ka baxaya, duufaanta roobka wadata iyo gaar ahaan roobkaba waxay sare u qaadaan tayada hawada. Boorka, busta iyo waxyaabaha kale ee arrimahaasi ay sababaanna waxay nadiifiyaan hawada."