Maxaan ka ognahay xaaladda ka taagan garoonka Jomo Kenyatta ee saameysay duullimaadyadii Soomaaliya?

Kenya

Xigashada Sawirka, AFP

Howlihii garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah Joma Kenyatta ee Kenya ayaa hakad galay iyadoo shaqaalaha duulista ay sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan soo jeedin ah in xarunta laga kireeyo shirkad laga leeyahay dalka Hindiya. Boqolaal rakaab ah ayaa ku xayiran garoonka, kaas oo ah xuddunta ugu weyn ee bariga Afrika. Ururka shaqaalaha duulista ayaa ka digay shaqo joojin aan la cayimin ka dib markii ay dawladdu ku guul-darraysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska muranka dhaliyay.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda ayaa gaashaanka u daruurtay soo jeedintaasi, iyadoo sheegtay in garoonku uu ku shaqeeyo si ka baxsan awoodiisa, isla markaana uu u baahan yahay maalgashi gaar ah si loo tayeeyo.

Subaxnimadii Arbacada, tiro da ah oo ka mid ah shaqaalaha madaarka ayaa yeerinayey turumbooyin caag ah waxayna ku dhawaaqayeen " Shirkadda Caddaani ha baxdo", sida laga soo xigtay muuqaal lagu soo bandhigay baahinta wararka maxaliga ah ee Citizen TV.

Muuqaalka ayaa sidoo kale u muuqday mid muujinayo askari booliis ah oo bur ku garaacaya dibad baxayaasha.

Wilma van Altena, oo fasax ku joogtay Kenya, balse soo gaabisay safarkeeda si ay ugu laabato Netherlands si ay uga qeybgasho aas ayaa ka mid ahayd dadkii ku xanibnaa garoonka.

"Waxay ahayd fowdo... waxaa jiray boqollaal qof oo ku sugnaa bannaanka garoonka markii aan nimid, waan ag istaagnay, ugu dambeyntiina gudaha ayaan galnay," ayay u sheegtay BBC-da.

“Ma hayno xog, ma jiraan wax boorar ah, waxba kama aannu maqal shirkadda diyaaradaha waxaan u baahanahay inaan ku laabto guriga laakiin ma hayo wax fikrad ah goorta ay taasi dhici doonto."ayeye tiri

Kenya

Xigashada Sawirka, Haashim Cali

Duulimaadyada saakay baaqday waxa ka mid ah duulimaad ay shirkada diyaaradda ee Primer Airlines ku tagi laheyd Muqdisho Hargeysa iyo Juba koonfurta Sudan. Haashim Cali oo ah maamulaha guud ee Primier Airlines ayaa BBCda uga warramay xaaladda garoonka, waxa uu sheegya in xaalku uu yahay mdi cakiran , waxa uu sheegay in saameyn ay ku yeelatay shaqo joojinta shaqaallaha duulistu ay sameeyeen, seddex duulimaad oo saakay ka baaqday shirkadiisa, mid aadi lahayd Muqdisho iyo Hargeysa, mid Muqdisho kasoo bixi lahayd iyo dulimaad kale oo aadi lahaa Jubba South Sudan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Haashim waxa uu sheegy in anaayn kusii talagelin, horreyna aan loo ogeysiin shaqa joojintan.

Shaqo joojinta ayaa bilaabatay 2:00 habeenimo. “Dadka safarka ah oo ay Soomaali ku jirto ayaa ilaa xalay saqdii dhexe taagnaa garoonka kuwaas oo aan u sheegnay markii danbe in ay guryahooda aadan”. Shir ayaa socda waxa aan rajeeyneynaa in xaaladdu ay caadi kusoo laabatao ilaa caawa si aan duulimaada birri dib ugu bilaawno ayu intaasi ku daray Haashim.

Kooxda kubbadda cagta ragga ee Zimbabwe ayaa sidoo kale ku xayiran garoonka.

Kooxdan ayaa u duulay magaalada Nairobi kaddib ciyaar ka tirsan isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika oo ka dhacday dalka Uganda, balse wax war ah lagama siin duulimaadkooda magaalada Harare, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal diiday in magaciisa la sheego.

Weriyaha BBC-da Stewart Maclean, oo ka mid ah dadka sugaya duulimaadyada, ayaa sheegay in abbaare 05:45 BST (07:45 waqtiga maxalliga ah), boqollaalkii safka ugu jiray bannaanka garoonka diyaaradaha ay ahaayeen kuwo deggan, oo dulqaad muujiyay laakiin niyad jabsan.

Kenya

Xigashada Sawirka, Peter Njoroge/BBC

Xasan Ashkir Warsame waxaa uu ka mid ahaa dadka soomaalida ah ee garoonka xalay tagay ee ilaa iyo hadda ku xaniban halkaas, isagoo u socday dalka Ingiriiksa. “safarkeygu waxa uu ahaa in aan baxo Saakay 4:11 daqiiqo , waxayna ahayd diyaardda Turkish Airlines oo sii mareysay Istanbul kaddibna i geyn lahayd Manchester” ayuu sheegay Hashim, oo intaas ku daray in uu garoonka tagay 11:30 Habeenimo laakin markii uu garoonka tagay in la bilaabay in garoonka la xiro oo la yiraa qofkii ka bixi waayo waa lagu xirayaa garoonka.

Waqtigaas dad badan ayaa joogay garoonka, qaarkood waa ay diideen in ay ka baxaan garoonka, qaarkooda waa ay kasoo baxeen , waxa sidoo kale la xiray garoonka gudahiisa iydoo loo diiday in dadka banaanka ka imaanay ay soo galaan halka kuwii gudaha ku jirayna lagu xiray.

Waabarigii ayaa siliggii lagu xiray garoonka laga furay taas oo keentay in dadkii gudaha ku jiray ay guryahoodii aadaan.

Xasan Ashkir wxa uu sheegay in lagasoo bilaabo xalay 11: habeenimo ilaa saakay uu isagu weli jogo garoonka oo sugayo duulimaadkiisii Turkish Airlines oo u socotay Manchester dalka Ingiriiksa. “Wax Macluumaad ah oo ku saabsan diyaaradda ma heleysid , kaliya waxa meesha joogo ragg ilaalo ah iyo rag mudaaharraadayo oo qeylinaya oo leh garoonka diyaaradd ka baxayso ma jirto, xitaa maqaayadii Java ee ku tiil qeybta socdaalka ee garoonka waa la xiray laakin waxa dib loo furay maqaayadda 13:00 duhirnimo ayuu intaasi ku daray.

Haashim waxa uu sheegay in dad aad u badan ay joogaan garoonka kuwaas uu kala safrayey Maraykanka, Masar Netherland iyo Ruwanda “ Waxa aan rajeyneynaa in mar uun wax la furo oo tigidhadeena aan isticmaalno ayuu yiri Haashim oo intaasi ku dray, in diyaardihii ay joogaan.

War qoraal ah oo ay soo saareen maamulka garoommada Kenya ayaa lagu yiri: "Saacada 7:00 subaxnimo, waxaa dib u bilowday howlihii ugu yaraan."

"Intaa ka hor, waxa aan ku hawlgelinaynaa dhinacyada ay khusayso si ay caadi uga dhigaan hawlgallada, waxa aan ka cudur-daaranaynaa wixii dhib ah ee dhacay, waxaanan bogaadinaynaa dulqaadkiina iyo fahamkiina muddadaas."

Ururka Shaqaalaha Duullimaadyada ee Kenya ayaa horay uga digay shaqo joojin aan la cayimin kadib markii dowladdu ay ku guuldareysatay inay faahfaahin ka bixiso heshiiska ay la gashay Shirkadda Caddaani.

Ururka Sharciga ee Kenya iyo Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa sidoo kale dhaleeceeyay qorshayaashaas, iyagoo ku dooday inaysan macquul ahayn in hanti qaran oo istiraatiji ah laga kireeyo shirkad gaar loo leeyahay.

Labada dhinac ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare, taas oo markii dambe hakisay heshiiska si ay waqti u siiso dib u eegista garsoorka.

Taariikhda go'aanka kama dambaysta ah ee maxkamadda weli lama qaban.