Qiimaha qaaliga ah ee duullimaadyada Afrika

Xigashada Sawirka, Reuters
Safarrada dayaaradaha ee Afrika ayaa aad uga qaalisan meelaha kale ee dunida. Rakaabku waxay tikidhada ka bixiyaanlacag aad u sarraysa oo ay saaran tahay casnhuur badan.
Waxaa badanaa raqiis ah in aad u duusho qaarad kale oo aan Afrika ahayn.
Haddii aan is barbardhig ku samayno, haddii aad ka soo duusho Berlin oo aad u socoto Istanbul waxaa laga yaabaa inay kuugu kacdo $150, duullimaad toos ah oo seddex saacadood ka yar.
Laakin isla masaafadaas, aan dhahno Kinshasa ilaa iyo magaalada Nigeria ugu we yn ee Lagos, ayaa waxaa dhici karta inaad bixiso lacag u dhaxaysa $500 - $850, oo weliba wakhtiguna kugu dheeraado oo uu gaaro ilaa 20 saacadood.
Tani waxay ka dhigaysaa mida aad u adag oo qaali ah in hawl laga dhex qabsado, kaliyana ma aha mid saamaynaysa dadka dabaqadda sare ah.
Hay’adda caalamiga ee gaadiidka cirka (IATA) oo ah hay’adda matasha ilaa 300 oo shirkado dayaarad ah, kuwaasoo noqonaya 83% duulimaadyada dunida ayaa ku doodaysa in haddii ay 12ka dal ee ugu muhiimsan Afrika ku heshiiyaanin la hagaajiyo isku xirka, lana furo suuqyadooda ay abuuri doonto 155,000 oo fursado shaqo ah, ayna sare u qaadi doonto wax soo saarka gudaha $1.3 bilyan.
“Duullimaadka wuxuu qayb weyn ka qaataa wax soosaarka gudaha ee dal kasta. Wuxuu abuuraa shaqo, waana mishiinka dhaqaajiya dhaqaalaha” ayuu yiri Kamil al-Awadhi oo ah guddoomiye ku xigeenka IATA u qaabilsan Afrika iyo bariga dhexe.

Xigashada Sawirka, Twitter
Adefolake Adeyeye oo kaaliye macallinka ah kulliyadda sharciga ee jaamacadda Durham ee UK ayaa taa ku raacsan.
“Hore waxaa loo arkay in gaadiidka hawada uu sare u qaado dhaqaalaha. Sida aan qaaradaha kale ka aragnay, dayaaradaha tikidhadoodu jaban yihiin ayaa hagaajin kara isku xirka iyo qiimaha, taasoo sare u qaadaysa dalxiiska oo shaqooyin badan abuura” ayey tiri.
Waddooyinka oo liita, iyo khadadka tareenada oo aan ka jirin dalal badano o Afrikaan ah ayaa duullimaadyada ka dhigaya kuwo loo isticmaalo in xamuulka lagu qaado.
Sidaasoo ay tahay waxaa jiri kara dad u badan dabaqadda dhexe oo aad u isticmaala duullimaadyada haddii qiimaha tikidhada ay la mid noqdaan kuwa Yurub iyo meelo kale.

Xigashada Sawirka, Reuters
Zemedeneh Negatu wuxuumadax ka yahay hay’ad wax maalgelisa oo la yiraahdo Fairfax Africa Fund, taasoo fadhigeedu yahay Maraykanka.
Wuxuu ku doodayaa in duullimaadyada Africa isaga kala goosha lagu saleeyey heshiisyo laba geesood ah oo cakiran, dayaaradaha dalalka Afrikana ay si dhib leh ku daboolaan kharashka, ayadoo qaarkoodna khasaare ay galaan.
Zemedeneh oo ah Ameerikaan asalkiisu uu ka soo jeedo Itoobiya, kaalin weynna kasoo qaatay sidii loo horumarin lahaa istaraatijiyada shirkadda dayaaradaha Ethiopian Airlines wuxu sheegayaa in shirkadaas ay koboca kaalin weyn ka qaadatay.
Dadka Afrika gudaheeda u kala safra waxay ku rajo weyn yihiin in guulaha ganacsiga ee noocaas ah ay aakhirka saamayn ku yeelan doonaan qiimaha dayaaradaha lagu raaco, oo ay hoos u dhigi doonaan, lana mid noqon doonaan Yurub iyo Aasiya, ugu dambayntana ay halkii ay doonaan ku tegi doonaan qiime jaban oo dhakhsiyo leh.













