Maxaa go’aamiya cidda ku guuleysaneysa doorashada Mareykanka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Weligeed taariikhda Mareykanka ma dhichin in natiijada doorashada madaxweynaha ay shaki ku jirto ilaa codeynta.
Inkastoo doorashooyin hore aad laysugu dhawaa sida tii George W Bush iyo Al Gore ee 2000, hadana maalmaha u dambeeya waa la dareemayay jihada ay wax u socdaan.
Sanadkii 2016-kii wixii la filayay ma dhicin. Sanadkaas rayi’ ururinta waxaa aad loo qiyaasay Hillary Clinton in ay xoogan tahay balse mardambe ayaa waxaa soo baxday in Trump guuleysanayo.
Hadda falaaraha waxay ku sii jeedaan jihooyin kala duwan. Cidna ma sameyn karto sadaal sax ah.
Lama saadaalin karo cidda guuleysaneysa
Inta badan saadaasha doorashada kama dambeysta waxaa suuragal ah in ay leedahay cillado tan guud iyo tan toddobada gobol ee go’aamiya qofka soo baxaya.
Tani waa hubaanti la’aan ka careysiineysa khubarada siyaasadda iyo ololeeyayaasha.
Xisbiga Jamhuuriga oo u muuqda in uu ku horeeyo Iowa waxay taasi naxdin ku tahay Harris.
Celiceliska guud ee doorashada iyo hababka saadaasha ee laga tusaale qaato waxay dhammaan muujinayaan in doorashadan aan la ogeyn dhinaca guuleysanaya.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Suuragal ah ma ahan in qof si cad u guuleysto
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Natiijada saadaasha doorashadan oo aan la hubin kama dhigeyso in tan rasmiga aan la ogaan karin. Hal musharax ayaa dhammaan dagaalka ku guuleysanaya.
Hadii hahabka codeynta khalad ka jiro, haween badan ay codeeyaan iyo dadka meelaha miyiga deggan, ama dhallinayrad, taasi waa suuragal in ay dhinac kale u wareejiso natiijada doorashada. Sidoo kale taasi la yaab ayey ku noqoneysaa kooxaha tirakoobka sameeya.
Suuragal ma tahay in Trump helo cododka dhallinyarada madow iyo ragga Latino sida ay saadliyeen ololihiisa doorashada? Suuragal ma thay in Harris hesho qeyb badan oo ka mid ah haweenka xisbiga Jamhuuriga sida kooxdeeda rajeynayaan? Ma dhici kartaa in waayeelka sida joogtada u codeeya doorasho kasta ay galayaan dhinaca xisbiga Dimuqraadiga?
Marka doorashadan kala cadaato, dadweynaha waxay ogaan doonaan in ay fahmaan sababta qofka guuleystay horseeday in uu guuleysto. Natiijada ayaa wax kasta kala cadeyn doonto sida ay ku timid.
In la sadaaliyo way adag tahay. Qof kasta ee sheegta in uu hore u ogaa natiijada waa qof khaldan.
Inta badan natiijada doorashada gobolada Mareykanka waa wax iska cad balse waxaa jira toddobo gobol oo aad loogu tartamo oo go’aamiya doorashada.
Gobolada Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin waxay ahaayeen ubucda sheekada siyaasadda ilaa 2016-kii markii Trump uu si dhib leh ugu guulyestay saddexdaas gobol oo ahaa kuwa Dimuqraadiga u codeyn jiray, waxayna keentay guushii uu gaaray xiligaas.
Joe Biden ayaa dib u soo celiyay goboladan 2020-kii. Hadii Harris ay xajisan karto oo ay ay ku guuleysan karto Nebraska uma baahno gobol kale.
Mustaqbalka Mareykanka waa mid dheelitiran
Harris iyo Trump way ku kala duwan yihiin sida ay u arkaan soogalootiga, beecmushtarka, arrimaha dhaqanka iyo siyaasadda dibadda.
Madaxweynaha afarta sano soo socoto ayaa qaabeyn doono dowladda Mareykanka oo ay ku jiran maxkamadaha federaalka taas oo saameyn doonto jiilal badan.
Siyaasadda Mareykanka si weyn ayey isu badeleysay afartii sano ee la soo dhaafay.
Jamhuuriga 10 sano ka hor wuxuu ahaa si ka duwan sida hadda Trump ku hoggaamiyo.
Dimuqraadiga weli dhallinayarada iyo dadka ka soo jeedaha qowmiyadaha aan caddaanka aheyn way soo jiitaan. Hadda waxay doonayaan dadka hodanka iyo kuwa waxbaratay.
Natiijada doorashada ee Khamiista ayaa kala saari donto sida isbeddelkan siyaasadda Mareykanku yahay.
Waxaa suuragal ah in doorashada noqoto 50-50 balse taasi ma ahan in tani caadi ka tahay doorashada madaxweynaha Mareykanka.













