Waa kuma Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh?

Sahal Cabdullaahi Cumar ( Khaalid)

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sarreya Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar u magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, halka Gaashaanle Dhexe Xasan Saalax Cabdi uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Dhulka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taliyaashii hore ee Ciidanka Dhulka iyo Ciidanka Gaarka ah ee CXDS uga mahadceliyay, kuna bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen ciidanka, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Taliyaasha cusub gudashada waajibaadka loo idmaday iyo dardargalinta dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-shabaab.

Magacaabista Janaraal Khaalid oo ka soo jeeda Jubbaland ayaa imaneysa iyadoo uu sii xumaanayo khilaaf soo kala dhex galay maamulka Jubaland iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waa kuma taliyaha cusub Ciidanka Dhulka ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed?

Sahal Cabdullahi Cumar “Khaalid” ayaa soo noqday Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Jubbaland.

Xigashada Sawirka, Facebook

Qoraalka sawirka, Sahal Cabdullahi Cumar “Khaalid” ayaa soo noqday Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Jubbaland.

Taliyihii Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa xilkii laga qaaday, waxaana la magacaabay sarkaal kale oo reer Jubbaland ah.

Sahal Cabdullahi Cumar “Khaalid” oo soo noqday Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Jubbaland ayaa loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Janaraal Khaalid, waxa uu dhashay 1984-tii, waana taliye khibrad u leh ciidamada iyo sirdoonka.

Janaraal Khaalid waxa uu waxbarashadiisii sare ku dhammaystay Muqdisho, shahaada degree-gana ku qaatay magaalada Jigjiga.

Khaalid waxa uu tababar sirdoon iyo mid ciidanba ku soo qaatay waddama Kenya iyo Eritrea.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Janaraal Khaalid ayaa muddooyinkii u dambeeyay ahaa Agaasimaha la dagaalanka Argagixisada ee Xafiiska Nabadsugida Qaranka ee Xafiiska Madaxweynaha.

Khaalid waxaa inta badan lagu yaqaanaa in uu hormuud ka ahaa horumarinta Istiraatiijiyadda La-dagaalanka Argagaxisada ee 2022-2026, wuxuuna qeyb muhiim ah ka ahaa isku xirka dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab tan iyo 2022-kii.

Horay, Janaraal Khaalid waxa uu soo noqday Taliyaha Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubaland intii u dhaxeysay 2014 - 2021, waxaana uu sannadahaas qeyb weyn ka qaatay in Al-Shabaab laga saaro Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Guulaha muhiimka ah ee Khaalid uu soo hooyay waxa ka mid ah balse aan intaas ku koobnayn: Dhisidda ciidamo gaar ah oo karti leh iyo dib-u-habayn la taaban karo oo hay’addeed oo ku sameeyay sida dib-u-habaynta awoodda sirdoonka ee Jubbaland, iyada oo hawsha lagu xaqiijinayo in sirdoonka Jubaland ay tahay Hay’ad wax ku ool ah, waarta oo ku habboon ujeeddadii loo sameeyay.

Dadka qaar ayaa waxay ku tilmaamaan inuu ahaa Khalid gacanta midig ee madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe intii uu hayay xilka taliyaha nabad sugidda Jubaland.

Khilaafka Jubaland iyo dowladda Federaalka

Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii ay martay Puntland oo iyadu horay uga baxday xeyndaabka dowladda dhexe.

Xigashada Sawirka, Socila Media

Qoraalka sawirka, Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii ay martay Puntland oo iyadu horay uga baxday xeyndaabka dowladda dhexe.

Kadib shirkii golaha wadatashiga qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa waxaa Khilaaf soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland oo noqday maamulkii labaad ee ay isku dhacaan dowladda dhexe.

Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii ay martay Puntland oo iyadu horay uga baxday xeyndaabka dowladda dhexe.

Waxaa jira tallaabooyin ay qaadday Jubbaland uu muujinaya khilaafka Kismaayo iyo Muqdisho oo bannaanka usoo baxay kadib markii uu Axmed Madoobe uu gaashaanka u daruuray go’aannadii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga.

Hase yeeshee waxaa xaaladda uga sii daray tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee ay qaadeen wasiirro ka tirsanaa xukuumadda Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare oo shaqada uga tegay khilaafka Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kamid ah wasiiradaas Cabdirashiid Jire oo ahaa wasiiru dowlihii wasaaradda qorsheynta Soomaaliya iyo Axmed Cismaan Daqare oo isna ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya.

Labada wasiir oo kasoo jeedo Jubbaland ayaa eedeymo u jeediyay dowladda, waxaana ay sheegeen in dowladdu ay ixtiraami weysay deegaanada ay kuraasta ku metalaan, isla-markaana ay ku howlan tahay sidii looga abuuri lahaa colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Dowladda federaalka ayaan ilaa hadda ka hadlin arrimahaasi.