Maxaa la filayaa in xubnaha baarlamaanka Soomaliya ay qabtaan mudada bisha ah ee ay dib u dhigeen fasaxooda?

Baarlamaanka Soomaaliya

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Kulanka labada aqal ee maanta

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta labada gole ee baarlamaanka ka codsaday inay shaqeeyaan bishaan oo ay ahayd inay fasax galaan.

Kulan guud oo ay isugu yimaadeen xubnaha labada aqal ee baarlamaanka ayuu khudbad ka jeediyay waxa uuna bilowga khudbaddiisa ku sheegay waxyaabihii u qabsoomay dowladda labadii sano ee la soo dhaafay.

“Sharci aan meeshaan ka soo bixin umadda Soomaaliyeed go’aan looguma gaari karo fursad ay go’aan ku gaartana ma heleyso, hadii kale fowdo iyo is barbaryaac iyo isqabqabsigii iyo wixii aan horay u soo naqiinay waaye, marka in xilliga fasaxa bishaan aad dib u dhigataan oo aad u hurtaan qadiyadaas waaye,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Dhanka kale waxa uu intaa hadalka ku daray in loo baahanyahay in xildhibaanada ay meel mariyaan shuruucda doorashada, dalkana ay u hoggaamiyaan doorasho qof iyo cod ah oo dhaqan gasha.

Kadib qudbadda madaxweynaha ee codsiga bisha ah, guddoonka labada aqal ayaa soo jeediyay in cod gacan taag ah ay xildhibaanadu u qaadaan hadalka madaxweynaha ee ah inay bishaan shaqeynayaan.

Codeynta kadib guddoomiyaha golaha shacabka ayaa ku dhawaaqay in 181 xildhibaan ay aqbaleen codsigii madaxweynaha sidaasna uu ansax ku yahay. Balse waxa uu sheegay inay diideen 12 xildhibaan.

Maxay yihiin qodobada ay ka shaqeynayaan xildhibaanada bishaan?

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xildhbaanada labada aqal ka codsaday inay bishaan ka shaqeeyaan howlaha hortabinta u leh shuruucda doorashooyinka qof iyo codka ah ee la rabo in dalka ay ka qabsoonto.

Sidoo kale xildhibanada ayaa laga dalbaday inay dhameystiraan qorshooyin ay soo ansixiyeen golaha wasiirada kuwaas oo la arabay inay meel mariyaan baarlamaanka.

Dhanka kale xildhibaanada ayaa bishaan ka shaqeyn doona meel marinta war murtiyeedkii ka soo baxay shirka madasha wadatashiga qaran oo ay yeesheen dowladda iyo maamul goboleedyada qaar, inkasta oo ay ka maqnaayeen labada maamul ee Puntland iyo Jubaland.

Aragtida xildhibaanada aqbalay codsiga madaxweynaha

Mohamud Beenebeene

Xigashada Sawirka, Mohamud Beenebeene/Facebook

Qoraalka sawirka, Wasiir Mohamud Abdirahman Beenebeene waxa uu kamid yahay xildhibaanada soo dhaweeyay codsiga madaxweynaha
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xildhibaan Mohamud Abdirahman Beenebeene ayaa BBC-da u sheegay in kal fadhiga lagu jiray ee baarlamaanka uu xirmayay asbuuca koowaad ee bishaan November, ayna jireen shuruuc badan oo ay soo ansixiyeen golaha wasiirada kuwaas oo laga rabay in xildhibaanada ay aqriyaan oo ay ansixiyaan, balse laga gaari waayay.

Waxa uu intaa hadalka ku daray in xirnaashaha kala fadhiga la gaaray balse loo baahday in muddo lagu daro si howsha taala loo dhameystiro.

“Maadaama uu kalafadhiga xirmaayo ayuu madaxweynuhu codsaday in bil lagu daro si loo dhameystiro shuruucdaan muhiimka ah,” ayuu yiri wasiir Beenebeene.

Xildhibaan Mohamud Beenebeene ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax dagdag ah oo soo kordhay balse codsiga uu yahay waxa cusub taasina ay waajib ku tahay xildhibaanada inay shaqada shacabka ay u hayaan ay dhameystiraan.

Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in ay la tahay in dalka ay ka qabsoomi karto doorasho qof iyo cod ah ayna tahay in laga gudbo doorashooyinkii dadbanaa.

"Waxa ugu muhiimsan waa inaan lagu noqon doorashooyinkii daruufaha dalka lagu galay, dastuurka ayaa nafaraya in doorasho qofka Soomaaliga ah uu cod ku yeesho laga qabto dalka," ayuu yiri Beenebeene.

Aragtida xildhibaanada diidan codsiga madaxweynaha

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

Qoraalka sawirka, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow waxa uu kamid yahay xildhibaanada diidan codsiga madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaashii maanta xaadiray kulanka labada gole ee baarlamaanka ayaa BBC-da u sheegay in sharciga uusan dhigayn in baarlamaanka fasixiisa hal bil dib loo dhigo.

"Qodobka 66 ee dastuurka waxa uu leeyahay baarlamaanka waxa uu yeelanayaa sanadkii laba kala, oo midkiiba uu yahay afar bilood, kadib laba bilood oo fasax ah," ayuu yiri xildhibaan Jeesow.

Dhanka kale waxa uu ka dhawaajiyay sababta uu madaxweynaha u dalbaday in baarlamaanka ay shaqeeyaan in aysan sharci ahayn sida ay isaga ula muuqato.

"Ujeedada fasaxa waa in madaxweynaha uu keeno shuruucda doorashooyinka, taasna badalkeeda xeer hoosaadka baarlamaanka golaha shacabka qodobka 71- waxa uu leeyahay labada bilood ee ugu horreysa kala fadhi walba ayaa sharci loo gudbin karaa xildhibaanada, haddii muddadaas la dhaafana wax sharci ah oo la soo gudbin karo malahan," ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin.

Waxa uu tilmaamay in xittaa hadii muddada bisha ah ee uu madaxweynaha dalbaday la siiyo aan la ansixin karin qodobo uu haatan soo gudbiyo.