'Qarax ayaan lugtayda ku waayay anigoo ka imid dugsiga'

Xigashada Sawirka, Amensisa Negera / BBC
- Author, Kalkidan Yibeltal
- Role, BBC News, Tigray
Berhane Haile ayaa horaantii sanadkan ka soo baxay dugsigiisii isagoo sii maraayay dhulka buuraleyda ah ee Tigray ee waqooyiga Itoobiya markaasoo qarax weyn uu bedelay noloshiisa.
Wiilkan oo 16 jir ah ayaa hadda uun ka soo kabanaya xabbad lafaha iyo hilbaha lugtiisa bidix ka jabisay, jeexjeexday iyo dhiig-bax badan badanna u horseedday- aad ayuu u xanuunsaday.
“Qaraxa ayaa gadaal iga tuuray, meel walba oo jirkeyga ah dhiig baa ka da’ayay, dadkuna way maqleen dhawaqa, ka dibna waa ay soo yaaceen,” ayuu u sheegay BBC-da.
Wiilkan yar ayaa dabadeed sheegay in aabihiis oo murugaysan iyo dadkii kale ee tuulada ku noolaa ay la lugeeyeen muddo laba saacadood ah dhulka buuraleyda ah ee Adwa, oo ah magaalada ugu weyn deegaankaas oo qiyaastii 162km (100 mayl) dhanka waqooyi kaga beegan waddada caasimadda Tigray ee Mekelle oo aan ka fogayn xuduudka Eritrea.
Meeshaan ayay ahayd halka uu ku yaalay cisbitaalka ugu dhow – dhakhaatiirtii halkaas ku sugnaydna waxay ku guulaysteen inay naftiisa badbaadiyaan, balse waxay dantu qasabtay in qeybtii lugtiisa ka hartay la gooyo. Qaybo ka mid ah labadiisa gacmood ayaa sidoo kale qarax wax-yeelleeyay.
Tuulada uu beeraha ku leeyahay ee Seyabo oo ku taal buuraleyda Tigreega waxaa daadsan rasaas iyo bambooyin aan weli qarxin ka dib dagaalkii sokeeye ee dhammaaday Noofambar 2022.
Waxa ay u badnaayeen Bam Gacmeedyo, Madaafiic iyo Hub kale oo ay ka tageen dagaalyahanada labada dhinac ka kala cararay – ma jirto wax miino ah oo lagu aasay goobtan.

Xigashada Sawirka, Amensisa Negera / BBC
Colaadda labada sano socotay, oo malaayiin qof ay ka carareen guryahoodii oo ay ku tiirsan yihiin gargaar, ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee Afrika soo mara tobannaankii sano ee la soo dhaafay.
Waxa dagaal uu dabayaaqadii 2020 ka dhex qarxay ciidamada isbahaysiga ah ee Itoobiya iyo Eritereeya oo dhinac ah iyo dagaalyahanada deegaanka ee Tigrayga oo dhinaca kale ah, oo labaduba u dagaalamaya gacan ku haynta gobolka.
Qiimeyn uu sameeyay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in tirada dadka lagu dilay iska horimaadyada iyo dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ka dhashay iskahorimaadka ay gaarayaan ilaa nus milyan.
Haddana labo sano ayaa laga joogaa heshiiskii nabadeed ee lagu soo afjaray dagaalka, weli waxaa jira dad dhimasho iyo dhaawac ay u horseedeen haraadiga hubkii dagaalka.
Berhane waxa uu ka leexday dariiqii caadiga ahaa ee buurta waayo waxa uu arkay idaha iyo riyaha qoyskiisa oo daaqaya -waxana uu u soo gudbay si uu uga joojiyo in ay galaan dhul qof kale leeyahay. Waa markii uu ku dul istaagay walxaha qarxa.

Xigashada Sawirka, Amensisa Negera / BBC
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Laga soo bilaabo 2023, Laanqayrta Cas waxay sheegtay inay caawisay ku dhawaad 400 oo dhibanayaal ah oo dhibaato ka soo gaartay qaraxyo aan ulakac ahayn - 80% waa carruur.
Laakiin hay'addu waxay aaminsan tahay in tiradani ay tahay "mid aad u yar".
Nigsti Gidey waxay lahayd uur shan bilood ah, markii ninkeeda uu ku dhintay qarax horaantii sanadkan ka dhacay degmada Newi, oo u dhow Adwa.
Wuxuu u baxay inuu gacan ka geysto dhismaha tuuladooda laakiin noloshiisa ayuu waayay ka dib markii uu ka tallaabsaday hub la tuuray. Waxaa loo qaaday isbitaal balse ma uusan sii noolaan.
"Hubka iyo walxa- qarxaba meel walba wa ay daadsan yihiin," xaaskiisa uu ka dhintay ayaa u sidaasi u sheegtay BBC-da.
"Saraakiisha ayaa noo sheegay in aan la taaban wax bir ah oo waddada ku jira."
Waxaa la isku dayey in la ururiyo hubka aan qarxin – sida deegaanka Gorero oo ah tuulo yar oo ka baxsan wadada dheer ee aada magaalada Adwa.
Laakiin way adagtahay in la sameeyo baaritaano balaaran waxaana taliyaha booliska deegaanka Hadush Gebremedhin uu sheegay in uu ka codsaday madaxdiisa taageero dheeraad ah si ay u sameeyaan baaritaano waaweyn.

Xigashada Sawirka, Amensisa Negera / BBC
Dib uma uusan maqlin, taasoo la micno ah inay u badan tahay in kheyraadku xaddidan yahay oo khubarada bambaanooyinka ay gabaabsi yihiin.
Saraakiisha Mr Haduush ayaa fuyuusyada ka saaray qaar ka mid ah hubkii ay heleen, balse si kastaba ha ahaatee wuxuu sheegay in kulayl daran ama dab shil ah uu qarxin karo.
Hay'ado samafal oo hub-sanaya - oo khibrad u leh la tacaalidda cawaaqibka colaadaha kale ee Afrika - ayaa laga yaabaa inay ugu dambeyntii soo galaan, laakiin waa arrin u baahan isku-dubarid ballaaran.
Weli waxaa meesha ka baxay cabsidii ka taagneyd tuulada Berhane, halkaas oo dhawaqa rasaasta culus ay mar qura ka maqlaysay buuraha.
Adeegyadii aasaasiga ahaa sida korontada iyo internetka oo go’ay intii uu dagaalku socday, ayaa dib u billaabay in Seyabo iyo tuulooyinka iyo magaalooyinka kale ay dib u soo noolaadaan.
Berhane waxa u suurtagashay in uu dib ugu noqdo dugsiga markii ugu horaysay muddo sanado ah dhawr bilood ka dib markii ay colaaddu dhammaatay, laakiin xataa ka hor shilkiisii bishii February ee la soo dhaafay, nolosha qoyskiisu waxa ay ahayd mid caadi ka fog.

Xigashada Sawirka, Amensisa Negera / BBC
Wuxuu dagaalka ku waayey walaalkiisii reerka ugu weynaa oo ka tirsanaa halgankii dhinaca Tigrayga.
Mid ka mid ah walaashiis, sidoo kale dagaalyahanada ka mid ahayd, ayaa waxaa soo gaaray dhaawac ilaa hadda lala tacaalayo, waxayna weli taageero caafimaad ka heleysaa Mekelle.
Gabar kale oo walaaliis ah oo ku noolayd meel kale oo ka tirsan gobolka Tigrayga ayaa laga saaray gurigeedii, wayna awoodi wayday inay dib ugu soo laabato, maadaama magaaladeedu ay ku taal meel lagu muransan yahay oo ay wada sheeganayaan Tigreega iyo gobolka ay dariska yihiin ee Axmaarada.
Waxay ku noolayd xero barakacayaal oo ku taal magaalada Adwa ilaa dhawaan markaas oo ay u guurtay si ay u caawiso Berhane.
Dhinaca Berhane, hay’ad samafal ayay u suurtagashay in ay u fidiso raageero lug macmal ah iyo biro uu ku boodo, taasoo ka caawisay inuu mar kale lugeeyo.
Ma uusan awoodin inuu dib ugu laabto Seyabo, maadaama nolosha halkaas ay inta badan u baahan tahay socod dheer oo buuraha ah.
Safar socod lug ah oo 20-daqiiqo ah oo caadi ah oo uu ku tagayay dugsiga tuulada wuxuu hadda qaadan doonaa ku dhawaad saacad sidaas darteed wuxuu u guuray Adwa, halkaas oo uu guri la kiraystay walaashiis.
Ma cadda sida ay u dabooli doonaan dhammaan kharashkooda maadaama walaashii ay weli ku tiirsan tahay gargaarka, laakiin Berhane ayaa sheegay in tani ay tahay habka ugu wanaagsan ee uu ku sii wadan karo waxbarashada.

Xigashada Sawirka, Amensisa Negera / BBC
Saaxiibadiisa cusub waxay ka caawiyaan qoraallada fasalka dhexdiisa maadaama uu qaraxu sidoo kale waxyeello u geystay farahiisa iyo suulasha.
"Dareen isku dhafan ayaan qabaa," ayuu u sheegay BBC-da..
"Mararka qaar waan xanaaqaa laakiin marar kale waxaan garwaaqsadaa inaan weli noolahay oo aan dareemo mahadnaq."
Riyadii uu ku haminayey in uu maalin uun beeralay noqdo way dhammaatay. Shilkiisa ka hor waxa uu inta badan ka caawin jiray aabbihii beerta qoyska oo ay ku beeran jireen galley, hadhuudh iyo miro kale.
U soo guuristiisa magaalada ayaa ka careysiisay waalidkiis, iyadoo awalba la ildarnaa dhibaatadii ka dhalatay dagaalka.
Laakiin Berhane, oo hadda 17 jir ah, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inuu u adkaysto si uu maalin uun u caawiyo.
Waxa uu doonayaa in uu sii wato waxbarashadiisa, waxaana uu dajiyay qorshihii uu ku noqon lahaa shaqaale dowladeed.










