Puntland oo ka jawaabtay hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa in uu tabashadooda kala hadli doono

Waxaa uu madaxweynuhu rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono.

Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE

Qoraalka sawirka, Waxaa uu madaxweynuhu rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono.

Iyadoo maanta uu soo gababaeeyo shirkii golaha wadatashiga qaran ee Muqdisho, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sheegay in madaxda maamul goboleedyada ee khilaafku uu kala dhaxeeyo ay ka dowlad federal ahaan kala hadlayaan tabashadood horreyna ay ula hadleen.

Waxaa uu madaxweynuhu rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono, maadama sida uu sheegay mas’uuliyiintaan ay horey qayb uga ahaayen go’aanno masiiri ah oo dalka lagu hoggaamiyay.

Hadalkaan ayuu ka sheegay madaxweynuhu kulan casho ahaa oo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu xalay ugu sameeyay magaalada Muqdisho , waxaana uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga baarlamaanka.

“Walaalaheen waa la hadleynaa, awalna waa la hadalnay waa daba joogeynaa haddii ay naga ogolaadaan inaan u tegno waan u safreynaa, haddii ay naga ogolaadaan inay noo yimaadaan waan baryeynaa inay noo yimaadaan dhib iyo colaad halkaan kasoo jirto malaha, iyagana waa dad mas’uuliyiin oo sharaf iyo karaamo leh waayey” ayuu sii raaciyay.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu Muqdisho ka socdo isla markaana uu dhawaan ka baxay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, halka Puntland-na ay horey uga maqneed khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeya dartii.

Hadaba maamulka Puntland ayaa jawaab ka bixiyay hadalkii uu xalay madaxweynaha jeediyay, iyagoo sheegay in tasi aysan ahayn jawaabtii ay ka sugayeen madaxweynaha.

"Madaxweynaha waxaanu ogeyn in Puntland ay mar hore go’aan ka gaarto inta lakala maqan yahay wax allaale wixii sharci ku saabsan ee la gaaro inaanay agteeda ka soconeyn"

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Warfaafinta Puntland

Qoraalka sawirka, "Madaxweynaha waxaanu ogeyn in Puntland ay mar hore go’aan ka gaarto inta lakala maqan yahay wax allaale wixii sharci ku saabsan ee la gaaro inaanay agteeda ka soconeyn"

“Madaxweyne Xasan Xujooyin badan baa ku maqnaa oo Caleemo saarkii madaxweyne Deni oo isagana ka soo qeybg-galay ayuu Deni dhigay gogol Soomaaliyeed madaxweynaha aqbalay markii uu Xamar tagayna uu gogoshii diiday taas waxaa xigay dhor goor oo kale oo ay ka mid ahayd maalintii Nabadda Adduunka waxa uu madaxweyne Deni goob fagaaro ah ka sheegay in Puntland ay wadahadal diyaar u tahay oo mas’uuliyiintii halkaas joogtay u sheegay inay farriintaas qaadaan weyna u geeyeen,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo BBC-da la hadlay

“Marka madaxweynaha hadalka maanta laga rabay oo anaga iyo Soomaaliba sugeynay ayaa waxay ahayd inuu yirahdo, waxaan aqbalay gogoshii uu fidiyay madaxweyne Saciid Cabullaahi Deni oo ahayd meel fagaaro ah aan ku garnaqsano, hadaanu gar leenahayna hanaloo garaabo, hadaanu gardarannahayna hanalaqabto ee ma ahayn inuu yirahdo walaalahay waan u tagayaa waxaynaa taasi ahayd,” ayuu intaasi ku daray.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

“Madaxweynaha waxa markii uu arkay xildhibaanada uu la kulmay uu kala hadlayay in la meel-mareeyo doorashada qofka iyo codka ah ee uu doonayo Khamiista loogu meel-mariyo ayuu ogaaday in wax aan heshiis lagu ahayn aanu socon doonin, madaxweynaha waxaanu ogeyn in Puntland ay mar hore go’aan ka gaarto inta lakala maqan yahay wax allaale wixii sharci ku saabsan ee la gaaro inaanay agteeda ka soconeyn oo aanu sharci noqon doonin waxaan heshiis lagu wada ahayn.”

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meel xun uu gaaray khilaafka dowladda, federaalka, Puntland iyo Jubbaland oo aan ka soo qayb galin wajiga labaad ee shirka oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka kuwaas oo dhaliyay muran xoogan, maadaama ay isku khilaafeen saddexda dhinac.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ku adkeystay in aan laga hadli karin doorasho iyo masiirka umadda ilaa shirka laga heshiiyo waxyaalaha qaar.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xamse ayaa isku day badan sameeyay si Axmed Madoobe ay ugu qanciyaan ajandahooda Siyaasadeed balse kuma aysan guuleysan.