Goorma ayaan ogaaneynaa cidda ku guuleysatay doorashada Mareykanka?

Cod-bixiyayaasha Maraykanka ayaa 5-ta Noofambar u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha xiga.
Qoraalka sawirka, Cod-bixiyayaasha Maraykanka ayaa 5-ta Noofambar u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha xiga.

Cod-bixiyayaasha Maraykanka ayaa 5-ta Noofambar u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha xiga.

Natiijooyinka doorashada Mareykanka ayaa mararka qaar lagu dhawaaqaa saacado gudahood marka ay codbixintu xiranto, balse sanadkan tartanka uu muujinaya inay aad isugu dhaw yihiin ayaa la macno ah in la sugo waqti dheer.

Goorma ayaa la filayaa natiijada doorashada madaxweynaha ee 2024?

Qaar ka mid ah tartamada madaxweynanimada qofka ku guulaysta waxa la shaaciyaa goor dambe oo habeenka isla maalintii ay doorashadu dhacday, ama subaxa hore ee xiga. Markan, tartanka ciriiriga ah ee gobolo badan ayaa macnaheedu noqon karaa in warbaahintu ay sugaan waqti dheer ka hor inta aysan shaacin cidda guuleystay.

Kamala Harris oo Dimuqraadiga mataleysa oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka iyo Donald Trump oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, madaxweynihii hore, ayaa aad u ololeynayay muddo toddobaadyo.

Guulaha ciriiriga ah waxay sidoo kale macnaheedu noqon karaan dib u tirinta. Gobolka Pennsylvania ee muhiimka ah, tusaale ahaan, dib u tirinta gobolka oo dhan ayaa loo baahan doonaa haddi ay jirto farqi boqolkiiba nus ah oo u dhexeeya codadka la dhiibtay ee labada musharax. Sannadka 2020, farqiga waxa uu ka yara badnaa boqolkiiba 1.1.

Caqabado dhanka sharciga ah ayaa sidoo kale suurtagal ah. In ka badan 100 dacwadood oo ka hor doorashada ah ayaa mar hore la gudbiyay, oo ay ku jiraan caqabadaha ku wajahan u-qalmitaanka cod-bixiyaha iyo maamulka liiska cod-bixiyayaasha, ee Jamhuuriga

Xaaladaha kale ee dib u dhaca keeni kara waxa ka mid ah khalkhal kasta oo doorashada la xiriira, gaar ahaan goobaha codbixinta.

Dhanka kale, tirinta codadka ayaa si xowli ah loo tiriyay meelaha qaar oo ay ku jirto gobolka muhiimka ah ee Michigan, waxaana codad aad uga yar lagu dhiiban doonaa dhanka boostada marka loo eego doorashadii ugu dambeysay, oo ahayd xilligii cudurka faafa ee Covid-19.

Qaar ka mid ah tartamada madaxweynanimada qofka ku guulaysta waxa la shaaciyaa goor dambe oo habeenka isla maalintii ay doorashadu dhacday, ama subaxa hore ee xiga.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Trump iyo Harris

Goorma ayaa lagu dhawaaqay natiijada doorashada hore ee madaxweynaha?

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Doorashada 2020 waxa ay dhacday maalin talaado ah oo ay taariikhdu ku beegnayd 3-dii November. Si kastaba ha ahaatee, telefishinada Mareykanka ma aysan shaacinin in Joe Biden uu ku guuleystay doorashada illaa subaxnimadii Sabtida ee 7-dii Noofambar, ka dib markii natiijadii Pennsylvania ay noqotay mid cad.

Doorashooyinkii kale ee dhawaa, codbixiyayaashu waxa ay haysteen waxa ay natiijada sugayeen muddo kooban.

Sannadkii 2016, markii Trump uu ku guuleystay madaxtinimada, waxaa lagu dhawaaqay inuu guuleystay wax yar ka hor 03:00 xilliga maxalliga ah oo ahayd maalin ka dib doorashada.

Sannadkii 2012, markii Barack Obama uu ku guuleystay xilka oo ahayd markii labaad, guushiisa waxaa la shaaciyay saqdii dhexe ka hor maalinta codbixinta lafteeda.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadii 2000 ee u dhaxaysay George W Bush iyo Al Gore waxay ahayd mid xusid mudan.

Codbixinta ayaa la qabtay 7-dii Noofambar, laakiin labada musharax ayaa loollan adag ku dhex-maray gobolka Florida, tartankana lama go'aamin ilaa 12 December. Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa u codeysay in la soo afjaro hannaanka dib u tirinta codadka ee gobolka, taasoo Bush ku sii haysay inuu ku guuleysto xilka, isla markaana loo dhiibo Aqalka Cad.

Waa maxay gobolada muhiimka ah ee aadka indhaha loogu hayo doorashada sanadka 2024?

Guud ahaan dalka, codbixinaha ugu horreeysa waxa ay xirmi doonaan 6-da maqribnimo xilliga maxallig ah Talaadada maanta ah, codbixinada ugu dambeeyana waxa ay xirmi doonaan 01:00 xilliga Mareykanka oo ku beegan subaxnimada Arbacada.

Laakiin tartankan ayaa isha aad loogu hayaa toddobo gobol oo isbedbeddela ee cidna ku Tashan karin kuwaas oo khubaradu aaminsan yihiin in ay si macquul ah ugu guulaysan karaan Harris ama Trump. Kuwani waa Arizona, Georgia, Michigan, Nevada, North Carolina, Pennsylvania iyo Wisconsin.

Codbixinta gobolladan ayaa waxay xirmeysaa saacado kala duwan.