Ruushka oo sheegay in uu isha ku hayo talaabooyinka Trump ee ku aadan Greenland

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushka uu si dhow ula socdo xaaladda, kaddib markii madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump uu diiday inuu meesha ka saaro tallaabo milateri oo uu Greenland kaga qaadayo Denmark.
Peskov waxa uu sheegay in wadamada Arctic-ku ay ku sugan yihiin Ruushka "waxayna danaynayaan nabadda iyo xasilloonida aaggaas".
Hadalka Trump ee ku aadan Greenland – oo ah dhul ka madax bannaan Denmark – ayaa waxaa digniin ka soo saaray madaxda Yurub.
Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Kaja Kalas ayaa yiri "waa inaan ixtiraamnaa madaxbannaanida dhuleed ee guud iyo madax-bannaanida Greenland", Olaf Scholz oo ka tirsan Jarmalka ayaa si cad u sheegay "in xuduudaha aan lagu wareejinin awood".
Trump ayaa horaantii isbuucan sheegay in Mareykanka uu u baahan yahay Greenland iyo kanaalka Panama sababo la xiriira "amniga dhaqaalaha" ee Maraykanka, wuxuuna diiday inuu meesha ka saaro adeegsiga awood dhaqaale ama mid militari si uu ula wareego aaggaas.
Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay xadka Canada kala dhaxeeye Maraykanka "khad si macmal ah loo sawiray". Danmark iyo Canada labaduba waxay ka tirsan yihiin xulafada Nato ee Maraykanka.
Dmitry Peskov ayaa sheegay in sheegashada Trump ay tahay arrin quseysa Mareykanka, Denmark iyo dalal kale, balse Ruushku waxa uu eegayo "xaaladda la yaabka leh" ee ka dhalaneysa hadalka Trump. "Waxaan joognaa aagga Arctic ga, waana sii wadi doonaa inaan joogno halkaas," ayuu yiri.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa isku dayay inuu dhimo walaaca laga qabo hadalka madaxweynaha la doortay intii uu ku guda jiray booqashadiisa Paris: "Fikradu... sida iska cad mid wanaagsan maaha, laakiin waxaa laga yaabaa inay ka sii muhiimsan tahay in laga fikiro, sida iska cad in ay tahay mid aan dhici doonin. "
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Ingiriiska David Lammy ayaa sidoo kale hoos u dhigay hadalka Trump, laakiin waxa uu qiray "culayska hadalkiisa iyo saadaalin la sameynayo mararka qaarkood waxa uu sheegay inay xasilooni darro keeni karto".
Ilaa 56,000 oo qof ayaa ku nool Greenland, waxaana ku yaal saldhigyada ciidamada Maraykanka iyo kuwa deenishka. Waxa kale oo ay leedahay hanti ka kooban macdan iyo shidaal taas oo aan laga faa'iidaysan.
Ra'iisul wasaaraha Greenland Mute Egede ayaa mudaba dadaal ugu jiray sidii ay u heli lahaayeen madax-bannaani, inkastoo dhaqaalaha dhulku uu si weyn ugu tiirsan yahay kaalmada Denmark.
Isaga iyo hogaamiyaha deenishka labaduba waxay ku nuuxnuuxsadeen in aanay "iib ahayn" Greenland mustaqbalkeeduna uu ku jiro gacanta dadkeeda.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ra'iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in Copenhagen ay si cad u danaynayso inay hubiso in Maraykanka - "oo ah saaxiibkooda ugu dhow" uu door muhiim ah ka ciyaaro xiisadaha sii kordhaya ee ka taagan waqooyiga Atlantic ga, gaar ahaan kuwa ay ku lug leeyihiin Ruushka.
Iyada oo wajaheysa baryahaan qalalaase siyaasadeed oo weyn, ayay ku baaqday shir ay xisbiyada kale ee siyaasadda ee dalkeeda ay kula yeelanaysay xafiiskeeda fiidkii habeenkii Khamiista.
Guddiga Yurub ayaa sheegay in hanjabaadda Trump ee Greenland ee la sheegayaa in tahay "hadalo la sila dhexmarayo" iyo "malo-awaalo laga badbadiyay", iyagoo tixgalinaya inuusan weliba xafiiska la wareegin.
Si kastaba ha ahaatee, waxa xaqiijiyeen in Greenland, oo ah dhul iyaga aad uga fog, in ay ku tiirsan tahay caawimaad laba dhinac ah oo u baahan gurmadka dhammaan dowladaha Midowga Yurubay haddii la soo weeraro.
Kremlin-ka ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay jawaabta Yurub, isagoo sheegay in falcelinteedu ahayd "mid xishood badan ku jiray... oo xitaa aan kor loo dhihi karin".
Todobaadkii aynu soo dhaafnay, hugaamiyaha Greenland ayaa waxqa uu sheegay in ay tahay in uu dalkiisu ka madaxbanaanaado "amar ku taagleynta gumeysiga", in kasta oo uusan marnaba soo hadal qaadin Maraykanka.













