Maraykanka oo Ruushka ku eedeeyey faragelin doorasho

Tebin toos ah

  1. Nin madax-xanuun joogto ah ka caban jiray iyo wixii maskaxdiisa lagu arkay

    caafimaad

    Xigashada Sawirka, SCIENCE PHOTO LIBRARY

    Dhakhaatiir u dhalatay dalka Maraykanka ayaa daaha ka qaaday in bukaan la ildarnaa xanuunka dhanjafka xooggan ee soo noqnoqda u uku sababay xanuunkan tirxi ama gooryaan ku dhex noolaa maskaxdiisa.

    52-jirkan oo aan la shaacin magaciisa ayaa booqday dhaqtarkiisa Florida kadib markii madax xanuunka dhanjafka oo sidoo kale goonjab ama wareento loo yaqaan waxbana uu ka tari waayey kiniinka xanuun baabi’iyuhu.

    Dhakhaatiirtu markii ay samaynayeen baadhista raajada madaxa, waxay ogaadeen in maskaxdiisa ay ku jiraan fiixyo badan oo, sida ay markii dambe ku xaqiijiyeen daraasado ka dambeeyay, dhab ahaantii ah dirxi dhogor leh oo ku nool maskaxdiisa kaas oo ku sababay caabuq loo yaqaan ‘neurocysticercosis’.

    Caabuqan waxaa keena dirxiga Taenia solium (T.solium), oo sidoo kale loo yaqaanno gooryaanka doofaarka.

    Cunista hilibka doofaarka ee aan si fiican la karinin si toos ah uma keento neurocysticercosis.

    Khubaradu waxa ay aaminsan yihiin in markii hore uu bukaanku gacanta ku qabtay gooryaanka xiidmaha,kadibna maadaama oo uusan si wanaagsan u dhaqin gacmahiisa uu gaaray ukunta gooryaanka saxaradiisa kasoo baxay, taasina ay keentay in caabuqa neurocysticercosis uu ku dhoco.

    Daabacaadda kiiska ee joornaalka Maraykanka ee Warbixinta Kiisaska , dhakhaatiirtu waxay ku muujiyeen in "in kaliya la qiyaasi karo" in bukaanku uu isaga uuni is qaadsiiyey caabuqa cysticercosis.

    Bukaanka waxaa la siiyey daawooyinka lagu dilo dirxiga iyo bararka wuxuuna sameeyay soo kabasho buuxda.Halkan ka sii akhri sheekada oo dhammaystiran

  2. Orodyahanad caan ka ahayd adduunka oo saaxiibkeedii hore si arxan darro ah nafta u dhaafiyey

    orodyahanad

    Xigashada Sawirka, AFP

    Odoryahanada reer Yugandha Rebecca Cheptegei, ayaa u geeriyooday dhaawac darran oo ka soo gaaray markii nin ay hore saaxiib u ahaayeen uu gubay sida ay sheegeen saraakiisha Uganda.

    Orodyahanadan 33 jir ah ayaa ka mid ahayd ciyaaryahadii ka qayb galay ciyaarihii Olombikada ee Paris ku soo dhammaaday sanadkan.

    Maamulka waqooyi-galbeed ee Kenya, oo Cheptegei ay ku nooleyd kuna tababaranaysay ayaa sheegay in la beegsaday ka dib markii ay ku soo laabatay gurigeeda iyadoo ka timid kaniisadda.

    Booliska ayaa sheegay in baaritaan uu socdo.

    Waxaa jira walaac laga qabo dhibaatooyinka sii kordhaya ee ka dhanka ah gabdhaha ciyaaraha fudud ee Kenya, kuwaas oo dhowr ka mid ah ay sababeen dhimasho.

    "Aad baan uga xunnahay inaan ku dhawaaqno geerida Rebecca Cheptegei subaxnimadii hore ee saaka taasoo si xun ugu dhacday rabshado qoys, xiriir ahaan, waxaan cambaareyneynaa falalkan oo kale, waxaana ku baaqaynaa cadaalad, ," Xiriirka ciyaaraha fudud ee Uganda ayaa sidaas ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X ee hore loo oron jiray Twiter.

    Orodyahanada u dhalatay dalka Yugandha Rebecca Cheptegei, ayaa geeriyooday maanta oo khamiisa iyadoo lagu daweynayay isbitaal ku yaalla magaalada Eldoret ee dalka Kenya, sida uu xaqiijiyay agaasimaha adeegyada caafimaadka ee xarunta Owen Menach.

  3. Xanuunka halista leh ee ay soo dadajiyaan waxyaabo ay Soomaalidu Isticmaasho

    Xanuunka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

    Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

    "Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel," ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

    DHaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u sameysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

    Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada," ayuu yiri Dr Gabboose.

    Faaliga ama dhan qalalka waxaa uu ka mid yahay saddexda xanuun ee bini’aadamka ku dhaca ee loo dhinto, wuxuu kaloo kaalinta labaad ka gala xanuun kasta oo ku dhaca bini’aadamka ee curyaanimada uga taga

    Qiyaasaha ayaa muujinya in cudurka Faaliga uu in kabadan 12 milyan oo qof uu caalamka aafeeyo sanadkiiba.Halkan ka sii akhriso sheekada oo dhammaystiran

  4. Tirada barakacayaasha ku nool Garoowe iyo caqabadaha ay wajahayaan

    barakacaaal

    Xigashada Sawirka, IRCR

    Sida lagu sheegay warbixin cilmi-baariseed ay soo saareen machadka SIDRA oo ah mid maxaliya, tirada dadka barakacayaasha ah ee ku nool Garoowe ayaa lagu sheegay inay yihiin ilaa 8,500 oo qoys.

    Dadkaas warbixintu waxay sheegtay in sababaha ay u barakaceen ay ka mid yihiin colaaddaha ka jira qayba ka mida Soomaaliya, abaaraha iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ee ka jira dalka.

    Maxamed Bashiir Siciid oo ka tirsan machadka SIDRA, ayaa BBC-da u sheegay in cilmi-baaristooda ay ku ogaadeen dhowr caqabadood oo haysta dadka barakacayaasha ah.

    Waxyaabaha ugu darran ee wajahayaan ayuu sheegay inay ka mid tahay xirfad yari, faqriga oo ah dhibaatada ugu weyn haystaa gaar ahaan markii uu meesha ka baxay isticmaalkii shiling Soomaaliga deegaanada Puntland oo aad ugu tiirsanayeen dadkaasi.

    Warbixintu waxay sheegtay in goobaha dadkaasi ay ku nool yihiin aysan haysan waxbarasho sare iyo goobo lagu barto farsamada gacanta.

  5. Maraykanka oo ku eedeyey warbaahin Ruushka laga leeyahay faragalin doorashada dalkaasi

    Maraykanka

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Maamulka ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin "si adag looga hortago" hawlgallada la sheegay.

    Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay labada tafaftire ee ugu sarreeya TV-ga RT ee ay maalgeliso dowladda Ruushka, iyaga oo ku eedeeyay in ay ka qeyb qaateen howlgalk Kremlin-ku ku faragalinayeen doorashada madaxtinimada ee November. Warbaahinahan la eedeeyey ayaa iska fogeysay eedeymaha loo soo jeediyay.

    Maamulka ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin "si adag looga hortago" hawlgallada la sheegay.

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maraykanka Merrick Garland, ayaa ku eedeeyay warbaahinta RT, oo hore u ahaan jirtay Russia Today, in ay bixisay 10 milyan oo dollar oo la siiyey shirkad Tennessee si ay u "abuurto oo ugu qaybiso waxa dhagaystayaasha Maraykanka fariinta qarsoon ee dawladda Ruushka".

    Madaxa RT Margarita Simonyan, waxay ka mid ahayd 10 qof oo la cunaqabateeyey laguna eedeeyay inay isku dayeen inay waxyeeleeyaan "kalsoonida dadweynaha".

    Warbaahinta RT ayaa diiday ku lug lahaanshaha arrimahaas.

    Afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad John Kirby, ayaa sheegay in barnaamijkan Ruushku uu uga dan leeyahay "in la dhimo taageerada caalamiga ah ee Ukraine, xoojinta siyaasadaha iyo danaha Ruushka u janjeera, iyo in saameyn lagu yeesho codbixiyayaasha halkan Maraykanka".