Ogoow diyaaradaha adduunka ugu dheereeyaa sanadkan 2025-ka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ma dooneysaa in aad raacdo duulimaad dheereeya? Wax ka ogow diyaaradaha rakaabka ugu dheereeya adduunka. Ma dooneysaa diyaarado xawaare dheereeya ku socda? Hadii aad duulimaad dheer raaceyso, waa macquul in aad maqasho qeylida carruurta. Maxaan ka naqaan diyaaradaha rakabaaka ah ee xawaarahoodu dheereeyo?
Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa diyaaradaha ugu dheereeya adduunka anigoo fiirinaya xawaarahooda iyo qiimaha. Waxaan ka bilaabeynaa diyaarada Boeing 747.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boeing 747-400 – 1056km/h (656mph
Diyaarada 747-400 ee ka mid ah kuwa la tixgeliyo ayaa soo gashay liiskan inkastoo ay shaqeyneysay in ka badan 35 sano. Xawaaraheedu wuu dheereeyaa balse waxay leedahay naqshad gabowday oo aan qiimo laheyn. In qiimaheedu hoos u dhaco waxaa soo dadajiyay aafadii Corona.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boeing 777 – 1098km/h (683mph)
Diyaarada 777 waa mid kale kale oo caan ah, muddo dheerna soo shaqeyneysay. Diyaaradan waxay shaqeyneysa ku dhawaad 30 sano. Kuwa hor leh in la dalbado waxay ka dhigan tahay in diyaaradan aad weli ku sii aragto hawda sanado badan oo soo socda.
Waxay diyaaradan awoodaa in ay qaado in ka badan 500 oo rakaab ah iyadoo xawaaraheeduna gaarayo saacadii 1099 oo kiilomitir.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Airbus A380 –1098km/h (683mph
A380 waa diyaarada kaliya ee dheereysa oo labo dabaq ah. Waxay si raaxo leh u qaadaa in ka badan 800 oo rakaab ah. Dhabtii waa diyaarad rakaab tii ugu weyneyd ee la dhiso abid. Balaceedu waa 32 oo u dhiganta basaska labad dabaq ah.
16-kii sano ee la soo dhaafay, diyaarada A380 waxay qaadaa dad ka badan 300 oo milyan adduunka oo dhan. Sameynteeda si rasmi ah ayaa loo joojiyay balse xawaaraha iyo raaxada diaaradan ay leedahay ayaa ka dhigan in ay sanado ay sii duuli doonto.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dassault Falcon 7X – 1111km/h (690mph)
Falcon 7X waa nooc ka mid ah diyaaradaha Falcon ee ay sameyso shirkadda Dassault. Noocaha Falcon 10X ayaa ah mid aad uga dheereysa noocii ka horeeyay iyadoo la filayo inuu gaaro xawaaraheeda 0.925.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boeing 787 Dreamliner – 1111km/h (690mph)
Tallaabada shirkadda Boeing ee ah in ay sameyso duulimaad dheereeya ayey ku kasbatay in ay hesho sumacd diyaarado raaxo leh oo tayadoodu fiican tahay. Xawaaraha ugu sareeya diyaaradeeda waxa uu gaarayaa 1,111 kiilomitir saacadii.
Diyaaradan caanka ah waxay dunida ka sameysay duulimaadyo ka badan kun. Tani waxay ka dhigan tahay hadii ay duusho masaafo dheer in ay la mid tahay diyaaradaha Dreamliner

Xigashada Sawirka, Getty Images
Boeing 747-8i – 1136km/h (706mph)
Diyaaradan cajiibka ah waan tan ugu dheereysa uguna weyn adduunka. Waxay awoodaa in ay qaado ku dhawaad 500 oo qof, waxa uuna xawaaraheeda gaarayaa 1130 kiilomitir saacadii.
Dhabtii diyaaradahaan waa kuwa cajiib ah. Labo ka mid ah waxaa dib u dayactir ku sameynaya ciidamada cirka Mareykanka, waxayna noqonayaaan Air Force One

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gulfstream G700 – 1142.19km/h (709mph)
Gulfstream waa nooc ka mid ah diyaaradaha gaarka. Waa diyaarado qaali ah. Qiimahoodu wuxuu gaarayaa ilaa iyo $80 milyan oo doolar. Waxayna diyaaradan leedahay xawaare sare oo aan caadi aheyn.
Muga diyaaradan ay qaado waa 19 rakaab ah. Waxay sidoo kale leedahay awood ay ku duusho joog gaarayaa ilaa iyo 15,000 mitir. Tani waxay ka dhigan tahay in joogeedu uu gaaraya meel ka sii sareysa diyaaradaha kale marka ay cimiladu xun tahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cessna Citation X+ – 1154.538km/h (717mph)
Waa nooc Citation X ee la horumariyay. Waxaa la sameeyay sanadkii 2012-kii. Waxay noqotay diyaarad aad loo yaqaan. Halka arrin ee lagu dhaliilo diyaaradan waa iyadoo ka xawaaraheeda uu ka hooseysay kuwa dhigeeda ah ee la tartamaya.













