Ma shimbiro ayaa sababay shilkii diyaraadeed ee Kuuriyada Koofureed maxaase ugu dambeeyay?

Xigashada Sawirka, Getty Images
In ka badan 170 qof ayaa dhintay ka dib markii diyaarad ay ku burburtay xilli ay ku degaysay Kuuriyada Koonfureed subaxnimadii Axadda.
Muuqaallo murugo leh ayaa muujinaya diyaaradda Jeju Air oo ka soo kacaysa dhabbaha ay diyaaraduhu ku ordaan kahor inta aysan ku dhicin xayndaab oo uusan dab ka kicin iyada oo ku sugan garoonka caalamiga ah ee Muan.
Diyaaradda oo ka soo laabatay magaalada Bangkok ee dalka Thailand, ayaa waxaa la socday 181-qof oo 179 ka mid ah ay dhinteen, halka laba ka mid ah shaqaalihii diyaaradda laga soo badbaadiyay burburka diyaaradda.
Maamulka ayaa baaraya sababta keentay shilkan, iyadoo saraakiisha dab-damiska ay sheegeen in laga yaabo inay u dhacday shimbiro awgood iyo cimilada oo xumaatay. Si kastaba ha ahaatee khubarada ayaa sharraxay burburka diyaaradda inay sababi karaan dhowr arrimood.
Ma laga yaabaa in shimbiro isbahaystay ay sababeen shilka?
Duulimaadka, 7C2216, waxa ay ahayd Boeing 737-800 ay ku shaqaynaysay Jeju Air, oo ah diyaaradda ugu caansan ee miisaaniyadda Kuuriya.
Diyaaradda ayaa timid magaalada Muan abbaare 09:00 xilliga maxalliga ah (00:00 GMT).
Sarkaal ka tirsan waaxda gaadiidka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in diyaaraddu ay isku dayday in ay degto balse lagu qasbay in ay joojiso ka dib markii maamulka hawada uu bixiyay digniin shimbiro ah oo ku saabsan khatarta ah in ay isku dhacaan shimbiraha iyo diyaaradda.
Qiyaastii laba daqiiqo kadib, duuliyaha ayaa la hadlay qaybta adeegga deg-degga ah, waxaana taliska hawada uu fasaxay in diyaaradda ay kasoo degto jihada ka soo horjeeda, ayuu yiri sarkaalku.
Hal muqaal ayaa u muuqda in uu muujinayo diyaaradda oo dhulka taabanaysa iyada oo aan isticmaalin taayirkeeda ama wax kale oo ay ku degto. Waxa ay ku sii dhacday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan kadibna ay derbi ku dhacday inta uusan dabka ka kicin.
Goobjooge ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Kuuriyada Koonfureed ee Yonhap in ay maqleen jug weyn oo ay ku xigeen "qaraxyo xiriir ah".
Muuqaalo laga soo duubay goobta ayaa muujinaya diyaarada oo gubanaysa oo uu qiiq cirka isku shareeray. Kooxaha dab damiska ayaa markaas damiyay dabka.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Lee Jeong-hyun, oo ah madaxa waaxda dab-damiska ee Muan, ayaa u sheegay warbixin kooban oo laga sii daayay taleefishinka in shimbiro ku dhacay iyo cimilo xumada ay dhici karto in ay sababeen shilka, balse weli la baarayo sababta dhabta ah. Duulimaadka iyo cod duubayaasha diyaaradda ayaa la helay, inkastoo wakaaladda wararka ee Yonhap ay sheegtay in midkii hore uu burbur soo gaaray.
Baaraha ayaa wakaaladda wararka u sheegay in sanduuqyada madow ay qaadan karaan muddo bil ah si loo kala saaro.
Mid ka mid ah rakaabka diyaaradda ayaa farriin u diray qof ay ehel yihiin, isagoo sheegay in shimbir "ay baalka diyaaradda ku dhegan tahay" diyaaraddana ay soo degi weyday, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Saraakiisha, si kastaba ha ahaatee, ma aysan xaqiijin in shilka diyaaradda ay si dhab ah u sababeen wax shimbiro ah.
Madaxa maamulka Jeju Air ayaa sheegay in shilkan uusan sabab u ahayn "wax arrimo dayactir ah".
Waaxda gaadiidka ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in duuliyaha diyaaradda uu shaqada hayay tan iyo 2019-kii, wuxuuna lahaa in ka badan 6,800 oo saacadood oo khibrad duulimaad ah.
Waa maxay weerarrada ay fuliyaan shimbiraha?
Isu soo baxyada shimbiraha waa isku dhaca u dhexeeya diyaarad duuleysa iyo shimbir. Aad ayey ugu badan yihiin gudaha UK, waxaa la soo sheegay in ka badan 1,400 shimbiro ah 2022, kaliya 100 ka mid ah ayaa saameeyay diyaarad, sida lagu sheegay xogta Hay'adda Duulista Rayidka.
Weerarkii shimbiraha ee ugu caansanaa ayaa dhacay 2009, markii diyaarad Airbus ay si degdeg ah ugu degtay webiga Hudson ee New York ka. Dhammaan 155 rakaab ah iyo shaqaalihii diyaaradda ayaa badbaaday.
Professor Doug Drury, oo duulista ka dhiga CQUniversity Australia, ayaa maqaal uu ku qoray The Conversation xagaagan ku sheegay in dayuuradaha Boeing ay leeyihiin matoorada turbofan, kuwaas oo si ba'an ay waxyeelo ugu geysan karto gadoodka shimbiraha.
Waxa uu sheegay in duuliyayaasha loo tababaray inay si gaar ah u foojignaadaan xilliga aroorta ama qorrax dhaca oo ay shimbiruhu aad u socdaan.
Balse qaar ka mid ah khubarada dhinaca duulimaadyada ayaa shaki ka qaba in shimbiro ku soo booday ay sababeen shilka ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Muan iyo in kale.

Xigashada Sawirka, EPA
Waa kuwee dhibanayaasha shilka diyaaradeed iyo kuwa badbaaday?
Diyaaradda ayaa siday 175 rakaab ah iyo lix shaqaale ah. Laba ka mid ah rakaabka ayaa u dhashay dalka Thailand, inta kalena waxa la rumaysan yahay in ay u dhasheen Kuuriyada Koonfureed, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Qaar badan ayaa loo maleynayaa inay ka soo laabteen fasaxii kirismaska ee Thailand.
Tirada rasmiga ah ee dhimashadu waxay maraysaa 179 - taasoo ka dhigaysa shilkii diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa taariikhda Kuuriyada Koonfureed.
Dhammaan rakaabkii iyo afar ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa dhintay.
Maxay hadda qabanayaan masuuliyiintu?
Ku simaha madaxweynaha Choi Sang-mok ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo baaro guud ahaan shaqada diyaaradaha ee dalka.
Muan ayaa sidoo kale lagu dhawaaqay aag musiibo gaar ah, kaas oo ka dhigaya maalgelinta dawladda dhexe mid ay heli karaan dawladda hoose iyo dhibbanayaasha.
Dhammaan duullimaadyadii ka soo degi lahaa ama ka soo dagaya garoonka caalamiga ah ee Muan waa la joojiyay.
Baroor diiq qaran oo todobada maalmood ah ayaa lagu dhawaaqay, waxaana laga yaabaa in la baajiyo ama la dhimo dabaaldegyada sanadka cusub ee dalka.
Diyaaradda Boeing ayaa sheegtay inay la xiriirto Jeju Air ayna diyaar u tahay inay taageerto iyaga.
Jeju Air ayaa raaligelin siisay qoysaska, iyadoo madaxa fulinta ee shirkadda uu shir jaraa'id ku sheegay in shirkadu aysan lahayn taariikh shilal ah. Waxaa la rumeysan yahay in shilkii Axaddii uu ahaa shilka kaliya ee dhimashada dhaliyay tan iyo markii la bilaabay diyaaradda 2005-tii.













