Wax ka ogow diyaaradda dhowrka mar gashay shilka ee mar ay ku dhinteen boqollaalka qof ee baaritaanka ku socdo

Boeing 737 Max 8

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kadib markii diyaaradda Boeing 737 Max 8, ay soo wajahday walaac dhanka amaanka ah, xilli ay si khatar ah ugu leexatay dhanka bidix iyo midig, iyadoo ku jirtay duulimaad ayaa waxaa maamulka duulista ee Mareykanka waxa uu furay baaritaan la xiriira arrinkan oo ay shirkaddu samaysay.

Waxaa la sheegay in diyaarada Southwest Airline oo gudaha garoonka loogu yeero ‘Dutch Roll’ ay la kulantay xaalad Khal-khal ah kadib markii dhanka bidix iyo midig ay dhowr mar u leex leexatay iyada oo u muuqata mid sabbeyneysa.

Maamulka Duulimaadyada Mareykanka ayaa sheegay in bishii lasoo dhaafay uu Shilkan ku dhacay diyaarad ka soo duushay magaalada Phoenix ee gobolka Arizona kuna socotay Oakland, California.

Diyaaradan oo Gariir daran oo dhanka bidix iyo Midig ah la kulantay, waa isla Diyaaraddii ku burburtay Itoobiya iyo Indonesia dhowr sano ka hor oo ay ku dhinteen 346 qof.

Shilalkaas kadib, waxaa la xusuustaa in diyaaradaha Boeing 737 Max laga joojiyay duullimaadyada adduunka oo dhan muddo ka badan 18 bilood.

Shilalkan kadib, Boeing waxaa baaritaan ku haya maamulka duulista ee Mareykanka, gaar ahaan kuwa la xiriira nooca diyaaradaha ee Max.

Diyaaradda Southwest Airlines Boeing 737-800 ayaa la baarayaa ka dib markii daboolka matoorka uu ka dhacay markii ay duuleysay.

Intaa waxaa dheer, dhowr bilood ka hor, albaabka degdegga ah ee diyaaradda Alaska Airlines 737 Max 9 ayaa iyada oo hawada ku jirtay la kulantay cillad kale.

Maamulka duulista hawada ee Mareykanka ayaa sheegay in diyaaradda ay si nabad ah ku degtay kaddib markii diyaaraddu ay la kulantay cillad xooggan oo ay u suurtagashay in ay dib u soo caga dhigato.

Si kastaba ha ahaatee, qaybta dambe ee diyaaradda oo shaqaynaysay muddo labo sano ah, ayaa waxaa soo gaaray burbur xooggan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Dhowaan, kooxda badqabka duulista ayaa ku eedaysay Boeing in aysan si ku filan u siin tayada habka wax soo saarka diyaaradaha.

Boeing

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Boeing ayaa u gudbisay saraakiisha duulista qorshe u ogolaanaya inay hoos u dhigto wax soo saarka diyaaradda MAX, isla markaana ay xalliso dhibaatooyinka ka dhasha.

Sannadkii hore, laba diyaaradood oo nooceedu yahay Southwest Airlines 737 MAX ayaa la kulantay cillad kale, xaaladaha degdegga ah ayaa aad uga sii darnaa markii uu qiiq iyo uuro gudaha u galay diyaaradaha.

Shaqaalihii duullimaadyada waxay raaceen habraacyada waxayna sameeyeen degenaansho degdeg ah garoomada diyaaradaha.

Hadafku wuxuu ahaa in la yareeyo khatarta musiibada haddii duuliyayaasha ay la kulmaan dhacdo la mid ah tan.

Nidaamkaas, sifo badbaado leh oo uu sameeyay matoorka CFM International, wuxuu u shaqeeyay sidii loogu talagalay in lagu xakameeyo waxyeellada iyo jabka suurtagalka ah ee mishiinka.

Ma jiraan warar sheegaya in dhaawacyo halis ah ay soo gaareen rakaabkii saarnaa diyaaradda.

Diyaaradda ayaa ahayd MAX 8, waxa ay jirtay ku dhawaad hal sano, waxaana saarnaa 168 qof.

Wax yar ka dib markii ay kacday, duuliyaha ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, wuxuuna sheegay inuu u baahan yahay inuu ku laabto garoonka.

Boeing ayaa hoos u dhigtay wax soo saarkeeda waxayna bishii hore soo bandhigtay FAA qorshe hawleed oo looga golleeyahay in lagu xalliyo arrimaha.