Nepal: Seygeedana sideedoo kale ayuu shil diyaaradeed ku dhintay sanado kahor

Xigashada Sawirka, SUPPLIED
Kaaliyihii duuliyaha diyaaraddii Axaddii ku burburtay Nepal ayaa seygeeda ku weysay shil diyaaradeed 16 sano kahor.
Anju Khatiwada ayaa kaaliye duuliye ka ahayd diyaaradd ay leedahay shirkadda Yeti Airlines duullimaadkeedii 691 markii ay ku burburtay meel u dhow magaalada dalxiiska ee Pokhara, iyadoo ay ku dhinteen dhammaanba rakaabkii saarnaa waana shilkii diyaaradeed ee ugu xumaa ee dalkaasi soo mara muddo 30 sano ah.
Seygeedii Dipak Pokhrel ayaa sidoo kale kaaliye duuliye ka ahaa isla diyaaradda Yeti Airlines markii uu shilka ku dhintay – geeridiisa ayaana ku kalliftay Anju inay barato xirfadda duuliyenimada.
Inkastoo iyada iyo cunuggooda yar ay dareemeen geerida ninkeeda, haddana waxay murugadeeda u noqotay awood dhiirrigelisay.
"Waxay ahayd haweeney go’aan leh oo ka dhabeysay riyadeeda iyo tii seygeeda," ayay tiri Santosh Sharma oo qoyska ka tirsan.
Dipak wuxuu kaaliye duuliye ka ahaa diyaaradda Twin Otter oo ay leedahay shirkadda Yeti, taasoo bariis iyo cunno u sidday magaalada galbeedka dalkaas ku taalla ee Jumla, markii ay diyaaraddu soo dhacday bishii June 2006, iyadoo ay ku dhinteen dammaanba sagaalkii qof ee saarnaa.
Afar sano kaddib Anju waxay hiigsaneysay inay duuliye noqoto, iyadoo ka gudubtay caqabado badan tababarna ku soo qaadatay Mareykanka. Markii loo oggolaaday inay duuliye noqoto, waxay ku biirtay shirkadda Yeti Airlines.

Xigashada Sawirka, SUPPLIED
Anju waxay ka mid ahayd lix haween ah oo ay shirkadda u shaqaaleysiisay duuliyeyaal.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Kabtan buuxa ayay ka ahayd diyaaradda iyadoo keligeed sameysay duullimaadyo," ayay tiri Sudarshan Bartaula oo ka tirsan Yeti Airlines. "Waxay ahayd haweeney geesiyad ah."
Anju ayaa markii dambe guursatay waxayna dhashay cunug kale iyadoo sii wadata xirfaddeeda. Saaxiibbada iyo qoyska ayaa sheegay inay jeclaayeen shaqadeeda isla markaana ay la jooggeeda ku farxi jireen. Waxay sheegeen inay musiibo tahay in iyada ninkeedii horeba ay isla shil diyaaradeed ku dhintaan.
Goobtii burburka ee Pokhara, qeybtii diyaaradda ee ay kaaliyaha duuliyaha ka ahayd Anju ayaa iyadoo burbursan taallay qarka Webiga Seti.
Musiibadii toddobaadkan ayaa dhalisay in su’aalo la iska weydiiyo badqabka diyaaraddan laga leeyahay dalka ku yaalla buuraha Himalaya, kaasoo tobnaankii sano ee ugu dambeeyay ay shil diyaaradeed ugu geeriyoodeen boqollaal qof.
Sanadihii la soo dhaafay, arrimo dhowr ah ayaa loo aaneeyay badqabka liita ee diyaaradaha Nepal. Dhulka buuralleyda ah iyo cimilada aan la saadaalin karin ayaa ka mid ah waxyaabaha aalaaba loo aaneeyo. Balse dadka qaar ayaa u sababeeya diyaaradaha duugga ah iyo maamul xumo.
Weli ma cadda waxa sababay shilkii Axaddii.
Bannaanka isbitaalka Pokhara, qoysaska dadka dhintay ayaa ku sugayay meydadka qaraabadooda in la siiyo kaddib markii ay dhammaatay baaritaankii lagu sameynayay.
Iyadoo cimilada January ay qabow tahay dalkaas, Bhimsen Ban ayaa sheegay inuu rajeynayay in saaxiibtiis Nira uu geeyo tuulada ay ka soo jeeddo si loogu sameeyo sagootin-dhaqameed.

Xigashada Sawirka, SUPPLIED
Nira Chantyal, oo 21 jir ahayd, waxay ahayd fannaanad aalaaba raacda Yeti Airlines. Qiimaha oo yar ayaa u suurtogeliyay dadka dabaqadda dhexe ee dalka buuralleyda ah inay ku safraan diyaaradaha.
Nira, oo u wareegtay Kathmandu, waxay u socotay inay bandhig-faneed ku qabato Pokhara.
"Waxay ahayd fannaanad hal-abuur leh, waxayna aalaaba u heesi jirtay si dabiici ah," ayuu yiri Bhimsen, oo indhihiisu ay guduuteen siduu u oynayay.
"Ma hayo erayo aan ku qeexo geerideeda."












