Canshuuraha ka careysiiyay shacabka Kenya iyo dibadbaxyada ka dhashay ee gabdhaan Soomaaliyeed hor boodeysay

Xigashada Sawirka, Social Media
Muuqaalada Hanifa – gabar Soomaali ah oo safka hore uga jirtay mudaharaadayaal ka soo horjeeda qorshe cusub oo dawladda Kenya ay ku kordhin leheed canshuuraha ayaa aad ugu baahay baraha bulshada.
Booliska ayaa xanibay Hanifa inkasta oo la sii daayay markii dambe.
Mudahaardyadaan ayaa bilowday markii dawladda Kenya soo jeedisay qorshe lagu kordhiyo canshuurta, taas oo la socotay soo jeedinta miisaaniyad sanadeedka cusun ee dawladda.
Balse markii dambe ayaa dawladdu joojisay soo jeedintaas, markii ay aad uga qayliyeen shacabku.
Joojinta arrintaan ayaa lagu dhawaaqay xilli ay boolisku biyo iyo gaaska dadka ka ilmeysiiya ay u isticmaalayeen dadka dibadbaxyaasha ah.
Guddiga maalyadda u qaabilsan baarlamaanka Kenya ayaa waxay hoos u dhigeen ugu 16% canshuur kori leheed rootiga, sidoo kale waxay hoos u dhigeen canshuur aad qali u ahaa oo dul saari malahaa saliidda cuntada lagu kariyo iyo lacagaha danabeysan ee taleefanada la isugu diro.

Xigashada Sawirka, Reuters
Tan iyo markii uu yimid xafiiska madaxweyne William Ruto waxaa ay dawladdiisu soo jeedisay canshuuro kala duwan oo cusub taas oo la sheegay in dawladdu uga gol leheed cirib tirka daymaha lagu leeyahay dalka oo gaaraya ku dhawaad $80 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Balse dadka aadka u dhaleeceeya canshuurahaan ayaa waxaa ay ka cabsi qabaan in ay hoos u dhigto koboca dhaqaalaha ayna horseedi karto shaqo la’aan.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
In la beddelo sharciga cusub ee maaliyadda waxaa ku dhawaaqay Kuria Kimani oo ah guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka, shir jaraa’id oo uu goob-joog ka ahaa madaxweyne Ruto iyo sidoo kale xildhibaannada kale ee isbaheysiga talada haya.
Kooxdiisa maaliyadda ayaa uruurinaysay ra’yiga dadweynaha ee sharcigan, wuxuuna sheegay in go’aanka lagu laalay qaar ka mid ah soo jeedinta la sameeyay si Kenya looga ilaaliyo qiimaha maciishada ee sii kordhaya.
Canshuuraha kale ee la soo jeediyay ee la soo rogay waxaa ka mid ah mida baabuurta, taas oo kuwa dhaleeceyey ay sheegeen inay sidoo kale saameyn doonto warshadaha caymiska.
Mr Kimani ayaa sidoo kale ku dhawaaqay dib u noqoshada canshuurta ECO ee la soo jeediyay taas oo lagu bartilmaameedsaday alaabada loo arko inay saameyn xun ku leedahay deegaanka, sida baakadaha, balaastikada iyo taayirada.
Tallaabadan ayaa la kulantay dibu dhac iyadoo dad badan oo arriman la socdaa ay ku doodayaan in tani kordhinayso qiimaha alaabta muhiinka ah sida xafaayadaha, tuwaalada nadaafadda, kombuyuutarrada iyo telefoonnada gacanta.

Canshuurtu hadda waxay khusaysaa oo keliya badeecooyinka dibadda laga keeno, ayuu yiri Mr Kimani.
Madaxweyne Ruto ma uusan hadlin, mana uusan falcelinin intii uu socday kulanka balse tillaabadan oo loo arkayay mid u janjeerta cadaadiska shacabka ayaa dhabar jab ku noqon doonta dowladdiisa.
Ruto, waxa uu dhawaan ku booriyay dadka Kenyaanka ah in ay aqbalaan canshuuraha dheeriga ah, isagoo ku dooday in dhab ahaantii canshuur yar la soo rogay, balse waxa uu qiray inay adag tahay.
Labadii sano ee la soo dhaafay, waxaa sare loo qaaday canshuuraha mushaaraadka, shidaalka iyo iibka guud.
Waxaa sidoo kale la soo saaray canshuuro laga qaadayo guryahah oo dhan 1.5%, mushaarka shaqaalaha, taasoo dowladdu ku sifaysay in dadka danyartaa heleen guryo qiimo jaban ah.
Kharash cusub oo caymis caafimaad oo sarreeya ayaa sidoo kale la filayaa inuu dhowaan dhaqan galo.
Xildhibaanada ayaa maanta oo Arbaca ah lagu wadaa in ay ka doodaan hindise sharciyeedka maaliyadda, waana sababta mudaaharaadyo looga dhigayo caasimadda.
Booliska ayaa xiray dhowr qof oo lagu eedeeyay inay soo abaabuleen banaanbaxyada.













