Muran ka dhashay canshuur celinta Kenya

Xigashada Sawirka, Daily Nation
Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay baaritaan ku wado in ka badan 300 oo shirkadood, kuwaas oo la sheegay in aanay canshuur bixin, maadaama ay xiriir la leeyihiin mas’uuliyiin hore.
Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Ruto ayaa ku doodaya in shirkadahaas si sharciga ka baxsan loogu sameeyay canshuur dhaaf, isla markaana loo baahan yahay in laga qaado waxa lagu leeyahay.
Warbaahinta Kenya ayaa ku warramaysa in shirkadahaas ay ku jiraan kuwo ay leeyihiin qoysaska madaxweynayaashii soo maray dalka, gaar ahaan Kenyatta iyo Moi.
Madaxweyne Ruto oo ka hadlay arrinta canshuur bixinta ayaa sheegay in ay waajib ku tahay qof kasta oo ka shaqeysta dalka.
“Sida keliya ee aan ku bixin karno deynta badan ee dalkeena lagu leeyahay ayaa ah in dhammaanteen aan canshuurta bixinno,” ayuu Ruto ka yiri goob fagaaro ah.
Falcelinta canshuur bixinta
Mama Ngina, xaaskii Jomo Kenyatta ahna hooyada madaxweynihii hore, Uhuru Kenyatta, ayaa beenisay in shirkadaha qoyskeeda aanay bixin jirin canshuurta laga rabay.
“Haddii uu qofka bixin waayo canshuurta ku waajibta, waxaa jira shuruuc lagula xisaabtamo oo maxkamad ayaa la geyn karaa, kadibna hantidiisa ayaa la xaraashayaa. Ma aha in magac xumeyn loo isticmaalo [canshuur bixinta] si loo muujiyo in xukuumadda ay shaqeynayso,” ayay tiri Mama Ngina oo ka hadlaysa kaniisad.

Xigashada Sawirka, Reuters
Hogaamiyaha mucaaradka, Raila Odinga, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Ruto inuu si sharci darro ah kula wareegay xukunka Kenya, isagoo sheegay in arrinta canshuurta ay tahay marmarsiyo.
“Dadka canshuurta la baxsada iyo dembiilayaasha oo dhan waxa ay ka tirsan yihiin xukuumadda Ruto, marka waxa uu iska dhigayaa inuu dembiilayaasha ka raadinayo meel kale,” ayuu yiri Raila.
Dhaqaalaha Kenya
Xukuumadda Kenya oo ay soo foodsaartay dhaqaalo yari xooggan ayaa doonaysa inay kordhiso dhakhliga canshuurta oo ay gaarsiiso ilaa 24 bilyan oo dollar sanadkii.
Deyn aad u badan iyo sicir barar sarreeya ayaa culays weyn ku haya dhaqaalaha Kenya, waxaana maamulka cusub u uku dedaalayaa inuu fuliyo ballanqaadkiisii ahaa inuu wax ka bedali doono noolasha shacabka.
Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay in baaritaannada ay wado dowladda aanay ku koobneyn shirkadaha xiriirka la leh madaxdii hore, balse ay jiraan kuwo ay leeyihiin mas’uuliyiin haatan xil haya oo doonaya in aan canshuur laga qaadin.












