Soomaalida Kenya madaxweyne Ruto maxay ka filayaan?

Madaxweynaha cusub ee la doortay William Ruto

Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Kenya ayaa noqday William Ruto kaddib marki ay maxkamada sare ee dalka Kenya ay laashay dacwaddi doorashada laga soo jeediyey.

Madaxweyne Ruto oo horay u soo ahaa madaxweyne ku xigeen haatanna noqday madaxweynaha dalka Kenya ee dooran xilligii uu ku jiray ololahiisa doorashada waxyaabihi uu ballan qaaday waxaa ka mid ahaa inuu horumarka gobolka ay Soomaalida ka degto dalka Kenya inuu wax ka qabanayo.

Xildhibaannada Soomaalida ee dalka Kenya oo isugu jira muxaafad iyo mucaaradba waxay rajeynayaan inuu bulshada Soomaalida uu wax badan u qabto.

Inkasta oo xildhibaannada Soomaalida oo baarlamaanka cusub ee dalka Kenya ka mid noqday 80% ay ka tirsanyihiin mucaaradka uu hoggaamiyo Raila Odinga. Hasayeeshee, xildhibannadaas u badan mucaaradka ayaa waxa ay ku rajo wayn yihiin in madaxweynaha la doortay oo laf ahaantiisa ah xoolo-dhaqato inuu wax badan ka qaban doono dhibaatada ay wajahaan dadka xoola-dhaqatada ah oo ay Soomaalida ugu horreeyaan. William Ruto, ayaa dhankiisa sheegay inuu soo dhisi doono dowlad ay dadkoo dhan matasha, taas oo si siman ugu shaqeyn doonta muwaadiniinta, isagoo carrabka ku adkeeyay in aanan cidla loo beegsan doonin aragtida siyaasadeed ee ay qabaan.

Xildhibaan Adan Kenyan

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Haddaba maxay dadka Waqooyi Bari ka filan karaan dowladda cusub?

Xildhibaan Adan Kenyaan Wehliye oo ah xubin sare oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ee Azimio, wuxuu aaminsan yahay inuu madaxweyne Ruto uu waxbadan ka qaban doono dhulka Soomaalida maadaamaa u ka soo jeedo buslho xoola dhaqata ah.

"Ruto waa nin wax badan fahansan Soomaali badanna la soo dhaqmay waxaan filayaa gobolkaa Soomaalida ama xoola dhaqatada dhanba aan dhahee iney horumar gaari doonaan waayo isaga laftiisa ayaa xoola dhaqata ah meesha uu ka yimidna dadka badankood waa xoola dhaqato dhibaatada qaybtaas ka jirtana wuu fahansan yahay," ayuu yiri xildhibaan Keynaan.

Wuxuuna intaa raaciyey madaxweynaha cusub bulshada xoola dhaqatada iyo deegaannada ay deggan uu dhanka horumarka wax badan ka qaban doono.

"Marka waxaan filaayaaa horumar guud iyo isafahan cusub qaybtaa dadka xoola dhaqatada ay deggan yihiin loo geysan doono horumar cusubna la arki doono horumar cusubna la arki doono ialaheey haddii uu yirahdo," ayuu yiri Xildhibaan Adan Kenyaan Wehliye oo ah xubin sare oo ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ee Azimio oo BBC u warramay.

Waxyaabihi uu Ruto ballan qaaday xilligi uu ololaha doorashada ku jiray waxaa ka mid ahaa inuu furayo xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ganacsigana uu wax ka qabanayo.

"Ganacsigu waa qayb muhiim ah maalinti uu arrimahaasi ballan qaaday xuduudka Soomaaliya iyo Kenya wuu xirnaay, jaadka wuu xirnaay haddana doorashada dhexdeeda aya la furay qaadki iyo waa la furay waxaan filaayaa qayba badan oo ama Mandheeraa ha noqoto, wajeer, gaarissa ama Lamu sicirka canshuuraadka ama maamulka kale ee beecshirada labada dal iisu keeni kara inuu wax ka qabto waddankan Kenyana wuu u baahan yahay Soomaalina wey u baahan tahay," ayuu yiri Xildhibaan Adan Kenyaan.

Xildhibaan Keynaan wuxuu sheegay mar haddii doorashada looga guuleystay iney sii ahaanayaan mucaarad dastuurka u hoggaansan, dowladdana wixi wanaagsan gacan ayaan ku siineynaa wixi aan khalad u araknana ay dowladda u sheegayaan.

Madaxweynaha cusub ee Kenya oo la doortay William Samoe Ruto wuxuu horay u ballan qaaday haddi la doorto inuu xadka Soomaaliya iyo Kenya uu furayo, nidaamka ganacsiga xuduuddaha uu hagaajisanayo, Soomaalida inuu ufududeynayo marxaladda ay u maraan sharciga Kenya iyo dilalka bilaa macniga ee Soomaalida lo geytsna inuu wax ka qabanayo.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa maalinti shalay ahayd go'aamisay in doorashadii dhacday 9-kii Agoosto ay natiijadeedu sax ahayd, uuna William Ruto yahay Madaxweynaha dooran ee dalka.

Ruto ayaa loollan adag la galay raysul wasaarihii hore Raila Odinga oo taageero buuxda ka helayay madaxweynaha xilka ka sii degaya Uhuru Kenyatta.

Uhuru iyo Raila ayaa labaduba ka soo jeeda qoysas sanado badan u talinayay Kenya, waxaana Kenyatta uu ahaa Madaxweynihii koowaad ee waddanka, halka Jaramogi Odinga uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee dalka Kenya.