Qaybta labaad ee taxanaha Squad Game ma niyad jab mase guul maxay khubarradu ka yiraahdeen?

Squad Game

Xigashada Sawirka, Netflix

Qaybtii labaad ee taxanaha Squid Game waxaa lagu sameeyay dib u eegis isku dhafan, iyadoo dhaleeceeye yaashu ay ugu yeeraan "Niyad jab weyn."

The Guardian ayaa sheegay in ka dib "bilaw aad u gaabis ah" oo taxanaha ah, ay ugu dambeyntii isku beddesho " bandhig TV oo aan raaxo lahayn isla markaana dhiigyo cab ah."

The Times ayaa sidoo kale ku sifeeyay inay tahay "sheeko kala duwan oo aargoosi iyo madax furasho ah isla markaana dhinacyo badan leh."

Bandhiga asalka ah ee Netflix ee ugu caansan ayaa dib ugu soo laabtay shaashadaha maalin ka dib maalinta Boxing Day, isaga oo wata jilaagiisa ugu weyn Seong Ji-hoon, oo uu ku jilayay Lee Jung-jae, oo sidoo kale loo yaqaan Player 456, seddex sano ka dib markii uu ku guuleystay taxanaha qaybtiisii ugu horreysay.

Qaybtii ugu horreysay ee Filinkan Kuuriyada Koonfureed waxay daba socotay sheekada koox ka kooban 456 qof oo lagu lahaa dayn, iyagoo u dagaallamaya lacag caddaan ah oo aad u badan.

Qaybtan cusub, guuleystihii hore waxaa ku biiray boqolaal tartameyaal cusub ah, kuwaas oo uu isku dayayo inuu ku hago wadada badbaadada.

Laakiin qaybaha cusub ee taxanaha, geesigu wuxuu u muuqdaa "in uu go'aansaday inuu si sax ah uga aarguto ninka taajirka ah ee naqshadeeyay ciyaartan dilaaga ah," sida ay sheegtay Rebecca Nicholson oo ka tirsan The Guardian, oo ku qiimeysay taxanaha darajada saddexaad.

Nicholson ayaa sheegay in dhowrka qaybood ee ugu horreeya Game Squad ay u muuqdaan inay raacaan "hab dib u dhac ah, waa heer aad u qurux badan marka loo eego waxa aad ka filan karto taxanaha Squid Game."

Nicholson wuxuu aaminsan yahay in qaybta saddexaad ee taxanaha, oo loo qorsheeyay in la sii daayo 2025, "uu fiicnaado."

"In kasta oo waxyaabo aan dheellitirnayn aan aragnay, gaar ahaan marxaladaha hore ee taxanaha, waxaa jira nooc horumarineed oo u muuqda mid waxtar u leh dhacdooyinka, inkastoo aysan caddayn in ay si ku filan uga duwan tahay dhacdooyinka qaybtii hore," Nicholson ayaa qoray.

Waxa uu ahaa taxanaha iibinta ugu weyn ee Netflix, oo ay daawadeen 111 milyan macaamiil 28-kii maalmood ee ugu horreeyay.

Squad Game

Xigashada Sawirka, No Ju-han/Netflix

Glanfield waxa uu ku qiimeeyay qaybtii labaad afar xiddigood ama darajo, isaga oo sheegay in furaha guushan "soo laabashada cajiibka ah" ee taxanahan ay lahayd taxadarkeeda, cabirka socodka, oo ay weheliso "iftiin yar oo ka soo baxaya gudcurka naxdinta leh".

"Tani waa sheeko aargoosi iyo madax furasho ah, oo leh wada shaqeyn badan, waana mid adag marka loo eego qaybtii hore," ayuu raaciyay.

Ed Power of Telegraph wuxuu siiyay qaybtii labaad seddex xiddigood oo kaliya, isaga oo barbar dhigaya "album labaad oo adag oo ka soo jeeda xiddig pop ah oo caan ku ah habeenkii."

"Suuragalnimada naxdinta ku celiska ah"

Qaybta labaad ee Squid game waligeed lama hubin in la sii deynayo. Hal mar, qoraaga iyo agaasimaha Hwang Dong-hyuk wuxuu ku dhaartay inuusan waligiis sameyn doonin qayb labaad, sababtoo ah diiqada uu ku jiray markii uu sameeyay qaybtii ugu horreysay, waxa ay sababtay inuu waayo qaar ka mid ah ilkihiisa.

Joogitaankiisa qaybta labaad wuxuu u muuqdaa inuu ugu horrayn dhiirigelinayo faa'iido dhaqaale, sida jilayaasha taxanaha.

Huang ayaa u sheegay BBC in inkastoo guulo caalami ah laga gaaray qaybtii ugu horreysay, hadana aysan sameynin lacag badan, sidaas darteed sameynta qayb labaad waxay caawineysaa "sidoo kale dib u habeynta guusha qaybtii koowaad".

X

Xigashada Sawirka, Reuters

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxa uu intaa ku daray in uusan wali dhamayn sheekada.

Sheekadiisa madow ee ku saabsan "sinnaan la'aanta hantida" waxay saameysay daawadayaasha adduunka oo dhan.

Laakiin marka la eego in inta badan jilayaasha ay dhinteen qaybtii ugu horreysay, Huang wuxuu ku qasbanaaday inuu ka soo bilaabo eber, iyo jil cusub, ciyaaro cusub, iyo rajooyin sare oo laga filayo daawadayaasha waqtigan.

Jilayaasha cusub ee lagu arkay taxanaha waxa ka mid ahaa No-Yul, oo kasoo goostay Kuuriyada Waqooyi oo lagu qasbay inuu baxsado, isagoo ka tagay labadiisii caruur; Jeong-Seok, sawir-qaade ka shaqeeya beerta madadaalada oo u baahan lacag uu ku bixiyo daawaynta kansarka gabadhiisa; iyo Myung-Ji, xiddigii hore ee YouTube iyo khabiir cryptocurrency ah oo ku waayay dhammaan lacagtiisii khiyaano.

Jilaagii taxanaha ahaa, Seung Ji-hoon, wuxuu isku dayaa inuu caawiyo jilayaashan, oo ay weheliyaan jilayaal kale sida "gabadh yar oo uur leh.

Daniel Feinberg oo ka tirsan The Hollywood Reporter ayaa ugu yeeray qaybtan labaad "Niyad jab", isagoo leh "ma jabinayso xudunta ciyaarta Squid", laakiin qayb labaad "si fudud uma shaqeyso."