Maraykanka oo sheegay in ciidammo Kuuriyada Waqooyi ah ay ku dhammaanayaan dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Rex Features
Ciidammada Waqooyiga Kuuriya ee ka qayb qaadanaya dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine ayaa la kulmaya khasaaro weyn, iyada oo kun askari la dilay ama la dhaawacay toddobaadkii la soo dhaafay oo kaliya, sida uu sheegay afhayeenka Aqalka Cad, John Kirby, Jimcihii.
Tiradani waxay aad uga badan tahay xogtii hore ee saraakiisha Mareykanka ay bixiyeen.
"Way cadahay in hoggaamiyeyaasha militariga Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya ay u arkaan ciidamadan kuwo la iska illaawi karo, isla markaana ku amrayaan weerarrada aan rajada lahayn oo ka dhan ah difaacyada Ukraine," ayuu yidhi Kirby, isaga oo ku tilmaamay weerarrada Waqooyiga Kuuriya inay yihiin kuwo badan oo aan heli karin gaadiid iyo taageeradii ay u baahnaayeen.
Safiirka Waqooyiga Kuuriya ee Qaramada Midoobay ayaa ka gaabsaday inuu ka jawaabo codsi warbixin ah, halka safaaradda Ruushka ee Qaramada Midoobay ay sidoo kale diiday inay faallo ka bixiso.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy, ayaa khudbaddiisa xalay ku sheegay in ciidamada Waqooyiga Kuuriya ay soo gaadheen khasaaro aad u culus, iyadoo Ruushku uu dagaalka u dirayo iyagoo aan haysan difaac ku filan.
"Waxaan aragnaa in ciidamada Ruushka iyo hoggaamiyeyaasha Waqooyiga Kuuriya aysan wax dan ah ka lahayn badbaadada askartaan Waqooyiga Kuuriya laga keenay" ayuu yidhi Zelenskiy.
Waxa uu sheegay in ciidamada ay iskasoo weerarayaan difaacyada Ukraine iyagoo aan lahayn taageero ku filan. Dagaalka kadibna, ay aad ugu dhammaanayaan oo xataa kuwooda dhaawaca ay iyagu dhexdooda is dhaawac tirayaan si aan loo qaban.
Zelenskiy ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Ukraine ay qabteen qaar ka mid ah ciidamada Waqooyiga Kuuriya, laakiin dhaawacyadooda oo darnaa awgeed lama badbaadin karin noloshooda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxa uu ku baaqay in ciidamada Kuuriya aysan ku dhiman dagaal ka socda Yurub, isagoo xusay in haddii Shiinuhu si dhab ah u diidan yahay in dagaalku sii faafo, ay tahay inuu cadaadis ku saaro Pyongyang in ay joojiso ciidamadeeda.
Isniintii, Zelenskiy waxa uu sheegay in in ka badan 3,000 oo askari oo Waqooyiga Kuuriya ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen gobolka Kursk, iyada oo uu tilmaamay in ay tahay xogtani xog horudhac ah.
17-kii Diseembar, sarkaal ka tirsan militariga Mareykanka ayaa sheegay in Waqooyiga Kuuriya ay kala kulmeen khasaare baahsan gobolka Kursk.
Markii wax laga weydiiyay derejooyinka ay askartani ka tirsanaayeen, sarkaalkan, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in ay isugu jiraan ciidamo hoose ilaa kuwa aad ugu dhow hoggaanka sare.
Horraantii toddobaadkan, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa cambaareeyay weerarrada Ruushka ee maalinta Kirismaska ee ka dhanka ah nidaamka tamarta Ukraine iyo magaalooyinkeeda, isagoo ku boorriyay Wasaaradda Difaaca inay sii waddo taageerada hubka ee Ukraine.
BBC ma awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso warbixinada ku saabsan khasaaraha dagaalka ama xisaabaha labada dhinac.













