Muxuu yahay hubka ay sameysatay Kuuriyada Waqooyi ee walaaca laga muujinayo?

Xigashada Sawirka, KCNA via Reuters
Kuuriyada Waqooyi ayaa si muuqata u kordhisay tirada tijaabooyinka hubka ee ay sameysay sanadkii 2022, iyadoo tijaabisay hub in ka badan sanadihii hore.
Waxaa loo maleynayaa in militariga Kuuriyada Waqooyi ay sidoo kale qorsheynayaan inay tijaabiyaan qalab kale oo nukliyeer.
Gantaalladee ayay Kuuriyada Waqooyi tijaabineysay?
Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay noocyo kala duwan oo isugu jira gantaallada maraakiibta, kuwa hawada iyo kuwa riddada dheer.
Sanadkii 2022 waxay ku macsalaameysay tijaabada sadedx gantaal oo kuwa riddada dhow ah oo ay badda ku tijaabisay, maalmo yar kaddib markii ay shan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah dulmarsiisay hawada Kuuriyada Koofureed.
Bishii November ee sanadkii hore, waxay tijaabisay gantaal qaaradaha isaga gudba. Isla gantaalka ayaa gaari kara dhulweynaha Mareykanka, sida ay sheegtay dowladda Japan.
Sawirro laga soo xigtay warbaahinta Kuuriyada Waqooyi oo ah Kim Jong-un iyo gabadhiisa oo ku sugan halka lagu tijaabinayay gantaalka ayaa muujinaya in gantaalkaasi uu ahaa nooca Hwasong-17 – amaba waxaa suurtogal ah inuu yahay mid noocaas laga farsameeyay.
Gantaalkan oo daaha laga qaaday bishii October 2020, waxaa la rumeysan yahay inuu gaari karo masaafo dhan 15,000km ama ka badan.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhowr jeer oo hore oo ay isku dayday tijaabada Hwasong-17 ayaa loo maleynayaa inay ku guuldarreysatay, inkastoo laga yaabo in loo adeegsaday tijaabo la sameeyay bishii March 2022.
Bishii October sanadkii tegay, Kuuriyada Waqooyi ayaa gantay nooc kale oo gantaal ah kaasoo dulmaray Japan – waxaana loo maleynayaa inuu yahay kan Hwasong-12. Gantaalkan ayaa gaari kara ilaa 4,500km – jasiiradda Guam ee Mareykanka kuna taalla badda Baasiifigga ayaana soo galeysa aaggaas.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale tijaabineysay gantaalka Hwasong-14 kaasoo gaari kara ilaa 8,000km – inkastoo cilmibaarisyo qaar ay tibaaxayaan inuu gaari karo ilaa 10,000km, taasoo u suurtogelineyso inuu xitaa gaaro New York.
Sidoo kale waxaa jira nooca Hwasong-15, oo la rumeysan yahay inuu gaaro 13,000km, kaasoo gaari kara dhammaanba dhulka Mareykanka.
Daah ka qaadidda gantaalahan cusub ayaa u muuqdo kuwo farriin u ah maamulka Biden, oo ah inay sii kobceyso awoodda Waqooyiga, sida ay qabaan khubarrada.
"Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabineysay gantaallada riddada dheer iyo kuwa gaaban," ayuu yiri Joseph Byrne, oo ah baare ka tirsan Machadka Royal United Services.
"Waxaa laga yaabaa inay hordhac u tahay qalab kale oo nukliyeer oo ya tijaabiso, kaasoo muddo la saadaalinayay," ayuu intaas raaciyay.
Bishii March 2021, waxay fulisay waxa ay ugu yeertay "nooc cusub oo gantaal ah oo taatiko lagu hago", kaasoo ay sheegtay inuu awoodo inuu qaado culeys dhan 2.5 tan.
Falanqeeyeyaasha Xarunta James Martin ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay u muuqato "nooc cusub oo la horumariyay" oo ah gantaal hore loo tijaabiyay, oo ah gantaalka KN-23.
Hub noocee ah oo nukliyeer oo ay Kuuriyada Waqooyi heysataa?
Markii ugu dambeysay ee Kuuriyada Waqooyi ay tijaabisay bamboo nukliyeer ah waxay ahayd sanadkii 2017. Qaraxii ka dhacay goobta tijaabada ee Punggye-ri wuxuu ahaa mid awood badan, oo cabbirka awooddiisa lagu qiyaasay 100-370 kiloton.
Bambo awooddeeda ay tahay 100 kiloton waxay lix jeer ka awood badan tii uu Mareykanku ku riday Hiroshima sanadkii 1945.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in kani uu yahay qalabkii ugu horreeyay uguna awoodda badnaa dhammaanba noocuyada hubka atoomikada.
Si kastaba, Kuuriyada Waqooyi ayaa laga yaabaa inay haatan daneyneyso inay tijaabiso noocyo yar yar oo nukliyeer ah sida uu qabo Byrne.
"Waxay u muuqataa inay haatan tijaabinayaan awood cusub – qalab yar oo lagu rakibi karo noocyo gantaallo ah, ayn aku jiraan kuwa riddada gaaban" ayuu yiri.
Lix tijaabo dhulka hoostiisa ah ayaa hore looga sameeyay Punggye-ri. Si kastaba, sanadkii 2018 Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay inay xiri doonto xaruntaas, sababtuna ay tahay inay xaqiijisay awooddeeda nukliyeerka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Qaar ka mid ah godadka goobta ku yaalla ayaa la qarxiyay iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen weriyeyaal ajaanib ah. Si kastaba Kuuriyada Waqooyi ma aysan casuumin khubarrada caalamka si ay u xaqiijiyaan in godadkan gebi ahaanba la baabi’iyay iyo in kale.
Sawirro lagu qaaday dayax-gacmeed oo la shaaciyay bishii March ayaa muujinaya inay billowdeen howlo lagu dayactirayo Punggye-ri.
Tijaabo walbo oo nukliyeer oo mustaqbalka laga sameeyo goobta ayaa jebin doona cahdiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxaa walaac laga muujinayaa xiisadda ka taagan gobolka, iyadoo sanadkan la filan karo dhacdooyin halis keena.
Todobaadkii hore ayay xaaladdu cirka isku sii shareertay, kadib markii Waqooyiga Kuuriya ay si lama filaan ah shan diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ah ugu duulisay hawada Kuuriyada Koonfureed.
Koonfurta ayaa ku guuldareystay inay toogato diyaaradahan, taasoo banaanka soo dhigtay meel tabar yarida dhanka difaaca ee Kuuriyada Koonfureed, waxayna walaac ku abuurtay dadka caadiga ah ee Kuuriyada Koonfureed, kuwaas oo inta badan aan la dhacsanayn dhaqdhaqaaqyada Waqooyiga.
Madaxweynaha ayaa wacad ku maray in dalkiisu uu ka aar goosan doono daandaansi walba oo uga yimaad woqooyiga.
Chad O'Carroll, Maamulaha Guud ee Kooxda Khatarta Kuuriya, oo ah adeeg falanqeyn oo kormeera Kuuriyada Waqooyi, ayaa saadaalisay in tani ay u badan tahay inay 2023 horseedi karto iska horimaad toos ah oo dhexmara labada Kuuriya, kaasoo xitaa keeni kara dhimasho.
"Jawaabta ay bixinayaan labada dhinac ee Waqooyi iyo Koonfur waxay gaari karaan ilaa heer aan aragno in rasaas la isweydaarsanayo, si ula kac ah ama si kale," ayuu yiri.Hal qalad xisaabeed oo dhaca ayaa xaaladda dhanka kale u rogi kara.
Dib u holwgelinta qalabka nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi
Sanadkii 2018, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa madaxweynihii Mareykanka ee xilligaas Donald Trump u ballan qaaday in Kuuriyada Waqooyi ay burburin doonto dhammaanba xarumaheeda nukliyeerka.
Si kastaba, hay’adda QM ee atoomikada adduunka, IAEA, ayaa sheegtay in sawirrada dayax-gacmeedka ay muujinayaan in Kuuriyada Waqooyi ay dib u billowday howlaheeda nukliyeerka.
Bishii September 2022, madaxa IAEA Rafael Grossi ayaa sheegay inay jiraan calaamado muujinaya in mar kale la furay xarunta tijaabada nukliyeerka.
IAEA oggolaansho uma heysan tegidda xarumaha nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi tan iyo bishii April 2009.













