Xaaladda guud ee goobta 'dib u cafiska' askartii Assad

.

Xigashada Sawirka, Aamir Peerzada/BBC

Habeenkii 6-dii Diseembar, Mohammed el-Nadaf, oo ahaa askari ka tirsan ciidanka Suuriya, ayaa ku sugnaa meel uu ka hawlgalo oo ku taal Homs.

Markii fallaagada ay hoggaaminayeen ururka Hayat Tahrir al-Sham (HTS) ay weerar ku ekeeyeen magaalada, dhowr maalmood kaddib markii ay si degdeg ah ula wareegeen gacan ku haynta Aleppo iyo Hama, Mohammed wuxuu go'aansaday inuusan dagaalamin.

"Wax amar ah kuma aanan jirin, wax war ahna ma hayn. Waxaan iska bixiyay dharka ciidanka, waxaan ka tagay hubkaygii, aniga oo bilaabay safar aan ku aadi lahaa tuuladayii oo ku taalla Tartous," ayuu yidhi.

Xilligaas oo kale, Mohammed Ramadan ayaa ku sugnaa meel ka baxsan caasimadda, Dimishiq.

"Ma jirin cid na siisa amarro. Hoggaamiyaasheena badankoodu waxay carareen ka hor intaanan annagu tegin. Markaa waxaan is idhi, maxaad ugu dhimanaysaa oo ugu dagaallamaysaa qof aanan xitaa kuugu filneyn mushahar si aad reerkaaga u quudiso?

"Rashiinka maalinlaha ah ee aan helno annagoo ah ciidanka waxay ahaayeen hal ukun iyo hal baradho."

Subaxdii xigtay, isna wuu ka tagay goobtiisii hawlgalka oo wuxuu ku noqday gurigiisa.

Mohammed Ramadan ayaa sheegay in aanu awoodin in uu qoyskiisa quudiyo mushaarkiisa uu ka qaato askarinimada.

Xigashada Sawirka, Aamir Peerzada/BBC

Markhaatifurkan ay bixiyeen askartu wuxuu bixinaysaa aragti ku saabsan sida xukunka Madaxweyne Bashar al-Assad ee xilka laga tuuray uu markiiba si dhakhso ah isaga burburay.

Askarta badan ee niyadjabsan oo mushaar yari haysato, ma ahayn wax layaab leh sida difaacoodii si dhakhso ah ugu burburay markii ay fallaagadu weerarka ku soo qaadeen.

Askar badan ayaa noo sheegay in mushaarkoodu uu ka hooseeyay $35 (£28) bishii, taasoo ku kalliftay inay qabtaan shaqooyin kale si ay u maareeyaan nolosha, maadaama lacagtaas ay ku filnaan weyday xitaa in ay daboolaan qayb ka mid ah kharashyada nolosha aasaasiga

Mohammed Ramadan ayaa haystay qorigii Kalashnikov ee hore loo siiyay markii aan kula kulannay isaga iyo kuwa kale gudaha Dimishiq, in ka badan laba toddobaad kaddib markii xukunkii Assad uu dhacay, iyagoo ku sugnaa "xarunta dib-u-heshiisiinta" oo ay maamulaan Hayat Tahrir al-Sham (HTS).

Xaruntaas, saraakiil hore oo ka tirsanaa ciidanka, booliska, iyo sirdoonka, iyo sida oo kale xubnihii ka tirsanaa maleeshiyaadka taageeray xukunkii Assad, ayaa iska diiwaangelin kara si ay u helaan aqoonsi kumeelgaadh ah oo rayid ah isla markaana u dhiibaan hubkooda.

HTS ayaa ku dhawaaqday cafis guud oo lagu siiyay dhammaan dadka ka shaqeyn jiray xukuumaddii hore.

.

Xigashada Sawirka, Aamir Peerzada/BBC

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waleed Abdrabuh, oo ah xubin ka tirsan kooxda maamusha xarumaha dib-u-heshiisiinta ee Dimishiq, ayaa yidhi: "Ujeeddadu waa in hubkii ay soo saartay xukuumaddii hore dib loogu celiyo dowladda, iyo in xubnaha ciidanka loo sameeyo aqoonsi rayid ah si dib loogu dhex daro bulshada."

Xilligii Assad, waajibaadka askarinimo ayaa ahaa mid qasab ah oo lagu soo rogayo ragga qaangaarka ah. Askarta la qoro waxay waayeen aqoonsiyadoodii rayidka ahaa oo loo beddelay aqoonsiyo ciidan.

Iyadoo aan aqoonsi rayid ah la haysan, waxay noqonaysay mid adag in shaqo la helo ama dalka si xor ah loogu safro. Tani waa mid ka mid ah sababaha keentay in tobanaan kun oo qof ay isdiiwaangeliyaan xarumaha ku yaalla magaalooyin kala duwan.

Xarunta ku taalla Dimishiq, oo markii hore ahayd xafiis ka tirsan xisbiga Baath ee Assad, boqolaal rag ah ayaa ku soo xoomay albaabka, iyagoo u hanqaltaagaya in loo ogolaado inay gudaha galaan.

Badankood waxay doonayeen inay iska fogeeyaan dambiyadii lagu eedeeyay xukuumaddii hore.

Cadhada loo qabay xukuumaddii hore iyo go'aankii Assad uu ugu cararay Ruushka 7-dii Diseembar markii fallaagadu ku soo dhawaatay Dimishiq ayaa sidoo kale si weyn looga dareemayay dadkii goobta joogay.

"Isagu [Bashar al-Assad] wuxuu qaatay lacag badan wuuna cararay. Wuu naga tagay anaga oo dhanna, haddaaannu nahay ciidamadii, iyadoo aanan wax talo ah haysan," ayuu yidhi Somar.

Wajiyo badan oo walwal ka muuqdo ayaa laga arkayay dadka isugu yimid xarunta dib-u-heshiisiinta, hase yeeshee jawiga ayaa u muuqday mid is afgarad leh, inkastoo colaadda sokeeye ee 13 sano socotay ay sababtay in ka badan nus milyan qof in ay ku dhintaan.

Si kastaba ha ahaatee, wararka ka imaanaya gobollo kala duwan oo Suuriya ah ayaa sheegaya in weerarro aargoosi ah oo la xiriira dilal, afduub, iyo dab-qabadsiin ay si isa soo taraysa u dhacayaan. Ma jiraan tiro-koob lagu kalsoonaan karo oo xaqiijinaya inta weerar ee dhacay, hase yeeshee, daraasiin dhacdooyin ah ayaa lagu soo sheegay baraha bulshada.