Muxuu madaxweyne Cirro uga jawaabay eedda haweenka ee ah in uu ballantii uga baxay?

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxwayne Cabdiraxman Cbadulahi Cirro oo shalay warbaahinta kula hadlayay magaalada hargeysa ayaa xusay in marka ay timaado dhaliisha ay soo jeediyeen qaar ka mid ah haweenka uu tixgalin doono
Madaxwaynaha oo su'aal laga waydiiyay waxa uu ka yeelayo tabashada ay qabaan dumarka ayaa carabka ku adkeeyay in dib u egis uu ku sameyn doono.
"Waan u mahad naqayaa hablihii halkaan soo jeedintoodii, waxaan is leeyahay waan ku noqonayaa arrintaas , waan ku noqonayaa howshaas insha allah wixii aan ka sixi karana diyaar ayaan u ahay inaan saxo," ayuu yiri Cirro.
Hadalka madaxwaynaha ayaa imanaya xilli qaar ka mid ah Haweenka jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqaday ee Somaliland ay sheegeen in doorkii haweenka aanu ka muuqan dhismaha xukuumadda cusub ee madxaweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cbadullahai Cirro marka loo eego filashadii ay haweenku qabeen iyo ballan-qaadayadii uu horey u sameeyay.
Haweenka ayaa muujinaya in ay filayeen in ay kaalin ku yeesheen qabashada xilal kala duwna oo xukuumadda ah, maadaama haweenku ay door firfircoon ka qaadan karaan wax u qabashada arrimaha kala duwan ee bulshada.
Dhanka kale Dallada iskuxidhka Haweenka Somaliland ee NAGAAD ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku dheegeen in aysan helin dumarka matalaadii ay lahaayeen.
"Waxaanu aaminsanahay: in matalaad dheellitiran oo ay helaan Haweenka reer Somaliland dhammaan heerarka kala duwan ee dawladeed ay kobcinayso geeddi-socodka aqoonsiga iyo dawlad wanaaga Jamhuuriyada Somaliland," ayaa lagu yiri bayaanka Nagad.

Xigashada Sawirka, Nasra Cali Maxamed
Nasra Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka aqoonyahanka ee Somaliland ayaa sheegtay in qaabka jagooyiinka kala duwan ilaa hadda loo qaybsaday ay tahay mid aysan ku faraxsanayn.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Nasra ayaa xustay in maadaama haweenka ay boqolkiiba 50 ka ahaayeen bulshadii codadka dhiibatay, loo baahnaa in kaalintooda ay muuqato.
"Maadaama dumarku yihiin boqolkiiba 50 bulshada bixisa codka waxay u baahan yihiin matalaad dhab ah, saansaanta hore ee aanu ka aragno xukuumadda Somaliland ma aha mid ka soo baxday ballanqaadyadii ay sameeyeen xilligii ololaha," ayay tiri Nasra.
Nasra ayaa sheegtay in ay haweenku mudnaayeen in xilalka sarsare ay kaqabtaan xukuumadda cusub.
"Waxay ahayd in xilalka ugu muhiimsan ee leh agaasimayaasa ee la taliyayaasah leh aan qabano , waanu ka filaynay xukuumadda cusub", ayay intaa ku dartay,"
Balse waxay mid meel wanaagsan maray ku tilmaantay doorka ay haweenku haatan ku leeyihiin siyaasadda Somaliland.
"Ka qeyb qaadashada haweenka ee siyaasadda Somaliland maanta waxaan oran karnaa meel fiican ayay maraysaa marka la barbar dhigo wadamaad aanu jaarka nahay ee Afrika marka waxaan oran karnaa Somaliland maanta waxay gaartay heer ay dumarka siyaasadda ka qeyb qaadan karaan" ayay tiri Nasro.
Madaxwayne Cabdiraxman Cabadulahi Cirro oo arrintan ka hadlaya ayaa dhankiisa farta ku fiiqay in qorshahooda ay qeyb ka ahayd in dumarku ay helaan saamaigooda.
"Hablaha waan soo dhaweynaynaa barnaamijkeenana way ku jirtay inaanu kor u qaadno saamiga ay ku leeyihiin haweenku guud ahaan-ba ama xukuumadda iyo guud ahaan-ba qaab dhismeedka Somaliland,"ayuu yiri madaxwayne Cirro.
Caqabadaha haysata Dumarka Somaliland

Inkastoo muddooyiinkii u dambeeyay ay jiraan dumar ka qeyb galay siyaasadda Somaliland islamarkana xilal muhiim ah ka qabtay hadana waxaa wali jira caqabado badan.
Nasra Cali Maxamed oo ah guddoomiyaha ururka haweenka aqoonyahanka ah ee Somaliland ayaa farta ku fiiqday in dhanka kale ay jiran caqabado badan oo xilligan haysta dumarka Soomaliland.
Caqabadda dhanka qabiilka iyo qabyaaladda ayay sheegtay in mararka qaar ay caqabad ku noqdaan dumarka qaarkood in xilal qabtaan.
"Dumarka Somaliland waxaa jira waxyaabo badan oo ku gadaaman. Imika tusaal ahaan gabadha marka ay qabiil ka soo jeedo ninkii qabay iyo qabiilkii ay ka soo jeeday labadii ayaa isku qabsanaya oo waxaad aragtaan cillado badan oo ak dhasha markii dumarka loo magacaabo xil sare "ayay xustay Nasro.
Nasra ayaa carabka ku dhufatay in ay wali rejo ka qabaan xukuumadda cusub in dumarka ay kaalintooda siin doonto.
"Rejo aad u ballaaran ayanu ka qabnaa xukuumadda inkastoo sida ay ku bilaabatay aysan ahayn si aan fileynay" ayay intaa ku dartay.













