Siyaasadda qabiilka ku dhisan ee Soomaalida : Waa qoloma haweenka, ma qoyska ay ka dhasheen mise kan ay u dhaxeen?
Ururrada u dhaqdhaaqa arrimaha haweenka ee Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, ayaa walaac ka muujiyey in haween badan aysan ku soo bixin Doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo kan wakiillada ee dhawaan lagu soo gabogabeeyey.
Seddax hablood oo keli ah ayaa ku soo baxay goleyaasha deegaanka, halka baarlamaanka aysan u soo bixinba qof dumar ah.
Baarlamaanka hadda wakhtigiisu dhamaaday ee Somaliland waxaa ku jirtay hal gabadh, balse midda cusub, xitaa middii lagama heli doono.
13 musharax oo haween ah ayaa ka qeybgalay Aqalka Wakiilada Somaliland, balse hal ka mid ah xitaa ma aysan soo bixin, halka golaha deegaanka ay soo baxeen 3 oo keliya.
"Haddii xisbi kaliya soo saari lahaa mid iyo labo, xisbigaas waxa ay u noqon lahayd marqaati dimoqoraadiyadda, ayaan darro waa ay garan waayeen" ayay tiri Drs Adna Aadan oo ka tirsan haweenka ugu caansan Somaliland.
Urur ay ku mideysanyihiin metelayaasha haweenka iyo daladda haweenka ayaa kulan ay Hargeysa ku yeesheen waxa ay ku muujiyeen niyad xumada ay ka qabaan natiijadda doorashada. Waxay golaha cusub ugu baaqeen in golaha cusub ay ka shaqeeyaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen in meesha laga saaro caqabadaha dumarka ka hortaagan in ay siyaasadda soo galaan.
Haddaba maxay yihiin cabaqadahaas?
Sucaad Ibraahim oo ka tirsanayd musharixiinta ayaa sheegtay in dhaqaale ahaan iyo dhaqan ahaanba, aysan doorashada ahayn suuq ay u simanyihiin qof dumar ah iyo qof rag ah "Waa labo qof oo la tartansiinayo, balse aanan isku awooddo ahayn" ayay intaas raacisay.
Waxa sidoo kale ay sheegtay in isku faham aysan mujtamaca ka qabin lab iyo dhedig, midna ay aad u aaminsanyihiin , kan kalena aysan aaminsanayn.
Waxay qabtaa in caqabadda ugu weyn tahay in dumarka codeynaya ay aaminsayihiin in ragga uun yihiin kuwa loogu talogalay siyaasadda, dumarkuna yihiin kuwa ku ciriirinaya boosaska loo tartamayo.
Iimaan Maxamed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha dumarka ayaa iyaduna qabta in sababta ugu weyn ee ay dumarka usoo bixi waayeen ay tahay dhaqanka iyo dhaqaalaha Soomaalida iyo sida ay noloshoodu u qaabaysantahay.
Waxay sheegtay in qofka dumarka ay si isku mid ah u wada tirsanayaan qabiilkii ay ka dhalatay iyo kii ay u dhaxday, sidaasi darteed dumarka aysan sinaba codka isu siin karayn. Waxa kale oo ay sheegtay in qofka dumarka ay markasta u codeyso reerkii ay ka dhalatay oo laga yaabo in aysan dumar ka sharaxnayn, gabadha sharaxana laga yaabo in ay beel kale u dhalatay.
Iimaan waxa kale oo ay farta ku fiiqday labo cabaqadood kale oo dumarka haystay, kuwaas oo kale ah dhaqaalaha oo ku yaraa iyo isticmaalka Baraha Bulshada oo ay aad ugu hooseeyeen…
Haweenka soo baxay
Khadiijo Axmed Aadan oo kusoo baxday xisbiga Kulmiye, kana soo baxday magaalada Buuhoodle, Xaawo Saalax Mire oo xisbiga Waddani uga soo baxday Taleex, iyo Kiin Cali Askar oo xisbiga xisbiga Kulmiye uga soo baxday degmadda Xuddun.
Ma jiro wax haween ah oo kasoo baxay xisbiga UCID, iyada oo dhanka kale guud ahaanba hoggaanka xisbiyada aysan sidaas uga dhex muuqan haweenka.
Xildhibaanada kusoo baxay doorashada labada Aqalka waxa ay dumarka ka yihiin boqolkiiba 1%, taas ahaa tiro aad yar.

