Wax badan ka ogow sawiradda sida weyn uga soo shaac baxay ololaha doorashada Somaliland

Ololaha doorashada golayaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ayaa si rasmi ah uga bilaabmay guud ahaan jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland.
Saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye, Waddani iyo Ucid ayaa midba maalin loo asteeyay si uu ololihiisa u qabsado. Xisbiyada ayaa soo bandhigay taageerada ay ku leeyihiin shacabka dhexdiisa, waxaana sidoo kale soo shaac baxay astaamo qaarkood ay cajiib yihiin.
Maalmaha ololaha ayaa la soo koobay cudurka Covid-19 awgiii, waxaana xisbi kasta la siiyay laba maalmood oo kala duwan.
Marka laga soo tago hadallada ballanqaadka iyo codsiga isugu jira ee ay murashaxiinta ka jeediyeen fagaarayaasha, waxaa jiro sawirro siyaabo kala duwan looga hadlay oo ay soo bandhigeen xisbiyadda.
Waxaa kamid ah:

Xigashada Sawirka, Facebook
Murashax Maxamed Jaamac Ismaaciil (Koodbuur) oo xisbiga UCID uga sharraxan gobolka Maroodi-jeex. Astaantiisu waa diig. Waxa uu ololihiisa u isticmaalay diig nool oo uu ku soo xardhay midibka xisbigiisa.

Xigashada Sawirka, Barkhad Jaamac Batuun
Murashax Barkhad Jaamac Batuun oo xisbiga Waddani uga sharraxan doorashada golaha wakiillada ee gobolka Maroodi-jeex. Waxa uu magaalada Hargeysa la dhexmaray cagaf weyn oo uu ka saaran yahay qeybta hore.

Xigashada Sawirka, Facebook
Axmed Maxamed Maxmuud oo xisbiga Kulmiye uga sharraxan doorashada golaha wakillada ee gobolka Maroodi-jeex. Waxa uu ololihiisa ku soo bandhigay kaare macmal ah oo uu ku muujinayo astaantiisa.
Habka loo xulay astaamaha
Sida ku cad warqad uu guddiga doorashooyinka u diray saddexda xisbi, waxaa xisbi kasta la siiyay 20 astaamood si uu ugu qeybiyo murashaxiinta ugu tartamaya golaha wakiillada.

Xisbi kasta ayaa qori tuur u sameeyay murashaxiinta, waxaana sidaa uu mid kasta ku helay astaanta uu nasiibka u yeeshay. Sababta uu guddiga doorashada u doori waayay astaamaha ayaa lagu sheegay in uu ka baaqsanayay khilaaf ka dhasha arrimahaas.
Doorashada golaha wakillada Somaliland ayaa dhacaysa markii ugu horreysay tan iyo sanadkii 2005, waxaana ku lamaan tan goleyaasha deegaanka.












