Sidee amarka Trump u saameeyey qaxootigii dib-u-dejinta sugayey

Qaxootiga

Xigashada Sawirka, AFP

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in la joojiyay dhammaan safarradii qaxootiga ee Mareykanka, iyadoo la raacayo amarka fulinta ee madaxweyne Trump.

"Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaalka la xiriirta", ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Tallaabadan ugu dambeysay ayaa saamayn ku yeelatay in kumanaan qaxooti ah oo rajaynayay in ay u guuraan Mareykanka ay ku xayirmaan meelo kala duwan oo caalamka ah.

Go'aanka lagu hakinayo dib-u-dejinta qaxootiga ee Mareykanka ayaana u muuqda mid u quus gooyey dad badan oo Soomaali ku jirto, kuwaas oo riyo ay in muddo ah ku taami jireen laga kala dhantaalay.

Dadkaas waxaa ka mid ah Fardowsa Maxamud Cismaan oo ku nool xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, halkaas oo degaan u ahayd tan iyo markii reerkeedu ka soo qaxeen magaalada Kismaayo sannadkii 1991.

Fardowsa oo ah hooyo 38 sano jir ah oo haysata 4 caruur agoon ah, waxay inta badan nolosheedi ku qaadatay qaxootinimo, waxayna ka mid ahayd Soomaali badan oo quuddareynayey in ay dalka Mareykanka ka helaan dib-u-dejin.

Laakiin waxay rejedeedi mugdi gashay markii uu talada ku soo noqday Donald Trump oo horay u hirgeliyey go'aamo lid ku ah dadka dib u dejinta loo saneeyo sida Fardowsa iyo dadka la daruufta ah.

Fardowsa Maxamuud Cismaan

Xigashada Sawirka, Fardowsa

Fardowsa waxay sheegtay in Hay'adda Socdaalka Adduunka (IOM) ay si kedis ah ugu wargelisey in dowladda Mareykanku ay hakisay qorshihii dib-u-dejinta qaxootiga ee dalkaas, sidaasna uu ku baaqday socdaalkoodi.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Wax kasta oo dhoofkeyga la xiriirey waxay ii soo dhammaadeen bishii Sebtember ee sannadkii hore (2024). Waxaan sugayey duullimaad oo qura", ayey tiri Fardowsa oo la hadlaysay BBC, waxayna intaas ku dartay in go'aanka ka soo yeeray Donald Trump uu saameyn qallafsan ku yeeshay nolosha qoyskeeda, isla markaana uu sidoo kale dhaawacay caafimaadkeeda.

"Markii aan maqlay hadalka Trump aad ayaan uga naxay, waxaana igu kacday sonkor. Waxaase iigu darnaa sida uu u kala tuuray noloshii qoyskeyga. Waxaan ilaa hadda ku rafaadsanahay sidii aan u maareyn lahaa ilmo agoon ah oo aan ka soo bixiyey dusgsi hoy ah oo ay lacag la'aan iigu dhigan jireen. Sababtoo ah ma fududa in aad dib u hesho fursad aad mar iska sii deysey", ayey tiri Fardowsa oo sheegtay in safarka laga baajiyey uu niyad ahaan saameeyey carruurteeda.

Fardowsa oo sii hadlaysa ayaa sheegtay in hadda farqaha loo haysto kharash deyn ah oo ay gashay intii ay isku diyaarineysey dhoofka, sida lacag "aan carruurta ugu arradtiray oo aan lahaa markaad tagto ayaad iska bixineysa".

Ma aha markii ugu horreysey ee Donald Trump uu soo saaro go'aan saameeyey nolosha Fardowsa oo muddo dheer rejo ku nool ahayd, isla markaana ku taameysey in ay Mareykanka u dhoofto si ay ilamaheeda mustaqbal ugu sameyso.

Sannadkii 2017 ayey siyaasadda Trump sidan oo kale Fardowsa u niyad jebisay ayadoo rajo badan ku taameysey, ka dib markii uu saameeyey go'aankii uu xayiraadda dhanka socdaalka ah ku soo rogey dadka ka imaanaya 7 dal oo Soomaaliya ku jirto.

"Siyaasadda Trump aniga marna iima rooneyn. Mar kasta oo uu amar soo saaro aniga ayuu si gaar ah ii taabtaa. Waxaan ka mid ahaa qaxootigii uu 2017 ka joojiyey in ay Mareykanka dib-u-dejin ka helaan. Maantana waa kaas oo aniga oo wax walba ii dhammaadeen ayuu xayiraad na saaray".

Fardowsa walow ay labo jeer ku hungowdey hammigeedi Mareykanka, haddana weli kama aysan rejo dhigin in ay mar un tagi doonto.

"Inkasta oo Trump burburiyey riyadeydi, isla markaana uu ii geystey dhaawac qalbigeyga taabtay, haddana Alle lagama quusto. Waxaan rejeynayaa in aan fursad kale heli doono".