Maxaan ka ognahay weerarka toorreyda loo adeegsaday ee ka dhacay Jarmalka?

Jarmalka

Xigashada Sawirka, Reuters

Dhowr qof ayay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay xarunta tareenka ee magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka, sida ay booliisku sheegeen.

Booliska Hamburg ayaa sheegay in 18 qof ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay saldhigga dhexe ee waqooyiga magaalada abbaare 18:00 waqtiga maxalliga ah (16:00 GMT) Jimcihii.

Ciidamada ayaa goobta ku xiray haweeney 39 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka, xilli ay howlgal ballaaran ka sameeyeen aagga.

Haweeneyda ayaa weli ku jirta gacanta booliska, waxaana lagu wadaa in maanta oo Sabti ah la soo taago maxkamad.

Qoraal uu soo dhigay barta X, ayuu booliiska Hamburg ku sheegay in dhowr qof oo la dhaawacay ay soo gaareen dhaawacyo nafta halis gelinaya.

Iyagoo saxaafadda kula hadlayay bannaanka hore ee saldhigga, booliisku waxay sheegeen inay rumeysan yihiin in tuhmanuhu uu keligiis fekerka lahaa oo aysan meesha ku jirin "ujeeddo siyaasadeed".

Taa bedelkeeda, waxay aaminsan yihiin inay haweeneyda ku jirtay "xaalad murugo maskaxeed," Florian Abbenseth, afhayeenka bilayska, ayaa sidaa u sheegay warfidiyeenka.

Booliiska ayaa markii dambe intaa raaciyay in qeybtooda dilalka ay baarayaan dhacdadan iyo sidoo kale ujeedka eedeysanaha.

Weerarku waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa dhufeysyada 13 iyo 14 - kuwaas oo ay ku taallo waddo weyn oo mashquul ah - iyada oo tareenku uu ku sugnaa mid ka mid ah goobaha.

Qaar ka mid ah dhibbanayaasha ayaa lagu daweeyay gudaha tareennada, sida ay wararku sheegayaan.

Ra'iisul wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid "naxdin leh" wuxuuna u mahadceliyay ciidamada gurmadka ee goobta ku sugan "gargaarka degdega ah ee ay dadka siiyeen".

Jarmalka

Xigashada Sawirka, RENE SCHRODER/NEWS5/AFP via Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hawlwadeenka tareennada Jarmalka ee Deutsche Bahn ayaa sheegay in afar goobood oo ku yaal saldhigga ay xiran yihiin adeegyada qaarna ay wajihi doonaan dib u dhac iyo in meelo kale loo weeciyo.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay ayaa muujinaya tiro ka mid ah ciidamada gurmadka degdegga ah iyo gaadiidka oo goobta ku sugan, iyo waxyaabo loogu talo-galay in dadka looga qariyo dhaawacyada.

Hal sawir oo ay adeegsatay warbaahinta Jarmalka ayaa muujinaya nin ay shaqaalaha caafimaadku ku qaadayaan bareello.

Muuqaal la soo dhigay baraha bulshada ayaa u muuqda mid muujinaya tuhmanaha oo garbaduub u xiran oo ay ka soo saarayaan barxadda saldhigga oo ay la socdeen askartii saarneyd gaari booliis ah.

Saldhigga dhexe ee Hamburg waa mid ka mid ah xarumaha gaadiidka ugu mashquulka badan ee Jarmalka, iyadoo in ka badan 550,000 oo safar ah ay ka baxaan maalintii sida ku xusan website-kooda. Badanaa waa ciriiri inta lagu jiro saacadaha jimcaha ee degdegga ah.

Waa weerarkii ugu dambeeyay ee rabshado sababay oo ka dhacay Jarmalka bilihii lasoo dhaafay.

Bishii Janaayo, wiil labo jir ah iyo nin 41 jir ah ayaa lagu dilay weerar toorrey oo ka dhacay beer lagu nasto oo ku taal Aschaffenburg, iyadoo dhowr kalena la dhaawacay.

Dalxiise Isbaanish ah ayaa bil uun ka dib lagu tooriyeeyay munaasabadda xuska Holocaust ee Berlin.

Bishii Disembar ee la soo dhaafay, lix qof ayaa ku dhintay boqollaal kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur uu jiiray dad ku sugnaa suuqa lagu iibiyo waxyaabaha loogu dabaal-dego ciidda Masiixiga ee bariga magaalada Magdeburg.

Tuhmanayaasha weerarradan hore waxay ahaayeen muhaajiriin, taasoo keentay in Jarmalku uu adkeeyo kontoroolka xudduudaha iyo soo-galootiga oo noqotay arrin muhiim u ah codbixiyeyaasha inta lagu guda jiro doorashooyinka federaalka ee dalka ee bishii Febraayo.