Cawaale Koronto: Waa kuma sawir-qaadaha Soomaaliyeed ee ka mid noqday 100-ka qof ee ugu saameynta badan dalxiiska Afrika?

Cawaale Cabdiqaadir Maxamed

Xigashada Sawirka, Cawaale Cabdiqaadir

Cawaale Cabdiqaadir Maxamed oo la yaqaanno Cawaale Koronto ayaa Loo aqoonsaday mid ka mid ah 100-ka qof ee ugu saameynta badan dalxiiska Afrika 2025, iyadoo la aqoonsanayo doorka weyn oo uu ka qaatay horumarinta safarka iyo dalxiiska Afrika.

Koronto oo caan ku ah hal-abuurkiisa, hibadiisa, iyo sida uu u dhiso sheekooyin dhiirrigelin leh, ayaa door muhiim ah ka ciyaaray kicinta xiisaha safarka iyo kobcinta horumarka dalxiiska guud ahaan qaaradda si gaar ah-na Soomaaliya.

Abaalmarintan ayaa lagu magacaabaa abaalmarinta safarrada iyo dalxiiska (Africa Travel & Tourism Awards) waxaana la siiyaa 100-ka qof ee ugu saameynta badan dalxiiska Afrika.

Cawaale Cabdiqaadir Maxamed oo BBC la hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu farxay aqoonsigan ah inuu ka mid noqdo 100-kan qof.

Waxa uu xusay in uusan u arkin oo kali ah guul isaga shakhsiyan u soo hoyatay, balse ay tahay guul u soo hoyatay dalka Soomaaliya oo dhan.

"Runtii aqoonsigaan wuxuu iiga dhigan yahay wax wayn, aniga keliya ma ahee sidoo kale waxaa uu magac iyo sharaf u yahay wadankeenna," ayuu yiri Mr Cawaale.

Cawaale ayaa mar aan wax ka waydiinay waxa ku dhaliyay in uu qobto howshan soo bandhigidda goobaha dalxiiska iyo safarada badan ee uu galo waxaa uu sheegay in waligii uu jeclaa howsha uu hadda hayo.

"Shaqadan waxa igu dhiirigaliyay marka kowaad waa wax aan jeclaa qof walbana waxa uu jecel yahay ayuu ka meel keenaa" ayuu yiri Cawaale.

Maxay yihiin caqabadaha soo wajaha?

Sawir Diinsoor

Xigashada Sawirka, Cawaale

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cawaale Koronto ayaa sheegay in inta uu ku jiro howshiisa sawir qaadidda iyo booqashada meelaha soo jiidashada leh uu kala kulmo caqabado badan.

Waxaa uu farta ku fiiqay in dalka Soomaaliya ay adagtahay in meelaha qaar si sahlan loo booqdo islamarkana ay culeyso badan soo wajahaan.

"Wallaahi shaqadan caqabado badan ayaan ka maraa wadankeena runtii aad ayuu u kal fog-yahay waxaa ugu horeeya waa gaadiidka oo aad u dhib badan oo meelaha qeybtood ay dhibaato amni ka jirto" ayuu yiri Mr Cawaale.

Cawaalae ayaa tilmaamay in mararka qaar howlihii uu qorsheeyay marka uu gaaro goobtii uu ka fulin lahaa ay caqabado soo wajahaan oo ay howlaha qaar u qabsoomi waayaan.

"Marka labaad marka aad shaqada gudaheeda qabanaysid meelaha qeybtooda waxaa laga yaabaa inaad usbuuc qorsheynaysay, markii aad meeshii tagtid ka dib-na shaqadii sidii ada rabtay ay kuu noqon waydo ama deegaankii qabiil iyo dhibaato dda is-haysta ay jiraan ama cimilada mararka qaar ay dabeylo jiraan" ayuu intaa ku daray.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu wayn ayuu Cawaale ku tilmaamay in dadka Soomaalida ah ay inta badan kamarooyiinka ka baqaan oo mararka qaar isaga oo wax iska duubanaya ay dadka yiraahdaan anaga ayaad na duubeysaa taasi oo uu sheegay in uu dhibaato badan kala kulmo.

"Dadkeena Soomaaliyeed iyaga iyo kamaradda caddaawad ayaad moodaa inay ka dhaxeyso laga yaabo adiga oo wax iska duubanaya meel iska-jooga, qof uu meesha soo maro waxaa uu qofkaasi leeyahay aniga ayaad i duubeysay iyo aniga ayaad ii dan leedahay" ayuu yiri Cawaale.

Sawir Murcaanyo

Xigashada Sawirka, Cawaale

Cawaale waxaa uu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka loo yaqaanno ay gacan wayn ka geystaan duubidda muuqaalada quruxda badan, balse dadka marka ay arkaan ay qalqal galiso oo ay dhibaato u arkaan.

"Waxay aad dhibaatooyiin iiga qabsadaan Dronis-ka oo badanaa waxa dhulka quruxdiisa soo saara waa Dron-ka oo muuqaalo sare ama sawiro kore, magaalada haddii Dronis laga kiciyo qof walba wuu soo baxayaa oo guriga ayuu ka soo baxayaa oo wuxuu leeyahay dhibkan iyo howshan meesha ka socota maxay tahay oo qofka wuxuu u maleynayaa in gurigiisa ama suuligiis ala duubayo" ayuu yiri Cawaale.

Cawaale Cabdiqaadir Maxamed oo aan wax ka waydiinay sida uu caqabadahaasi uga gudbo iyo waxa dhiirigalaya ayaa sheegay in u sharaf u arko in Soomaaliya dhankeeda wanaagsan uu caalamka tuso.

"Dalkeena sawiraan dhanka xun ah ayaa laga gudbin jiray marka aniga waxaan go'aansaday dhanka wanagsan ee dalkeena inaan gudbiyo quruxdiisa aan soo saaro oo dadka Soomaaliyeed iyo bulshada kale ee caalamka aan la wadaago quruxda iyo hormarka Soomaaliya ka jira" ayuu yiri Mr Cawaale.

Wuxuu sheegay in hiigsigiisu yahay in howsha uu halkaasi ka sii wado islamarkana ay soo baxaan jiilal cusub oo ku day'da shaqada uu hadda hayo.

Qaar ka mid ah sawirrada uu Cawaale qaaday

Faras

Xigashada Sawirka, Cawaale

Sawir

Xigashada Sawirka, Cawaale

Sawir au Dronis qaaday

Xigashada Sawirka, Cawaale