Askariga ka tirsan Milatariga Soomaaliya ee sameeyay diyaarad 'dagaal iyo mid dalxiis'

Maxamed oo ku dhashay degmada Wisil ayaa BBC-da u sheegay in arrintan ay ku dhalatay sannadkii 2015-kii.

Xigashada Sawirka, Moahamed Ali

Qoraalka sawirka, Maxamed oo ku dhashay degmada Wisil ayaa BBC-da u sheegay in arrintan ay ku dhalatay sannadkii 2015-kii.

Maxamed Cali Maxamed oo ah askari ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan booliis-militaariyo ayaa waxaa uu soo bandhigay laba diyaaradood oo gacan ku sameysa ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay kala yihiin "Mid dagaal iyo mid dalxiis.

Diyaaradaha Maxamed uu sameeyay ma aha kuwa dagaal iyo dalxiis lagu gali karo haatan, maadaama aysan jirin injineero xirfad leh ama hay'ad bixisay ruqsad lagu raaci karo, balse yididiiladiis ayaa ah in shaqooyinkaas loo adaagsan karo mustaqbalka, marka uu helo dhaqaale ku filan oo ku naqshadeeyo diyaaradihiisa.

Maxamed oo ku dhashay degmada Wisil ee gobolka Mudug ayaa BBC-da u sheegay in arrintan ay ku dhalatay sannadkii 2015-kii.

“Anoo dugsi Qur’aan dhigta ayay igu dhalatay ilaa hadana waan daba socday oo mar aan xogo baaro iyo mar aan sameynteeda ku mashquulo ayay ahayd”, ayuu BBC da u sheegay Maxamed.

'Diyaaradda dagaalka ee Maxamed '

Maxamed ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay inuu sameeyay diyaarad uu ku sheegay inay tahay nooca dalxiiska.

Xigashada Sawirka, Mohamed Ali

Qoraalka sawirka, Maxamed ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay inuu sameeyay diyaarad uu ku sheegay inay tahay nooca dalxiiska.

Maxamed ayaa waxaa uu BBC-da u sheegay in nuuca diyaaraddan ee uu naqshadeeyay in ay tahay diyaarad dagaal ay tahay nuuc qumaati u kici kara, oo ah tan caanka ka ah dunida ee helicopter-ka loo yaqaano. Muddo sagaal bilood ah ayuu sheegay in ay ku qaadatay dhameystirka shaqadeeda.

“Waa diyaarad dagaal oo qaadda laba qof oo kala ah duuliyaha iyo kursiga qofka gaandhari ah, fadhi gaandharina waa lagu xiri kara,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Waxa uu sheegay in uu rabi lahaa in ay dagaalada looga soo horjeedo ururka al Shabaab ay ka qayb qaadato.

'Diyaaradda dalxiiska ee Maxamed'

Maxamed ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay inuu sameeyay diyaarad uu ku sheegay inay tahay nooca dalxiiska.

“Waxaan sameeyay 2019-kii waaxaana sameynteeda daba socday ilaa 2021-kii. Waxay ahayd diyaaradaha baallaha leh, matoorkana horay ka saaran yahay, waxayna qaadeysay laba qof", ayuu BBC da u sheegay Maxamed.

Isku deyga Maxamed ayaa ah mid ka duwan kuwa ay horay u sameeyeen dhallinyaro kale oo Soomaaliyeed, kuwaas oo farsameeyay diyaarado yaryar balse aan awoodin in ay duulaan.

“Dedaal dheer ka dib markii aan sameeyay diyaaraddan waan kiciyay, markii ay xoogaha hawada gashay ayaa baallaha waxaa qabtay laamo geed kadibna waa ay ila soo dhacday oo lug ayay wax iga gaarsiisay," ayuu yiri Maxamed.

Halka uu isku dayay in uu ku duuliyo ayaa ah meel aan lahayn garoon ay diyaarado ka duulaan, balse wuxuu tijaabadiisa ku sameeyay barxad banooniga lagu ciyaaro oo ku taalla degmadiisa.

Halista uu u bareerayo ayuu sheegay in ay ugu muhiimsan tahay riyadiisa uu cayrsanayo.

Waxa uu BBC-da u sheegay in intii uu waday sameynta diyaaradahan uu la kulmay caqabado badan.

Xigashada Sawirka, Mohamed Ali

Qoraalka sawirka, Waxa uu BBC-da u sheegay in intii uu waday sameynta diyaaradahan uu la kulmay caqabado badan.

Aqoonta Maxamed ee diyaarad sameynta

Maxamed wuxuu BBC da u sheegay in aanu baran cilmiga diyaaradaha lagu sameeyo balse uu farsamadaan ku dhiiraday kadib markii uu baaritaan ka sameeyay internet-ka, jacaylka xad dhaafka ah ee u qabo shaqadaan uu geesinimo badan galiyay.

“Baaritaano aan ka sameeyay oniline-ka ma ahane ma lihi aqoon kale oo la xiriirta diyaarad sameeynta ama injineernimo diyaaradeed", ayuu yiri Maxamed.

Caqabadihii uu la kulmay intii uu uu waday hawshaan

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Maxamed oo haatan askari ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa BBC-da u sheegay in intii uu waday sameynta diyaaradahan in uu la kulmay caqabado badan.

“Dadka oo aan aaminsanayn in waxaani diyaarad noqonayaan, dhanka taageerada kharashaadka oo waxaan marwalba wax uga jarayay mishaarkayga iyo kuwa kale oo yaryar oo badan balse weli hadda waxaa jirta caqabad dhanka kharashka ah si aan u dhameystiro diyaaradan,” ayuu yiri Maxamed Cali Maxamed oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in hibadiisa iyo shaqada diyaaraddan uu hayo uu la wadaagay dowladda gaar ahaan taliyaha milatariga Soomaaliya.

“Taliyaha bishii hadda la soo dhaafay ayuu goobta farsamada igu yimid, waana uu igu dhiirageliyay oo igu ammaanay shaqada aan hayo waxayna ii sii ahayd dhiirrogelin fiican,” ayuu yiri Maxamed.

Waxa uu sheegay in Taliyaha uu ka ballan qaaday inuu qeyb weyn ka qaadanayo dhameystirka diyaaradda uu la rabo in ay mid dagaal noqoto ee uu sameeyay.

Maxamed waxa uu ku riyoonayaa mustaqbal aad u dhaw oo uu guul wayn noloshiisa ugu horseedo, balse waxaa laga yaabaa sida dhallinyaro badan oo isaga la mid ah horay ugu dhacday in dhawaanshaha uu arkayo uu yahay dhaan-dabagaale.