Maxaa ka jira in Xawaadley ay dib u qabsadeen al-Shabaab, muhiimad noocee ah ayeyse ku fadhidaa?

Burundi

Xigashada Sawirka, FACEBOOK

Wararka ka imaanaya Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada dalka Burundi ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ay isaga baxeen saldhig ay ku lahaayeen magaalada Xawaadley oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka bixitaankooda kadib magaalada qabsaday ururka al-Shabaab.

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in ay ciidamadooda ka socda dalka Burundi ay dib uga gurteen magaalada istaraatiijiga ah ee Xawaadley oo qiyaastii 34km waqooyiga uga beegan degmada Balcad oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe.

AUSSOM ayaa sheegtay in sababta ay uga baxeen Xawaadley ay tahay fatahaad ka dhacday magaalada awgeed.

War-saxafadeed kasoo baxay howlgalka ayaa lagu sheegay in diyaarad nooca qumaatiag u kacda oo ka qayb qaadanaysay daad-gureynta ciidamada Burundi ay cillad ku timid taas oo qasabtay in duuliyuhu si nabad ah ku dejiyo diyaaradda isla markaasna lasoo badbaadiyay shaqaalihii iyo askartii saarnaa, lana geeyo saldhiggii ugu dhawaa iaygoo badqaba.

"Waxaan bogaadineynaa tallaabada degdega ah ee ay qaadeen ciidamada AUSSOM ee Burundi intii ay ku guda jireen howlgallada xasaasiga ah, waxaana mar kale xaqiijineynaa in aan sii wadno taageerada aan siino shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya si loo yareeyo saameynta fatahaadaha," ayuu yiri Kareem Adebayo, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (SRCC) ee Soomaaliya.

Burundi

Xigashada Sawirka, AUSSOM

Dhanka kale al-Shabaab ayaa baahiyay war kaas ka duwan iyagoo sheegtay in dagaallamayaashoodu soo rideen markaasna ay gacanta ku hayaan burburka diyaaraddaas. Al-Shabaab ayaan sheegin in diyaaradda cidi wax ku noqotay iyo in kale.

Maamulka Hirshabelle ayaa xaqiijiyay in al-Shabaab ay dib u qabsadeen deegaanka Xawaadley. Ila wareedyo deegaanka ka tirsan ayaa BBC u sheegay in al-Shabaab ay si ulakac aah webiga ugu fatahiyeen xeryaha ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa dowladda taas oo keentay in ciidamada is garabsanaya ay dib ugu gurtaan saldhigooda weyn ee ku yaal degmada Balcad iyagoo isticmaalaya diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Guddoomiyaha deegaanka Xawaadley ee Hirshabelle injineer Ibraahim Bashiir Cumar oo BBC-da la hadlay isaga oo ku sugan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku sheegay ka bixitaankoodii deegaanka mid xeelad ciidan ah islam markaasna aanay ka fogeyn magaalada.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Beryahan degmada biya ayaa ku socday sida aan horey u sheegay biyahaas oo webiga Shabelle soo buux dhaafiyay fatahaadaas ayaa degamada soo gashay , bacdamaa fataahadaas ay soo gashay ciidanku waxa ay sameeyeen xeelad dib u gurasho ah," ayuu yiri injineer Ibraahim.

Guddoomiye Ibraahim waxa uu sheegay in ciidamada AUSSOM iyaga laftigooda ay fatahaaddu saameeysay maaddaama goobta ay yaallaan buu yiri qalab abdan oo elektaroonik ah oo biyuhu ay dhibaateeyn karaan sidaasi darteedna ay ciidanku halkaas alaabooyinkooda dib uga rarteen.

"Iyaga laftigoodu xitaa ma aysan bixin laakiin duleedka deegaanka meel u dhaw ayeey joogaan" ayuu yiri injineer Ibraahim oo intaas ku daray in aanay wax cabsi ah ama welwel ah hayn.

Guddooomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in la qabtay rag ku lug lahaa in biyaha si ulakac ah loogu fatahiyo magaalada kuwaas oo gacan saar la leh al-Shabaab.

"Hadda ilaa toddoba ruux ayaan haynaa inta dhimanna waan ku raad joognaa".

Xawaadleey oo ay ciidamada dowladda dib u qabsadeen bishii Oktoobar sanadkii 2022kii markaas oo uu socday gulufkii ballaarnaa ee ay ciidamada dowladdu iyo kuwa qabaa'iilku ku hayeen ciiadamada al-Shabaab ayaa ka bixitaankeedu wax uu dib udhac weyn ku yahay dowladda oo bilihii u dambeeyay la kacaa kufeysay weerarrada rogaal celsika ah ee ay al-Shabaab kusoo qaadeen gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan iyagoo qabsaday degmooyin iyo tuulooyin ku yaal gobolladaas.

Guddoomiyhii hore ee gobolka Shabeellaha Hoose Cabdulqaadir Maxamed Nuur Siidii oo muddo dheer madax ka ahaa gobolkaas si weyna uga qeeybqaatay dagaallada al-Shabaab isla markaasna aqoon fiican u leh dhulka dhoobeeyda ah ayaan weeydiinay muhiimadda ay buundada Xawaadleey leedahay waxana uu yiri, "Buundada Xawaadley waa isku xirka gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed".

Siidii ayaa sheegay mar haddii al-Shabaab ay qabsadaan buundadaas ay si fudud uga gudbin karaan ciidamadooda iyo saadkaba iyag oo webiga dhinaca kale uga gudbi kara oo iisku ballaarin karo.

Si kasataba ha ahaatee, waxaan shaki ku jirin in al-Shabaab ay in muddo ah isku dayayeen sidii ay marin muhiim ah ugu heli lahaayeen gurmadka dagaallamayaashooda dagaalka uga jira Shabeellaha Shexe iyo Hiiraan si ay u helaan waddo ay u mari karaan xoogaggooda ku go'doonsanaa labadii sano ee lasoo dhaafay deegaanno ka tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug.