Rag ka tirsan al-Shabaab oo galay tuulo ku taalla Kenya khudbadna ka jeediyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ciidamada ammaanka Kenya ayaa bilaabay howlgal ballaaran kadib markii ugu yaraan 100 dagaal-yahannada al-Shabaab ay galeen aafad ku taalla magaalo-xeebeedka Lamu ayna wacdi u qabteen dadka deegaanka.
Madaxa Lamu Wesley Koech ayaa warbaahinta gudaha ee Nation u sheegay in kooxdu ay gashay xaafadda Mangai xilli dambe Sabtidii.
Ragga tuulada soo galay ayaa isu keenay inta badan dadka deegaanka ee Muslimiinta ah, wacdi u qabtay una qeybiyay timir, sida ay baahisay warbaahinta Daily Nation.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Nation u sheegay in kooxdu ay u jeedisay wacdi ku saabsan Islaamka.
Wax dhibaato ah kooxdu uma aysan geysan dadka deegaanka.
Koech ayaa ku boorriyay dadka in warbixinta kooxda ay la wadaagaan laamaha ammaanka, isagoo intaa ku daray inaysan jirin wax walaac abuuri kara.
Deegaanka Lamu oo dhaca Badweynta Hindiya, qiyaastiina 240km waqooyi-bari kaga beegan magaalada Mombasa, ayaa ah meel dalxiis oo ay inta badan ajaanibtu u dalxiis tagaan.
"Arrinta fiican ayaa ah in wax khasaare ah aysan dhicin" ayuu yiri Koech.
Kadib dhacadadaas, ciidamo dheeraad ah ayaa shalay subax la geeyay deegaanka Mangai iyo tuulooyinka ku hareereysan.
Koech ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay heegan dheeraad ah ku jireen tan iyo intii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xilliga afurka ee Sabtidii ay arkeen rag gaaraya 10 oo ku hubeysnaa qoriga AK47, kuwaas oo soo galaya tuulada.
Xaafadda Mangai ayaa ku taalla keymaha Boni, halkaas oo ciidamada Kenya ay ku sugnaayeen tan iyo sanadkii 2020, markaas oo ay bilaabeen howlgal ka dhan ah al-Shabaab.
Kooxda ayaa dhowr jeer weerar ka fulisay gudaha Kenya, gaar ahaanna deegaannada teedsan xadka Soomaaliya.

Xigashada Sawirka, NMG
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Keymaha Boni, ee ay xadka wadaagaan degaannada Garissa iyo Lamu, waa keyn jiq ah oo daaqsin wanaagsanna leh.
Dadka Keynta Boni deggan ayaa u badan xoolo-dhaqato, waxaana ka mid ah Soomali iyagu xoolahooda halkaasi ku dhaqaaleysta.
Dhowr jeer oo hore ayay ka dhaceen isla dhacdooyinkan oo kale, iyadoo dowladda Kenyana ay il-gaar ah ku heyso ammaankeeda.
Bishii May ee sanadkii hore ayay ahayd markii qaar ka mid ah kooxda lagu dilay deegaanka Kumba ee Lamu, kadib markii weerar gaadmo ah ay qaadeen ciidamada Kenya.
Booliiska Kenya ayaa sheegay inay sidoo kale la wareegeen sahay muhiim ah oo ay kooxdu ka carartay.
Goobta weerarka ka dhacay ayaa ka tirsan keymaha Boni.
Kenya ciidan ayaa ka jooga Soomaaliya kuwaasoo nabad-ilaalin u jooga, kana caawiya dowladda federaalka la dagaallanka al-Shabaab.
Tan iyo sanadkii 2015, iciidamada Kenya ayaa keymaha ka wada howlgallo ay kula dagaallamayaan kooxda oo la aaminsan yahay inay halkaas ku dhuumaaleysato.












