Waa kuma ninka Al-shabaab ka tirsan ee uu 10-ka milyan oo doolar uu madixiisa dul dhigay Mareykanka?

.

Xigashada Sawirka, EPA

Dowladda Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan toban milyan oo dollar siineysa qofkii keena macluumaad la xiriia Maxamed Cabdi Aadan oo ahaa maskaxdii ka dambeysay weerarkii 2019-kii lagu qaaday hotel iyo xafiisyo ku yaalla caasimadda Nairobi.

Aden waxaa loo raadinayaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii lagu dilay ugu yaraan 22 qof.

Maxamuud Cabdi Aadan ayaa qeyb ka ahaa kooxdii qorsheyneysay weerarkii Hotel Dusit D2. Waxa uu ku biirayaa dagaalyahannada madaxyadooda la dul dhigay 10 milyan oo doolar oo abaal-marin ah ciddii macluumaadkooda keenta, taas oo calaamad u ah in wali lagu raadjoogo dadkii maleegay weerarkaasi Dusit D2.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka u qaabilsan barnaamijka cadaaladda ayaa sheegtay in uu ninkan ka mid ahaa dadkii fuliyay weerarkan lagu qaaday hotelka afar sano ka hor kaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 qof tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Abaalmarinta waxaa la soo bandhigay iyadoo taageero buuxda laga helayo mas’uuliyiinta Kenya.

Waaxda dambi baarista ee Kenya ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee garsoorka dalka inay gacan ka geystaan soo qabashada iyo maxkamadeynta Aadan iyo dadka la socda.

Markii ugu horeysay ayaa la xiray sanadkii 2014-kii, kadib markii uu Al-Shabaab ka caawiyay xog muhiim ah oo ku aadan bartilmaameedyada suurtagalka ah ee xoogagga xiriirka la leh Al-Qaacidda ay weeraro ka geysan karaan dalka.

Hase yeeshee 31-kii Maarso 2017, ayaa lagu waayay wax dambi ah. Al-Shabaab ayuu markaas dib ugu biiray waxa uuna aaday Soomaaliya. Wuxuu qeyb ka ahaa unuggii qorsheeyay weerarkii hoteelka Dusit ee Nairobi bishii Janaayo 2019.

Dhowr qof oo lagu eedeeyay in ay doorar kala duwan ku lahaayeen weerarka ayaa la xiray oo horey maxkamad la soo taagay.

Kaamirada ammaanka oo duubtay weerar yahannada oo sii galaya dhismaha Talaadadii

Xigashada Sawirka, Reuters

Ma jirto cid la xukumay oo lagu helay eedeymaha la xiriira weerarkaasi .

Horaantii todobaadkan, Mareykanka ayaa toban milyan oo dollar dul dhigay madaxa Macalin Ayman, hogaamiyaha garabka militari ee Al-Shabaab u qabailsan howlgalada Kenya.

Waxaa loo heystaa kaalintii uu ku lahaa weerarkii lagu qaaday saldhig ay ciidamada Kenya iyo kuwa Mareykanka ku leeyihiin meel u dhow xadka Soomaaliya.

Maraykanka ayaa si dhaw muddo dheer uga wada shaqeynayay la dagaalanka argagixisada.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro ku qaaday dalka Kenya, iyaga oo uga aargoosanaya ciidamo ay usoo dirtay Soomaaliya sanadkii 2011-kii, kuwaasi oo qeyb ka ahaa howlgalka Midowga Afrika ee lagula dagaalamayo Al-Shabaab.