Miltariga Kenya: "Waxaan dilnay rag looga shakisan yahay weerarkii baska"

.

Xigashada Sawirka, TWITTER

Milatariga dalka Kenya ayaa sheegaya iney dileen afar nin oo la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen weerarkii khamiistii lagu qaaday bas mararay meel u dhow magaalo xeebeedka Lamu waxaana halkaasi lagu dilay 3 qof halka dhawr kalana uu dhaawac ka soo gaaray ka dib markii dableey hubeysan ay raasaas oodda uga qaaden baska.

Maleeshiyada looga shakinsan yahay iney weeraka soo qaadeen ayaa waxaa la dilay saacada un ka dib markii dableey aad u hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari bas ah, kaasi oo ka dhacay magaalo-xeebeedka Lamu ee dalka Kenya.

Booliska ayaa sidoo kale gacanta ku haya nin la qabtay xilliga hawl galka oo looga shakinsan yahay inuu ka mid ahaa dableydaasi.

Xilligi uu weerarka dhacayay waxaa la sheegay in dhawr qof oo ka tirsanaa rakaabkii saarnaa baska ay u carareen keyn halkaasi u dhaweyd oo inta badan sida la sheegey ay ku dhuumaaleystan dagaalamyaasha ururka Al-shabaab.

Al-shabab ayaanan sheeganin mas'uuliyadda weerarkaasi hasyeeshee kooxda ayaa weeraro noocaan oo kale ah isla goobtaan horay ugu qaadday basas iyo gawaari ay boolisku leeyihiin.

Dalkani Kenya ayaa heegan sare ku jiray xilliyadii ciidda masiixiga ee Kirismaska iyo dabaaldegga sannadka cusub, kadib warbixino ay soo saareen sirdoonka kuwaasi oo tibaaxayay in Al-Shabab ay qaadi karaan weeraro.

Dabayaaqadii sannadkii 2011-kii ayey Al Shabaab sare u qaadday dhaqdhaqaaqyada ay ka sameyso Kenya, ka dib markii Milatariga Kenya ay bishii Oktoobar ee isla sannadkaas gudaha u galeen Soomaaliya, xilligaasoo xukuumadda Nairobi ay sheegtay iney ugu tallowday Soomaaliya, si ay ula dagaallanto Al Shabab.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay Al Shabaab ayay u surogashay iney dhowr weerar ka fuliyaan gudaha dallka Kenya kuwaasi oo qaarkood geystay khasaaro badan.

Haddaba kuwee ayay ahaayeen weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee ay Al Shabab ka fulisay Kenya?

.
Qoraalka sawirka, Weerarkii Westgate

1-Weerarkii Westgate

21-kii bishii Sitembar ee sannadkii 2013-kii, Koox hubeysan ayaa weerar ku qaadday dhismaha ganacsiga ee Westgate, ee magaalada Nairobi.

71 ruux oo ay ku jireen 4 dagaallame ayaa ku dhimatay dhacdadaas halka qiyaastii 200 oo ruuxna ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen. Ciidamada ammaanka ayaa muddo 4 casho ah waday howlgal ay kula tacaalayeen dableyda weerarka fulineysay.

Weerarkaas ayaa ahaa kii ugu weynaa ee ay Al Shabaab sheegatay iney ka fulisay caasimadda Kenya.

Hase ahaatee, inkastoo weerarkii Westgate uu ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalo madaxda Nairobi, ma ahayn kii ugu dambeeyay ee ka dhacay guud ahaan Kenya.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Weerarkii Mpeketoni

2-Weerarkii magaalada Mpeketoni

Intii u dhaxeysay 15-kii ilaa 17-kii bishii Juunyo ee sannadkii 2014k-ii, dad kor u dhaafaya 60 ruux ayaa lagu dilay weerarro ay koox hubeysan ka geysteen magaalada Mpeketoni oo hoos tagta ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

Al Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay weerarkaas oo ay mas'uuliyiinta Kenya ku tilmaameen fal argagixiso.

Xilligaas wixii ka dambeeyay, deegaanno ka tirsan ismaamulka Lamu oo ku yaalla cirifka xadka u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa bartilmaameed u noqday xoogagga Al Shabab.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgal ay ku ugaarsanayaan dableyda ka soo tallowday xadka Soomaaliya ka wada aagaas, iyagoo si weyn diiradda ugu saara keynta Boni oo ay inta badan ku dhuumaaleystaan xubnaha Al Shabab.

.

3-Weerarkii shaqaalaha dhagaxa qoda ee Mandheera

2-dii bishii Disembar ee sannadkii 2014-kii, koox hubeysan ayaa xilli aroor hore ah weerar ku qaadday goob hoy u ahayd shaqaalaha dhagaxa qoda ee magaalada Mandheera.

36 ruux oo u badnaa dad aan Muslim ahayn ayaa lagu dilay goobtaas, ka dib markii ay dableyda rasaas oodda uga qaadeen, waxaana weerarkaas mas'uuliyaddiisa durba sheegatay Al Shabab.

Dhacdadaas ayaa cirka ku sii shareertay cabsi dhinaca ammaanka ah oo ay dadka aan muslimiinta ahayn ka qabeen deegaannada ka tirsan gobolka Waqooyi bari ee ay Soomaalida dagto.

Weerar kale oo sidaas loogu bartilmaameedsaday dadka ka shaqeeya qodista dhagaxa dhismeyaasha ayaa bishii Luulyo ee sannadkii 2015-kii lagu dilay 14 ruux oo ka mid ah shaqaalaha dhagax qodeyaasha ah.

.

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Weerarkii Jaamacadda Gaarisa

4-Weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee soo maray Kenya ayaa ahaa kii 2-dii bishii Abriil ee sannadkii 2015-kii lagu qaaday xarunta Jaamacadda Gaarisa, taasoo ah jaamacadda kaliya ee ka howl galeysay gobolka Waqooyi bari Kenya.

Weerarkaas oo ay sidoo kale mas'uuliyaddiisa sheegatay xarakada Al Shabaab ayaa lagu dilay 151 ruux, oo ay ku jiraan 4 dagaallame.

Ardaydii lagu xasuuqay jaamacadda ayaa u badnaa dhallinyaro ka soo jeedda deegaannada dalka Kenya ee ka baxsan gobolka Waqooyi bari.

.
Qoraalka sawirka, Sawir tusaale u ah weerarkii Baska ee Mandheera

5-Weerarkii Baska ee Mandheera

22-kii bishii Nofembar ee sannadkii 2014-kii ayey koox hubeysan weerar argagax dhaliyay la beegsadeen bas ka soo baxay magaalada Mandheera, kuna sii jeeday caasimadda Nairobi, kaasoo ay wadda u galeen.

Dableyda oo baska afduubatay ayaa kala soocday 60 ruux oo rakaab ahaa, iyagoo toogasho ku dilay 28 ruux oo ay u garteen in aysan muslimiin ahayn.

Kooxda Al shabaab oo dusha u ridatay mas'uuliyadda weerarkaas ayaa sheegtay inuu arrgoosi u ahaa howlgallo baaxad leh oo ay ciidamada amaanka Kenya ka fuliyeen masaajidyo ku yaalla magaalo xeebeedka Mombasa, iyagoo ku ugaarsanayay xubno lagu tuhunsanaa inay xag jir yihiin.

Waxaa ka dambeeyay weerarro kale oo lagu beegsaday macallimiinta aan deegaanka ka soo jeedin, taasoo sababtay in guud ahaanba ay macallimiinta tayada leh ku yaraadaan gobolka Waqooyi bari.