Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qarax ka dhacay Kenya

Sawir hore

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir hore

Todoba askari ayaa ku dhintay miino la kacday baabuur uu leeyahay booliksa Kenya oo marayey wadada isku xidha tuulooyinka Konton iyo Khorof Xaraar oo 20 km u jirta xadka Kenya iyo Soomaaliya, kana tirsan degmada Wajeer ee Kenya.

Wararka ka imanaya deegaanka ka tirsan gobolka Woqooyi Bari ee Kenya, waxa kale oo ay tibaaxayaan in dhaawacuna yahay laba askari, saddex askari oo kalena la la'yahay raq iyo ruux toona.

Ilaa haatan wax aan ahayn in weerarkaasi dhacay kama soo bixin dawladda Kenya, hase yeeshee ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in uu masuuliyadda arintaa leeyhay.

Warbaahinta ku hadasha afka xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in "Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weeraro khasaara badan lagu gaarsiiyay ciidamada dowladda Kenya ka fulisay gudaha dhulka Soomaalida NFD ee gummeysiga kujira."