Maxaan ka ognahay qaraxii shalay lala beegsaday madaxweynaha Soomaaliya?

Sawir

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawirro laga soo qaaday dhismeyaal qaraxu saameeyay

Sida ay wararku sheegayaan ku dhowaad toban qof, oo badankood ay rayid ahaayeen ayna ku jireen weriyeyaal, ayaa ku dhintay qarax miino oo kolonyo uu la socday madaxweynaha Soomaaliya shalay lagula beegsaday meel u dhow madaxtooyada.

Qaraxa oo ay sababtay miino lagu aasay waddada aadda madaxtooyada, ayaa dhacay xilli madaxweynuhu kasii baxayay magaalada kuna sii jeeday ciidamada dagaalka kula jira al-Shabaab ee ku sugan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wax dhib ah sooma gaarin madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn ka degay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ku booqday ciidanka dagaalka kula jira al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu booqday deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey mas'uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle iyo saraakiisha ciidamada qaranka.

Ujeedka booqashada madaxweynaha ayaa lagu sheegay "u kuur-galka xaaladda ciidamada iyo xoogagga shacbiga ah ee u istaagay xoreynta deegaannadooda, xaaladda deegaannada laga xoreeyay al-Shabaab iyo inuu warbixinno ka dhegeysto talisyada iyo hoggaannada ku sugan furimaha dagaalka".

Maxay dowladda Soomaaliya ka tiri?

Somalia

Xigashada Sawirka, SNTV

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi la fashiliyey isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu nabad ku gaaray goobtii uu ku sii jeeday.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda warfaafinta lana soo dhigay bogga telefishinka qaranka ayay dowladdu ku qiratay weerarkaas.

"Abbaaro 10:32 am, qarax ayaa kolonyada lagula eegtay degmada Xamar-Jajab ee Muqdisho iyadoo madaxweynuhu kusii jeeday in ciidanka uu ugu tago furimaha Hirshabelle kulana afuro. Weerarka waa la fashiliyay, madaxweynuhuna si badqab leh ayuu ku gaaray halkii uu ku socday sida qorshuhu ahaa," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xalay lasoo dhigay bogga telefishinka qaranka.

"Falkan wuxuushnimada ah, oo sababay dhimashada iyo dhaawaca rayid aan waxba galabsan, wuxuu caddeyn u yahay niyad-jabka sii kordhaya ee al-Shabaab kadib guul-darro is daba joog ah oo ay kala kulmeen ciidamada qaranka. Xoogagga ammaanka ayaa sameynaya baaritaan dhammeystiran faahfaahin dheeraad ah oo khasaaraha ku saabsanna waa lasoo wadaagi doonaa." Ayuu war-saxaafadeedku intaa raaciyay.

Yaa ka dambeeyay?

Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, somalimemo

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyagoo sheegay inuu fuliyay qof is qarxiyay, waxaa sidaas lagu shaaciyay bar internet-ka oo xiriir la leh kooxda.

Weerarkii shalay ayaa kusoo aadaya toddobaad kadib markii kooxdu ay galeen weerarna ku qaadeen hoteel ku yaalla Beledweyne, kaas oo ay dad ku dhinteen.

Iyadoo al-Shabaab ay in badan weerarro ka fuliso gudaha Soomaaliya, tan oo qeyb ka ah hardanka ay ugu jirto inay meesha ka saarto dowladda Soomaaliya, qaraxii shalay ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee lala beegsado Madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo sanadkii 2014, muddo-xileedkiisii ugu horreeyay ee madaxtinnimada, markaas oo kooxdu qarax la beegsatay hoteel uu khudbad ka jeedinayay.

Kooxda ayaa gacanta ku heysa qeybo ka tirsan Soomaaliya gaar ahaanna deegaannada miyiga ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda. Ciidamada federaalka oo kaashanaya macawisleyda deegaannada, nabad-ilaaliyeyaasha Midowga Afrika iyo saaxiibbada caalamiga ah ayaana kooxda dagaal adag kula jiray muddooyinkii ugu dambeeyay.

Falcelinta ka dhalatay

Somalia

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gaari laga soo saaray goobta burburka

Dowladaha Sacuudiga, UK, Qadar iyo Imaaraadka Carabta ayaa cambaareeyay weerarkii lala eegtay kolonyada madaxweynaha Soomaaliya, xilli u uku sii jeeday jiidaha hore ee dagaalka.

Qoraal ay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga soo dhigtay barta X ee hore loo oran jiray Twitter, ayay ku sheegtay in Sacuudigu cambaareynayo weerarkaas lagu beegsaday kolonyada Madaxweyne Xassan Sheekh.

"Boqortooyadu waxay mar kale xaqiijinaysaa taageerada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeedaba ee ka hortagga wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda iyo xasilloonideeda, iyadoo ku celinaysa mowqifkeeda adag ee ay ku diidayso dhammaan noocyada rabshadaha, falalka argagixisada, iyo xagjirnimada." Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dhanka kale, Imaaraatka Carabta ayaa isna kamid ah dalalka cambaareeyay isku daygii weerar ee shalay lagu bartilmaameedsaday kolonyada madaxweynaha.

Sheekh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, oo ah wasiiru-dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka, ayaa sheegay in dalkiisu si adag u cambaareynayo "falal dembiyeedyada noocan ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Imaaraadku uu mar walba kasoo horjeedo nooc kasta oo rabshado ah iyo falalka argagixisada ee ujeedkoodu yahay in lagu wiiqo amniga iyo xasilloonida, taas oo jebineysa sharciga caalamiga ah."

Sidoo kale safaaradda UK ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay inay cambaareyneyso weerarkaas, iyadoo tacsina u dirtay qoysaska dhibbaneyaasha.

"UK waxay sii ahaaneysaa saaxiib culus oo dowladda Soomaaliya ah xilli ay la dagaallamayaan xagjiriinta qas-wadayaasha ah ee ka dabeeyay weerarkan".

Wasaaradda arrimaha dibadda Qadar ayaa iyadana war ay soo saartay ku celisay sida ay Qadar uga soo horjeeddo rabshadda iyo argagixisannimada, iyadoo aan loo eegeyn ujeedka iyo sababaha.

Qadar ayaa sidoo kale tacsi u dirtay qoysaska dhibbanayaasha qaraxii shalay, dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

Somalia

Xigashada Sawirka, Sharif Sheikh Ahmed/Facebook

Sidoo kale weerarkan ayaa aad looga hadal hayay baraha bulshada, waxaana ka hadlay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook ku cambaareeyay weerarkaas.

"Waxaan si kulul u cambaaraynayaa weerarka loo adeegsaday qaraxa ee kooxda argagixisada Al-Shabaab ka gaysatay magaaladda Muqdisho kaas oo galaaftay nolosha dad Soomaaliyeed iyagoo sooman oo aan waxba galabsan." Ayaa lagu yiri qoraalka.

Wuxuu sidoo kale tacsi u diray dadkii ku waxyeeloobay weerarka.

Xaggee hadda ku sugan yahay madaxweynaha?

Somalia

Xigashada Sawirka, SNTV

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha ayaa xalay ku hoyday degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kulamo kula qaatay madaxda Hirshabeele iyo saraakiisha ciidamada dagaalka kula jira kooxda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalintii labaad ku sugan furimaha hore ee dagaalka halkaasi uu ka wado abaabulka howl-galka ciribtirka al-Shabaab, sida lagu baahiyay telefishinka qaranka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xalay ku hoyday degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kulamo kula qaatay madaxda Hirshabeele iyo saraakiisha ciidamada dagaalka kula jira kooxda.

Madaxweynaha ayaa ka xogwareystay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo hoggaanka ciidamada jiidda hore, guulaha iyo caqabadaha jira.

"Taliyeyaasha ciidamada waxay muujiyeen sida ay ugu niyad-san yihiin imaanshaha madaxweynaha ee furimaha dagaalka, uuna si dhow ula soconayo horumarka, u fahmayo baahida, uuna goob-joog uga noqonayo geesinnimada ciidamada qaranka," ayaa lagu yiri war lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.

Duqeymaha cirka iyo dagaalka lagula jiro al-Shabaab

Al-Shabaab

Xigashada Sawirka, Reuters

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan dib u bilowday dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab oo hakad ku yimid muddooyinkii dambe.

Dagaalladii ugu adkaa ee u dambeeyay ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, gaar ahaanna deegaannada Ceel-baraf iyo ee deegaanka kale ee Daaru-nicma, halkaas oo al-Shabaab dib looga qabsaday mar kale.

Duqeymaha cirka ayaa sidoo kale lala beegsanayay kooxda.

"Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamaka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxa uuna ka dhacay Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose, waana sii wasdeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo yihiin." Waxaa sidaa BBC uu dhowaan u sheegay wasiiru-dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi.

Wuxuu kaloo wasiirku sheegay in duqeymaha lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsanaa al-Shabaab.

Dalalka Soomaaliya ka caawiye duqemaha cirka ayuu sheegay wasiirku in ay ku jiraan Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka.

Duqeymuhu cirka waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badan oo Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxa iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah. Mareykanku duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya waxa uu qaybiyay laba nooc oo kala ah duqeymo qorsheysan iyo kuwa difaac ah.

Mar aan weydiinay wasiirka in ay jiraan dad rayid ah oo waxyeello ka soo gaartay duqemaha waxa uu sheegay in aysan taasi jirin oo ay dacaayad tahay.