Dowlada Soomaaliya maxay ka tiri in Shabaab soo gaareen deegaano ku dhow Muqdisho?

Xigashada Sawirka, somalimemo
"Waa borobagaan...cid kasta oo waddaba waan kula xisaabtameynaa," ayuu yiri isaga qoslaya wasiiru dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, mar ay BBC du wax ka waydiisay in Shabaabku ay soo weerarayaan deegno u dhow caasimadda Muqdisho.
Baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta gudaha ayaa lagu baahiyay xogta sheegaysa in Shabaabku ay maamlmihii la soo dhaafay aad culays u soo saarayaan caasimadda Muqdisho, iyaga oo soo gaaray meelo ay ka mid yihiin Afgooye, balse warkaas ayaa dowladdu ku tilmaantay mid ay ka dambayso borobagaando ula kac ah.
Xalay, taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Banaadir iyo saraakiil kale oo boolis ayaa booqasho ku tagay magaalada Afgooyo, iyaga oo dirayay farriin ah in deegaanku ka madaxbanaan yahay joogitaanka Shabaab.
"Xalay ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa joogay oo ka tukaameysanaayay, macnaha taliskii ugu sareeyay ayaa joogay. Aaway waxa aad sheegayso?", ayuu yiri wasiir Cumar.
Dowladda Soomaaliya ayaa todobaadyo ka hor dib u bilowday dagaalka ka dhanka ah al Shabaab oo hakad ku yimid muddooyinkii dambe, waxaana Shabaabka u suuragashay mudadii uu dagaalku joogsaday in ay dib ugu soo noqdaan qaar ka mid ah deeganadii horay looga xoreeyay.
Dagaaladii ugu adkaa ee u dambeeyay ayaa ka kala dhacay Ceel-baraf iyo ee deegaanka kale ee Daaru-nicma, halkaas oo al-Shabaab dib looga qabsaday mar kale.
Sidoo kale xalay iyo dhowrkii habeen ee ka hooreeyay, waxa ay duqaymo culusi ka dhaceen qaar kamid ah deegaanada ay ku sugan yihiin ururka al Shabaab.
"Duqeymaha waa bartrilmaameed, waxaa wada dowladaha aan saaxiibka nahay ee beesha caalamaka, anagana waxaan ku hageynaa halka ay joogaan, waxa uuna ka dhacay Shabeellaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose, waana sii wasdeynaa. Meel kasta oo ay joogaana bartilmaameed ayey noo uyhiin" ayuu yiri wasiir Cumar.
Wuxuu kaloo wasiirka sheegay in duqeymaha lagu dilay horjoogayaal badan oo ka tirsan al Shabaab.
Dalalka Soomaaliya ka caawiye duqemaha cirka ayuu sheegay wasiirku in ay ku jiraan Mareykanka, Turkiga, Itoobiya iyo Imaaraatka.

Xigashada Sawirka, Reuters
Duqeymaha cirka ee Soomaaliya
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
War ay shalay soo saartay wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayey ku sheegtay in ciidamada qaranka Soomaaliya oo kaashanaha saaxiibadooda caalamka ay fuliyeen weeraro cirka ah oo lagu qaaday gobolka Sh/dhex ee maamulka Hirshabelle.
Ujeedka weerarka ayaa lagu sheegay in lagu beegsanayay Alshabab oo dib isu urursanahay kaddib markii uu jab weyn ka soo gaaray dagaal dhawaan la galeen ciidamada dowladda iyo macawiisleyda deegaanka.
Warsaxaafadeedka dowlada Soomaaliya soo saartay ayaa dadweynaha looga digay in aysan u dhawaan xarumaha al Shabaab iyo goobaha ay joogaan maadama ay bartilmaameed yihiin.
Duqeymuhu cirka waxay ka mid yihiin istiraatiijiyad dagaal oo badan oo Maareykanku ka fuliyo dhulka Soomaaliya, waxaana loogu talagalay in lagu joojiyo awoodda kooxa xagjiriinta iyo in la yareeyo khataraha ka imaanaya weerar toos ah. Mareykanku duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya waxa uu qaybiyay laba nooc oo kala ah duqeymo qorsheysan iyo kuwa difaac ah.
Mar aan weydiinay wasiirka in ay jiraan dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay duqemaha waxa uu sheegay in aysan taasi jirin oo ay dacaayad tahay.
Wasiirkii hore ee gaashandhigga Soomaaliya ayaa BBC da u sheegay todobaadkii hore in Maraykanka oo kaliya uusan haatan ka fulin duqaymo gudaha Soomaaliya, ee ay fuliyaan wadamo ay ka mid tahay Itoobiya.
Warkaas ayaa sababay in dadka qaar ay walaac ka muujiyaan sida ay dhammaan wadamadaasi ugu taxadari karaan in aan waxyeeli soo gaarin dad shacab ah.









