Dagaalka afka ah ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Eritrea oo sii xoogeystay

Danjire Dina Mufti, Wasiirka Warfaafinta, Yemen Gebre Meskel, Wasiirka Difaaca Itoobiya Caaisha Maxamed.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea oo si joogto ah u sii xumaanayay ayaa hadda gaaray dagaal dadban oo dalba dalka kale eedeynayo.

Madax sare oo ka tirsan labada dowladood ayaa is dhaafsaday eedo u muuqda in ay maalinba maalinta xigta ka sii darayaan.

Wasiirka warfaafinta Eritrea ayaa bartiisa X soo dhigay fariin u muuqatay in loogu jawaabayay wasiirka difaaca Itoobiya. Fariinta ayaa sidan u qorneyd.

"Taageerayaasha iyo kuwa ka horjeeda xisbiga Prosperity waxay xoogga saareen in ay dhaliilaan wax kasta oo ku saabsan Eritrea".

Madaxweynaha Eritrea ayaa qudbadiisa xuska sanadguurada 34-aad ee madaxbannaanida dalkiisa ku daray hadal uu si weyn ugu dhaliilay Itoobiya.

Wasiirka difaaca Itoobiya Aisha Mohammed oo taas ka jawaabeysay ayaa tirti, ma ahan qof hoggaamiye isugu yeeray in uu Itoobiya sidaa uga hadlo.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa qudbadiisa ku daray hadal Itoobiya aysan jacleysan. Munaasabada oo dhacday 24-kii bishii May, waxa uu madaxweynaha sheegay in Itoobiya ay quus taagan tahay.

"Dagaalka quwadaha shisheeye ku lugta leeyihiin ee ka dhanka ah shacabka Itoobiya ee socday shanti sano ee la soo dhaafay ayaa muujinaya quusta ay taagan yihiin".

Hadalkaas kaddib wasiirka difaaca Itoobiya waxay sheegtay in ciidamada dalka aysan aheyn kuwa si kooban u qaabeysan oo meel kasta ku booda.

Maqaal uu ku daabacay bogga Horn Review, Ambaasador Dina Mufti ayuu ugu baaqay bulshada caalamka in ay cadaadis saaraan dowladda Eretria si ay ugala baxdo ciidamada dhulka Itoobiya, ugana fogaato taageerada ciidamada hubeysan ee dowladda Itoobiya ka horjeeda.

Safiirka oo sidoo kale ka tirsan guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka dalka ayaa maqaalkiisa ku xusay in dowladda Eretria aysan dhulka Itoobihya iska joogi karin weligood.

Mar sii horeysay ayuu raysalwasaare Abiy Ahmed, ka sheegay kulan uu la yeeshay wakiilo ka socday Tigray in ciidamada Eritrea ay joogaan goobaha sharciga ee loo qoondeeyay, waxaana la sameeyay guddi baara hadii ay joogaan meelo ka baxsan dhulkaas.

Waa mar Madaxweyne Isaias Afwerki uu ku soo dhaweeyay Asmara Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Waa mar Madaxweyne Isaias Afwerki uu ku soo dhaweeyay Asmara Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa soo hagaagayay markii uu yimid raysalwasaare Abiy Ahmed kaddib 20 sano oo dagaal ka dhexeeyay, balse dhawaanahan waxaa kordhay khilaafka u dhexeeya labada dal.

Eretria ayaa ku lug laheyd dagaalka waqooyiga Itoobiya iyadoo la safneyd dowladda Federalka balse xiriirkaas ayaa xumaaday kaddib markii dagaalka dhiigga badan ku daatay uu ku istaagay heshiiskii Pretoria.

Mane Gebre Meskel waxa uu ku eedeeayy taageerayaasha iyo mucaaradka xisbiga talada haya in ay burburinayaan taariikhda dalka iyo in ay xaqirayaan ilaha dhaqaale iyo kartida Eritrea.

Wasiirka warfaafinta waxa kale uu sheegay in tani ay ka timid "sida weyn ay ugu baahan yihiin in ay helaan bad" isagoo ku eedeeyay in taasi ay gaarsiisay "sidii ay ku qaadan lahaayeen dhulka dalalka madaxbannaan ee dariska".

Qoraal uu soo dhigay bartiisa X ayuu Mr. Yaman Gebre Meskel ku dhaliilay kobaca dhaqaalaha Itoobiya, wuxuuna sheegay.

"Waa in aanan iloobin in Itoobiya ay heleysay deyn cafis 20-kii sano ee la soo dhaafay".

Wasiirka waxa uu sheegay in geeska Afrika ay leeyihiin awood ay ku gaari karaan horumar waara, "balse horumarkaas wuxuu ku xiran yahay nabad waarta oo gobolka ka hirgasha taas oo ku saleysan in la ixtiraamo qeynuunka caalamiga".

Maqaalka ambaasadoor, Dina Mufti, wuxuu sidoo kale ku eedeeyay madaxweyne Isaias in uu "afgembinayo" dowladda Itoobiya isagoo sheegay in ciidamo shisheeye ay ka dambeeyaan dagaalka gobolada Axmaarada iyo Tigray.

Safiirka wuxuu kaloo ka digay in faragelinta madaxweyen Isaias ay yeelan doonto cawaaqib aad u xun.

Madaxweyne Isaias eedahiisa waxaa ka mid ahaa in Itoobiya ay wado diyaargarow ciidan.

"Sababo badan ayey u doonayaan. Arinta badda, tan wabiga Nile, tan badda Cas, in ay helaan bad, iyo fakarka Oromada oo ah mid aan ka turjumeyn qowmiayda Oromada".

Walaaca Eritrea ay qabto waxa uu soo baxay kaddib markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in ay dooneyso in ay hesho dekad Badda Cas ah.

Xiriirka ay Eritrea la yeelatay Masar-na way kaga sii dartay arrinta. Eritrea waxaa lagu eedeeyaa inay taageerto kooxaha hubeysan ee Itoobiya iyadoo xitaa xafiis uga furtay Addis Ababa.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal kale uu dhexmaro Itoobiya iyo Eritrea. Labada dal, hore ayey xadka ugu dagaallameen, waxaana ku dhintay kumanyaal.