Israa'iil oo weerar xooggan ku qaadday Suuriya iyo gantaallo la sheegay in israa'iil lagu tuuray

Xigashada Sawirka, Syrian Observatory
Milateriga Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in ay duqaymo la beegsadeen "hubka taliska Suuriya ee koonfurta dalkaasi", halka kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ay sheegtay in duqeymahaasi ay ku soo beegmayaan iyadoo duqeymo xooggan ay ka dhaceen hawada Suuriya.
Kooxda la socodka xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa intaa ku daray in qaraxyo xooggan laga maqlay magaalada Quneitra iyo Darcaa ee koonfurta Suuriya taasoo ka dhalatay duqeymaha diyaaradaha Israa'iil.
Waxay xustay in la bartilmaameedsaday guutada 175-aad ee u dhow magaalada Izra, agagaarka Tal al-Mal ee waqooyiga Daraca, iyo Tal al-Shaar oo u dhow Quneitra. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.
Kormeerayaasha ayaa intaa ku daray in duullaanka Israa'iil uu jawaab u ahaa laba madfac oo laga soo riday Suuriya kuna sii jeeday Israa'iil.
Dhankooda, milatariga Israa,iil ayaa xaqiijiyay in diyaaradahoodu ay "ku garaaceen hubka taliska Suuriya ee koonfurta dalkaasi," iyaga oo sheegay in maamulka Suuriya uu mas'uul ka yahay waxa ay ku tilmaameen "xaaladda taagan".
Warku waxa uu intaa ku daray in maamulka Suuriya uu ay sii ahaan doonaan kuwa la kulma cawaaqib xumada ka dhalan karta ilaa inta dhaqdhaqaaqyada cadawtinimada ahi ay ka sii socdaan dhulkooda.
Ciidanka Israa'iil ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in labo gantaal oo laga soo riday Suuriya kuna soo jeeday Israa'iil ay ku dhaceen goobo bannaan oo ku yaalla buuraha Golan Heights.
Dhinaca kale, warbaahinta Israa'iil ayaa sheegtay in labada gantaal laga soo riday gobolka Daraca ee koonfurta Suuriya, laguna soo ganay Israa'iil, iyadoo xustay in qalabka digniinaha lagu rakibay buuraha Golan Heights.
Warbaahinta Carabta ayaa faafisay bayaan ay soo saareen koox isku magacawday "Guutooyinka Shuhadada Mohammed Deif," oo iyagu sheegtay mas'uuliyadda soo rididda labada gantaal.
Wasiirka Difaaca Israa'iil Yisrael Katz ayaa mas'uuliyadda dusha ka saaray madaxweynaha Suuriya, Axmed al-Sharaa, wuxuuna yiri, "Waxaanu madaxweynaha Suuriya si toos ah mas'uul uga yahay khatar kasta ama dab kasta oo ka dhan ah dawladda Israa'iil, jawaab buuxdana dhawaan ay ka bixin donaan.
Dalka Suuriya, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa "si adag" u cambaareysay duqeymaha Israa'iil ay ku hayso tuulooyinka iyo magaalooyinka gobolka Darca, taasoo keentay "khasaare naf iyo maalba leh," sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Suuriya.

Xigashada Sawirka, SANA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa xustay in xiisadda sii "kordhaysa ay ka dhigan tahay xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay madax-bannaanida Suuriya waxayna kordhinaysaa xiisadda gobolka xilli loo baahanyahay xal nabadeed."
Wasaaraddu waxay caddaysay "in aan weli la xaqiijin sax ahaanta wararka la isla dhex marayo ee ku saabsan duqeymaha lala beegsaday dhinaca Israa'iil," iyadoo ku eedaysay "dhinacyo badan" inay doonayaan inay khalkhal geliyaan gobolka si ay " u gaaraan danahooda gaarka ah".
Wasaaraddu waxay xaqiijisay, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee rasmiga ah, in Suuriya aysan lahayn khatarna ku noqon doonin cid kasta oo gobolka ah, iyo in mudnaanta koowaad ee koonfurta Suuriya ay tahay in la kordhiyo awoodda dawladda iyo soo afjarida joogitaanka hubka ka baxsan xarumaha rasmiga ah, si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasilloonida dhammaan muwaadiniinta.
Wasaaraddu waxay ugu baaqday beesha caalamka inay dhabarka u ridato mas'uuliyadda ka saaran joojinta weerarradan iyo inay taageerto dadaallada lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaanka iyo xasilloonida Suuriya iyo gobolka.
Tan iyo billowgii sanadkan, hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Suuriya ayaa sheegtay in Israa'iil ay bartilmaameedsatay dhulka Suuriya 57 jeer, oo ay ku jiraan 48 weerar oo xagga cirka ah iyo sagaal hawlgal oo dhulka ah.
Duqeymahan ayaa sababay burbur ku dhowaad 86 bartilmaameed, oo ay ku jiraan bakhaarrada hubka iyo rasaasta, iyo gaadiidka, sida uu sheegay kormeerayaasha.













