Mid kamid ah meydadka Xamaas ay ku celisay Israa'iil oo noqday arday ka soo jeeda dalka Tanzania.

Xigashada Sawirka, Joshua Mollel
Israa'iil ayaa ku dhawaaqday in meyd la helay Arbacadii uu ahaa arday u dhashay dalka Tansaaniya oo lagu dilay weerarkii ay Xamaas qaaday 7-dii Oktoobar.
Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa xaqiijiyay aqoonsiga meydka la soo celiyay Arbacadii kadib baaritaanno la sameeyay.
Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in meydka la soo wareejiyay uu ahaa Joshua Levitu Molel, oo ahaa arday Tansaaniyaan ah.
Sida ay sheegtay Israa'iil, Joshua Levitu Molel waxaa lagu dilay weerarkii ay Xamaas iyo kooxo la-hawlgala ay ku qaadeen Kibbutz Nir Oz 7-dii Oktoobar 2023, waxaana jirkooda loo qaaday dhanka Qasa.
Joshua Levitu Molel oo 21 jir ahaa ayaa ahaa arday dhammaystirayay tababar ku saabsan beeraha oo ka socday koonfurta Israa'iil.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in "kadib marka la xaqiijiyo aqoonsiga, saraakiil ka tirsan ciidanka Israa'iil iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay qoyska Joshua Molel u sheegeen in meydkii wiilkooda dib loogu soo celiyay Israa'iil."
Maalintii ka horreysay, Israa'iil waxay sidoo kale xaqiijisay in Xamaas ay soo wareejisay meydka Itai Khan, oo ahaa sarkaal labaad oo ciidan ah. Sida ciidamada Israa'iil ay sheegeen wuxuu ku dhintay isagoo ku guda jira dagaal ka dhacay Kibbutz Nir Oz, kadibna Xamaas ayaa meydkiisa la tagtay Qasa.
Maalmihii u dambeeyay, garabka milatari ee Xamaas ayaa sheegay inay heleen meydka askari Israa'iili ah oo ku dhintay deegaanka Shuja'iya ee bariga magaalada Qasa.
Kadib Israa'iil ayaa ogolaatay in xubno ka tirsan garabka milatari ee Xamaas iyo shaqaalaha Laanqeyrta Cas loo ogolaado inay ka raadiyaan halkaas haraadiga maydadka, inkasta oo goobtaas ay weli ku jirto gacanta Israa'iil.
Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa sheegaya in weli ay goobta ku jiraan meydadka lix maxbuus oo kale.
Israa'iil waxay ku eedeysay Xamaas inay jebisay heshiiska xabbad-joojinta iyadoo dib u dhigtay soo celinta meydadka.
Balse Xamaas ayaa sheegtay in meydadkii ay ku aaseen hoosta burburka Qasa, isla markaana dadkii ilaalinayay qaarkoodna la dilay.
Dhanka kale, ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay inay dileen labo Falastiiniyiin ah oo u soo dhowaaday meel ay iyagu maamulaan, iyagoo "si halis ah" ugu soo dhaqaaqay.
Mas'uuliyiinta caafimaadka ee Qasa oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegay in nin Falastiini ah oo qoryo urursanayay uu ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada Israa'iil.
Israa'iil oo ku amartay ciidamada inay aagagga difaaca ee u dhexeeya Masar iyo Israa'iil ka dhigaan "aag militari"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Israel Katz, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in uu amray ciidanka in aagga u dhexeeya "Israel iyo Masar" loo beddelo "aag milatari" si looga hortago "soo gelinta hub sharci-darro ah ee ee la geeyo sida uu sheegay Qasa.
Israel waxay sheegtay in "tahriibinta hubka" ee meelahan lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo "diyaaradahaan aan duuliyaha lahayn (drones)."
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa qoraal uu ku daabacay akoonkiisa Telegram ku yiri: "Waxaan amray ciidanka Israeli in meelo ku dhow xuduudda Israel–Masar loo beddelo aag milatari oo xirran iyo in la nidaamiyo xeerarka hawlgalka si loola tacaalo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee halis gelinaya ammaanka dalka."
"Wareejinta hubka iyadoo la adeegsanayo drones waa qayb ka mid ah dagaalka Qasa ka socda, waxaana loogu talagalay aaggaas in lagu hubiyo xaaladaha amniga. Waa in aan qaadnaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo joojiyo hanaankan hub tahriibinta ah," ayuu yiri.
Israel waxay la wadaagtaa Masar xuduud qiyaastii 200 kiilomitir ah.
Axaddii, milatariga Israel ayaa sheegay in ay ogaadeen diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo gashay dhulkooda "dhinaca galbeed" si hub loogu tahriibiyo Qasa.
Milatariga Israel ayaa sheegay in ciidamadu ay burburiyeen dronkaas, oo sidday hub. Israel horey waxay u soo saartay warbixino la mida oo ku saabsan xuduuddeeda bari.
Mr. Katz wuxuu sheegay in amaradiisu ay la mid yihiin "bayaan dagaal" oo ka dhan ah kuwa ku lugta leh tahriibinta, islamarkaana "qof kasta oo galo aagga xaddidan waa la beegsan doonaa."













