Markab dagaal oo ku wajahan xeebaha Soomaaliya kadib weerarradii burcad badeeddu ku qaaday markaakiib ganacsi

Xigashada Sawirka, Reuters
Ciidanka Midowga Yurub ee la dagaallanka burcad-badeeda ayaa markab dagaal u diray xeebaha Soomaaliya kadib markii koox burcad-badeed ah oo la tuhunsan yahay ay isku dayeen in ay weeraraan maraakiib ku sugnaa aaggaas, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah Arbacadii.
Dabley hubaysan ayaa Isniintii weerar ku qaaday markab ganacsi oo ku sugnaa xeebta Muqdisho, iyagoo rasaas ku furay markabka kadib markii ay isku dayeen in ay fuulaan doonta waxaana tani lagu tilmaamay dhacdadii ugu horreysay ee burcad-badeednimo ee ka dhacda Soomaaliya tan iyo sannadkii 2024, sida ay sheegeen ilo dhinaca badda ah.
Weerarka iyo dhacdooyin kale oo dhacay ayaa walaac ka dhaliyay marin-biyoodka muhiimka ah ee ay maraakiibta shidaalka iyo badeecadaha muhiimka ah ku gaarsiiyaan suuqyada caalamka.
Markab kalluumeysi oo wata calanka jasiiradda Seychelles ayaa isbuucan la sheegay in ay u soo dhowaadeen koox ku safraysay dooni dheereysa, halka ilo dhinaca amniga badda ah ay sheegeen in markab kalluumeysi oo Iraani ah oo kale ay qabteen kooxo hubaysan oo aan la garanayn.
Kooxda reer Britain ee Vanguard, oo ku takhasustay maareynta khatarta maraakiibta, ayaa sheegtay in ay aad u suuragal tahay in markabka kalluumeysiga lagu qabsaday si loogu adeegsado sidii markab-hoosaad (mothership) oo laga soo fuliyo weerarro kale.
Hawlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub, Operation ATALANTA, ayaa sheegay in ay "ka warqabaan xaaladda isla markaana ay u dirayaan markab ciidan aaggaas," balse ay diideen in faahfaahin dheeraad ah bixiyaan sababo la xiriira arrimaha amniga.
Burcad-badeed ayaa Khamiistii weeraray markab xambaarsanaa badeeco oo wata calanka Malta meel u dhow xeebaha Soomaaliya, balse shaqaalihii markabka ayaa ku cararay qol ammaan ah oo la adkeeyey, iyaga oo weli gacanta ku haya markabka, sida ay sheegeen ilo dhinaca ammaanka badda ah.
Weerarro hubeysan oo dhowaanahan ka dhacayey gobolka ,oo ay ku jirto dhacdadii ugu horreysay ee looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah muddo sanad ah kadib, ayaa dib u kiciyey walaaca laga qabo marin-biyoodka muhiimka ah ee loo adeegsado gaadiidka tamarta iyo badeecooyinka suuqyada dunida

Xigashada Sawirka, Google
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markabka Hellas Aphrodite, oo siday baatrool, ayaa ka soo baxay Hindiya kuna sii jeeday Koonfur Afrika markii uu "dhacdo amni" la kulmay subaxnimadii Khamiista, sida uu sheegay maamulka Giriigga ee Latsco Marine Management. Dhammaan shaqaalihii markabka waa nabad, ayuu intaas ku daray.
Burcadda oo saarnaa doon yar ayaa rasaas ku furay markabka, sida ay sheegtay shirkadda ammaanka badda ee Ambrey.
Sidoo kale, burcadda ayaa la sheegay inay ku rideen markabka qoriga baasuukaha, sida ay sheegeen ilo amni.
Ciidanka badda Midowga Yurub ayaa sheegay in mid ka mid ah cutubyadooda uu "u dhow yahay goobta dhacdada isla markaana uu si degdeg ah ugu sii socdo, diyaar u yahay inuu qaado tallaabooyinka ku habboon si wax looga qabto digniinta burcad-badeednimada." Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters.
Shaqaalaha markabka ayaa iskugu "qalcadda" dhuumashada markabka, oo ah qol si gaar ah loo adkeeyey oo ammaan ah, iyaga oo weli gacanta ku haya markabka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan shirkadda ammaanka badda ee Diaplous iyo kooxda maareynta khataraha badda ee British-ka ah ee Vanguard.
Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal u ah howlgalka, kabtanka markabka ayaa u dhashay dalka Montenegro. Shan ka mid ah shaqaalaha markabka, oo uu ku jiro injineerka guud, waa Giriig, halka inta kale ay yihiin muwaadiniin u dhashay Filibiin, ayuu intaas ku daray isla ilahaasi.
"Dhammaan 24-ka shaqaale waa nabad waana la xisaabtamaa, waxaana si dhow ula xiriirnaa," ayay tiri shirkadda Latsco Marine Management war-saxaafadeed ay soo saartay.
Latsco waxay sheegtay inay hawlgelisay kooxdeedii ka falcelinta xaaladaha degdegga ah, isla markaana ay la shaqeyneyso hay'adaha si loo xaqiijiyo badbaadada iyo daryeelka shaqaalaha markabka.
"Shaqaaluhu waxay sheegeen inay maqleen sawaxan markabka gudihiisa ah," ayuu yiri mid ka mid ah ilo-wareedyada ammaanka badda.













