Khilaafka Itoobiya iyo Masar: Waa maxay fursadaha mustaqbalka Masar ka dib marka la dhammeystiro biyo- xidheenka wayn ee Itoobiya?

Xigashada Sawirka, ENA Ethiopian News Agency
Cawad Abu Suleymaan waa nin beeralay ah oo reer Masar ayaa fadhiya goob dhul ah, isagoo dib u eegis ku sameynaya xisaabaadkiisa faa’iidada iyo khasaaraha ka dib dalagyadii sanadkan u soo go'ay oo aan wanaagsanayn.
Arrintan ayaa waxaa sabab u ah go’aan hore oo ay dowladdu ku mamnuucday beerashada bariiska ee gobolka Menoufia, halkaas oo ay beertiisa ku taallay.
Waxaa sababta ugu wayn ee arrintani ay tahay dhibaatooyinka xagga biyaha maaddaama bariisku u baahan yahay biyo badan.
Abuu Suleymaan iyo beeraleydii kale ayaa lagu qasbay in ay u beddelaan dalaggooda oo ay beertaan galley halkii ay ka beeran lahaayeen bariiska oo isaga biyo badan u baahan.
Markii hore, beeraleyda reer Masar ayaa beerista hal acre oo bariis ah ku bixin jiray ilaa 8,000 oo Giniga Masaarida ah oo u dhiganta 165 doollar, isaga oo soo celin jiray faaido ahaan u heli jiray marka ay beerta soo go'do ilaa 15,000 lacagta Masar ah oo u dhiganta 309 doollarka Mareykanka ah.
Si kastaba ha ahaatee, hadda waxa uu ku kharash gareeyaa beerista hal acre oo galley ah ilaa 7,000 Pound oo oo u dhiganta 144 US doolar, taas beddelkeedana waxa uu helayaa wax ka yar 6,000 oo lacagta M ah oo 123 doollar halkii acre, taas oo ay ugu wacan tahay galeyda oo aan aad suuq u lahayn. Intaa waxaa dheer, beeristeeda waxaa la galiyaa dadaal badan oo jireed iyo kharashyo la xiriira bacriminta, sunta cayayaanka, iyo kharashaad kale.
Goobaha bariiska lagu beero oo la soo yareeyay
Abu Suleymaan iyo dadka deriska la ah ee gobolka Gharbia ayaan ka mid ahayn dadkii nasiibka u yeeshay ee ay dawladda Masar u oggolaatay inay bariiska ka beeraan dhul aan ka badnayn 725 kun oo hektar guud ahaan dalka, ka dib markii dhulkii hore loo beeran jiray uu kor u dhaafayay laba milyan oo hektar.
Sannadkii 2015-kii ayay dawladdu go’aansatay in la xaddido beeraha bariiska laga beero, lagana mamnuuco beerashada gobollada qaar ee dalka, sababo la xiriira biyo la’aanta lagama maarmaanka u ah beerashada, taas oo keentay in saamiga Masar ee biyaha Niilka uu yaraado ka dib markii ay Itoobiya dhistay biyo-xireyn aad u wayn.
Biyo xireenka Renaissance Dam ee laga dhisay Niilka Buluuga ah, kaas oo horseeday – sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Masar – in la dhimo saamiga Masar ee biyaha Niilka, oo lagu qiyaaso 55.5 bilyan cubic mitir oo biyo ah sannadkii, iyada oo Itoobiya ay sii waddo in ay sii buuxiso biyo-xireenka oo biyo badan u baahan.
Masar waxa ay hysta dhibaato biyo la’aan, waxaana ay kaalinta koowaad kaga jirtaa liiska dalalka ugu roobka yar adduunka, waxayna inta badan ku tiirsan tahay biyaha webiga Niil 98%.
Itoobiya ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay gabagabo ku dhowdahay buuxinta shanaad ee biyo xireenka Renaissance Dam, iyadoo biyaha ku jira harada ay gaareen in ka badan 62 bilyan cubic mitir oo biyo ah, waxaana bilaabmay shaqada dhalinayo korontada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Masar ayaa ku dhawaaqday inay si cad u diidday wax ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Masar ku tilmaantay bayaan 1-dii Sebtembar “Siyaasadda hal-geesoodka ah ee Itoobiya oo ku xad-gudbay qawaaniinta iyo mabaadi’da qaanuunka caalamiga ah, isla markaana ka dhigan xad-gudub cad oo ka dhan ah Baaqa Mabaadi’da ee ay kala saxiixdeen Masar, Suudaan. iyo Itoobiya 2015.”
Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Abdel Caati ayaa warqad uu u diray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay taasi oo uu ku faahfaahiyay in dhamaadka wada xaajoodka biyo xireenka Renaissance, oo socday muddo ku dhow 13 sano, iyadoo aan la isku afgaran wax heshiis ah.
Iyadoo dhinaca Itoobiya ay si isdaba joog ah ugu dhawaaqayaan mashaariic cusub oo laga dhisayo laanta Niilka Buluugga ah, oo ay ku jiraan dhismaha biyo-xireennada kaalmeeya biyo xireenka Grand Renaissance, ayaa su'aalo badan la iska weydiinayaa fursadaha mustaqbalka ee Masar si ay uga gudubto dhibaatooyinka biyo yaraanta Niilka, oo ah isha ugu weyn ee biyaha dalka.
Biyo-xireenno cusub

Xigashada Sawirka, Getty Images
Diaa El-Din El-Qousy, oo ah lataliyihii hore ee wasiirka waraabka Masar, ayaa wareysi ay siiyay BBC-da ku sheegtay in dowladda Itoobiya ay doonayso inay saddex biyo-xireen oo cusub ka dhisto Niilka Buluugga ah ee deegaannada "Kardoobe, Mindaya, iyo Bekaabo". "si loo yareeyo cadaadiska saaran biyo-xireenka, iyo in la hubiyo socodka joogtada ah ee biyaha iyada oo loo marayo marawaxadaha tamarta korontada.
Al-Qawsi waxa uu dalbanayaa in dawladda Masar, in wadaxaajoodyada soo socoda, ay xoogaa "qallafsanaan" u muujiso marka ay la macaamilayso Itoobiya.
Khabiir dhanka biyaha ah oo u dhashay dalka Masar, Diaa El-Qousy ayaa tilmaamay in laga yaabo in arrintu ay soo baxdo sanadaha soo socda in biyaha laga iibiyo Masar iyo Suudaan.
Saxafiga u dhashay dalka Itoobiya ee Zahed Zidane oo arrintan ka hadlaya ayaa sheegay in dhinaca Itoobiya aanay weli wax dhibaato ah ugu geysan Masar iyo Suudaan dhismaha biyo-xireenka, maaddaama dhinaca Itoobiya ay ballan-qaadeen sannado badan oo buuxinta biyo-xireenka ah, kaas oo hadda ka badan toddoba sannadood.
Zidane ayaa BBC-da u sheegay in Itoobiya ay tixgelisay walaaca Suudaan, isla markaana ay si joogto ah u cusbooneysiineyso horumarka dhanka buuxinta, keydinta iyo furitaanka albaabada, si loogu diyaariyo biyo xireenka Roseires ee Suudaan, oo qiyaastii 40 km u jira biyo xireenka wayn ee Itoobiya.
Lix waddan oo uu ugu dambeeyay Suudaanta Koofureed ayaa ansixiyay heshiiska Entebbe sanadkan, kaasoo waddada u xaaraya in dhaqan galkiisu uu bilowdo kadib 14 sano oo uu fadhiid ahaa.
Heshiiska Entebbe waxa uu soo rogayaa hannaan sharci oo cusub oo lagu xallinayo khilaafaadka, dib-u-qaybinta biyaha, iyo u oggolaanaya waddamada soo koraya in ay dhistaan mashruucyo biyo ah iyada oo aan oggolaansho laga helin waddamada hoose.
Masar iyo Sudaan midkoodna ma saxiixin heshiiska Entebbe, mana aqoonsana.
Saddexda dal ee Itoobiya, Masar iyo Suudaan, ayaa dhawr wareeg oo wada-xaajood ah oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika yeeshay, balse aan wax heshiis ah laga gaadhin.
Toddobadii sano ee la soo dhaafay ee buuxinta biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam, Itoobiya waxa ay awooday in ay ku shubto ilaa 62.5 bilyan cubic mitir oo biyo ah gudaha harada biyo xireenka, waxayna sii waddaa in ay sii buusxiso si ay u gaarto heerka ugu sareeya ee buuxinta oo ah 74 bilyan cubic mitir.













