Muxuu jaadka Itoobiya ugu qulqulayaa suuqyada Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Beeralayda gobolka Hararge iyo nawaaxigiisa oo ku tiirsan wax-soo-saarka jaadka ah ee suuqyada gudaha iyo dibadda dalkaaa Itoobiya, ayaa ka mid ah kuwa ugu horreeya ee ka faa'iideysta ganacsiga jaadka.
In kasta oo bulshada deegaanku ay tiro badan tahay, haddana qof kasta wuxuu ka qaybqaataa shaqada qaadka, laga bilaabo soo saarista ilaa ganacsiga gudaha iyo dhoofinta.
Sannadihii ugu dambeeyay, tirada canshuuraha la saaro iyo lacagaha laga qaado ganacsatada, gaar ahaan beerallayda khaadka soo saara, ayaa saamayn ku yeeshay.
Jacfar, oo ka shaqeeya beer qaad oo ku taallada agagaarkamagaalada Awadaay, ayaa sheegay in dhibaatadii ay beeralaydu sannadihii hore la kulmeen ay weli jiraan.
"Markii hore, jaadkan waa la beddeli jiray sababtoo ah soosaarku khasaare ayuu keenay, beerallaydu way cabanayeen. Hadda isbbeddel ayaa yimid oo xaaladdu way fiican tahay. Haddii suuqa qaadka uu bato, qiimuhu wuu hoos ayuu u dhici karaa, laakiin hadda qiimuhu waa sarreeya. Waxay ku xidhan tahay xilliga roobka. Beeralaydu hadda biyaha ayay waraabinayaan. Marka wax soo saarka suuqa yimaadda oo badan, qiimuhu wuu jabi doonaa," ayuu yidhi.
Cabashada beerallayda iyo ganacsatada qaadka ee ku aaddaan canshuuraha iyo lacagaha laga qaado magaalooyinka, waxaa lagu bixiyaa nidaam canshuur oo loo yaqaan 'Kottee'.
Soomaaliya, jaadka Itoobiya ayaa ka caansan kan Kenya
Sida lagu sheegay warbixinnada, suuqyada Soomaaliya, xaddiga qaadka Kenya ayaa hoos uga dhacay 17%.
Tani waxay keentay in tartanka jaadka Itoobiya uu xoog yeesho, waxaana jaadka Itoobiya uu aqbalaad ka helay suuqyada Soomaaliya, halkaas oo ay ku jiraan meelo uu markii hore ku xoogganaa kan Kenya .
Waaxda maamusha Beeraha iyo Cuntada Qaranka ayaa sheegtay in qaadka Kenya oo hore loogu tiirsanaa dalka Soomaaliya, ay sidoo kale hadda bilaabeen in ay suuqyada kale ee dalalka deriska ah wax u diraan, maaddaama jaadka Itoobiya suuqyada gudaha Soomaaliya ka helay aqbalaad ka badan kan Kenya.
Sidee ayuu qaadka Itoobiya awood ugu yeeshay suuqyada Soomaaliya iyadoo cashuur badan la saaray?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cabduljabbaar Ibraahim oo ka ganacsada qaadka una dhoofiya Soomaaliya, ayaa sheegay in inkastoo dhibaatada canshuurahu ay jiraan in ka badan laba sano, haddana isbeddel dhab ah aanay canshuurtaasi keenin.
Cabduljabbaar oo ka mid ah ganacsatada Itoobiya ee qaado8 Soomaaliya u dhoofiya, ayaa sheegay in qaadka Itoobiya uu suuqa Soomaaliya ka helay awood ka badan kan Kenya laba sababood awgood:
"Marka tusaale ahaan, Hargeisa, qaadka Itoobiya wuxuu ku taga doolarka halkii xidhmo, halka kan Kenya la siisto saddex doolar."
"Xaaladdan waxay socotay in ka badan saddex sano. Waxaan ka doodaynay arrintan, waxaan rabnay in qiimaha loo kordhiyo ilaa 5 doollar la gaadhsiiyo. Hadda qaadka Itoobiya wuxuu si siman ula tartamayaa kan Kenya."
Dhanka kale, xaddiga canshuuraha aan xal loo helin ayaa sababay in ganacsatada qaar qaadka ay si sharci darro ah (kontirobaand) ugu soo galiyaan suuqa Soomaaliya, taasi oo gacan ka gaysatay in jaadka Itoobiya suuqa si weyn u maamulo.
Cabduljabbaar waxa kale oo uu sheegay in ganacsiga kontirobaand-ku uu dhibaato ku yahay dhaqaalaha dalka iyo ganacsatada si sharci ah u dhoofiya qaadka:
"Qofka kontirobaand-ka isticmaala mar walba waxa uu ku jiraa halis. Waddada ayuu ka baxaa, qaadka wuxuu la kulmaa dhibaato. Ma aha in uu dhibsado marka uu gaadho meesha uu tagayo. Qiimo ma laha," ayuu yidhi.
Sidoo kale, ganacsatada si sharci ah u dhoofiya qaadku waxay bixiyaan canshuurro badan.
"Marka aan ka hadlayno qaadka la geeyo Soomaaliya ee sida sharciga ah loo dhoofiyo, waxaan canshuur ku bixiyaa meelo badan ilaa meesha ugu dambaysa ee uu gaadhayo. Waxaan ku bixiyaa Oromiya, Soomaaliya iyo canshuurro kale oo badan," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ganacsade kale oo la yidhaahdo Maxamed Ibraahim, oo ka ganacsada qaadka una dhoofiya dibadda ayaa isna sheegay in inkastoo aan wax isbeddel ah lagu samayn canshuuraha, haddana tallaabooyinka lagu hagaajinayo ganacsiga qaadka ee magaalada Awadaay ay kordhiyeen tirada qaadka la iibiyo.
Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in arrimaha canshuuraha ee ka jira Deegaannada Oromada iyo Soomaalida iyo ganacsiga qaadka ee sharci-darrada ah (kontirobaand-ka ah), aanay weli dhinaca dowladda ka helin wax jawaab ah .













