Putin iyo ergayga Trump oo wada-hadallo Ukraine ku saabsan ku yeelanaya Moscow

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, EPA

    • Author, James Chater
    • Author, Laura Gozzi

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa maanta oo Talaado ah la kulmi doona ergayga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff magaalada Moscow, ka dib markii Aqalka Cad uu sheegay inay "rajo weyn" ka qabaan in heshiis lagu soo afjaro dagaalka Ukraine laga gaaro.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu kulankaas ka soo qeybgalo wiilka uu soddogga u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Jared Kushner, kaasoo ah la taliyihiisa arrimaha bannaanka ee dhanka wada-hadallada diblomaasiyadda.

Shirkan heerka sare ah ayaa imanaya ka dib labo maalin oo wada-hadallo ah oo ka dhacay gobolka Florida ee Mareykanka, kuwaas oo u dhaxeeyay saraakiil ka tirsan Ukraine iyo Mareykanka, oo ay ku jireen Witkoff iyo Kushner. Ujeeddada wada-hadalladaas ayaa ahaa in la sii ambaqaado qorshe nabadeed oo Mareykanka uu gadaal ka riixayay, kaasoo loo arkayay mid u janjeera dhanka Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa wada-hadallada ku tilmaamay "kuwo wax dhisaya", laakiin waxa uu intaas ku daray in ay jiraan "arrimo adag oo weli u baahan in laga wada shaqeeyo".

Zelenesky

Xigashada Sawirka, EPA/Shutterstock

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa isna hadlay ka dib markii uu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kula kulmay magaalada Paris, halkaas oo uu ku biiray wicitaanka hoggaamiyeyaasha Yurub oo ay ku jiraan kuwa UK, Jarmalka, Poland, iyo Talyaaniga.

Dhanka kale, dhexdhexaadiyaasha Ukraine iyo Maraykanka ayaa soo gabagabeeyay laba maalmood oo kulamo ay ku lahaayeen Florida iyaga oo ka shaqaynayay in ay dib u eegis ku sameeyaan qorshe nabadeed oo loo arko mid u xaglinaya dhinaca Ruushka.

Aqalka Cad ayaa hadal wanaagsan ka soo saaray wadahadallada Isniintii, iyadoo xoghayaha warfaafinta Karoline Leavitt ay sheegtay in maamulku " aad ugu rajo weyn yahay" heshiiska la gaaray si dagaalka loo soo afjaro.

Zelensky waxaa uu bartiisa Twitter soo dhigay qoraal ah in wadahadaladu ay ahaayeen "kuwo aad u wanaagsan" balse ay jiraan "arrimo adag oo weli laga shaqeynayo".

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka, Steve Witkoff, oo ka qayb galay wada-hadallada uu la yeeshay wafdiga Ukraine, ayaa hadda ku wajahan Ruushka halkaas oo uu Talaadada kula kulmi doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin. Waxaa kulankooda ku biiri doona wiilka uu soddoga u yahay madaxweyne Trump ahna la taliyahiisa, Jared Kushner.

Ruushka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ergayga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Witkoff ayaa la hadlay madaxwynaha Ukraine Vlodymir Zelensky, MDAXWEYNAHA Faransiiska, Emanuel Macron, madaxa wada xaajoodka Ukraine Rustem Umerov, iyo ra'iisul wasaaraha UK Keir Starmer, waxaana la filayaa inuu natiijada wadahadallada u gudbiyo Putin.

Toddobaadkii hore Putin waxa uu sheegay in qorsho nabadeed oo qabyo uu Maraykanku la wadaagay Ruushka, taasina ay noqon karto "asalka" heshiis mustaqbalka lagu dhammeeyo dagaalka.

Qorshaha nabadda ee bilawga ah ee Mareykanka iyo Ruushka ee la faafiyay bishii Nofembar ayaa lama filaan ku noqday Kyiv iyo guud ahaan Yurub.

Laakiin Macron wuxuu sheegay in hadda aysan jirin "qorshe nabadeed oo dhameystiran oo laga hadlo".

Hogaamiyeyaasha Yurub ayaa degdeg u doonayay sidii ay boos uga heli lahaayeen ama uga mid noqon lahaayeen miiska wada xaajoodka tan iyo markii la soo bandhigay qorshaha nabada, waxayna ku booriyeen Maraykanka inuu Yurub ka qayb geliyo diyaarinta heshiis kasta oo mustaqbalka ah.

Ukraine

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Zelenesky (B) iyo Macron

Macron wuxuu sheegay in muranka dhuleed "uu keliya dhamayn karo madaxweyne Zelensky" wuxuuna tilmaamay in arrimaha hantida Ruushka ee la xayiray, dammaanad qaadka amniga la xirriira, iyo ku biirista Midowga Yurub ay u baahan yihiin inay ku lug yeeshaan waddamada Yurub.

Balse madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada maamulka Donald Trump uu ku doonayo in lagu soo afjaro colaada, taasoo soo bilaabatay sanadkii 2014-kii markii Ruushka uu si sharci darro ah ula wareegay Crimea, kadibna uu si buuxda u galay Ukraine 2022-kii.

"Hadda waxaan sugeynaa jawaabta Ruushka: diyaar ma u yihiin inay joojiyaan dagaalka oo ay nabadda qaataan? yuu yiri. Waxaan rabaa in aan tilmaamo in saddex, afar jeer Ruushku uu diiday qorshaha nabadda," ayuu intaasi raaciyay. "Sidaas darteed uma muuqdaan kuwo degdeg ku jira."

Sanadka oo dhan Moscow waxa ay u muuqatay in ay ku hawlan tahay isku dayga Maraykanku uu ku doonayo in lagu soo afjaro dagaalka ama lagaga wada hadlo xabbad joojin, laakiin dhawr ka mid ah dalabaadkeeda ayaa si toos ah uga soo horjeeda madaxbannaanida Ukraine waxaana Kyiv u arkaan mid aan la aqbali karin.

In kasta oo su'aasha dhulku ay tahay meesha ugu weyn ee la isku hayo, haddana arrinta dammaanad-qaadka ammaanka ee Kyiv ayaa sidoo kale muujisay muran.

Kyiv iyo saaxiibadeeda Yurub ayaa aad u danaynaya in Ukraine la siiyo dammaanad amni - sida xubinnimada Nato - taasoo ka hor tageysa in mar kale la weeraro.

Balse Ruushka ayaa arrintan si adag uga soo horjeeda, waxaana Donald Trump uu sidoo kale meesha ka saaray in Ukraine ay ku biirto xulafada militariga.