Maraykanka oo wakiilada Ruushka kula kulmaya Abu Dhabi si loo afjaro colaada Ukraine

Weli duqaymaha labada dhinac ee Ruushka iyo Ukraine is-weydaarsanayaan oo socda

Kooban

Tebin toos ah

  1. QM oo sheegtay dadaaladii AIDS-ka ay dhaawaceen jaristii maalgelinta caalamiga ah

    UN AIDS

    Xigashada Sawirka, UN

    Qoraalka sawirka, UN AIDS

    QM ayaa sheegtay in dadaallada caalamiga ah ee lagula tacaalayo AIDS-ka ay dhaawacmeen sababo la xiriira jarista maalgelinta caalamiga ah. Dalalka dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ayaa ugu daran ee ay sida weyn u saamaysay.

    Agaasimaha QM ee AIDS-ka Winnie Byanyima ayaa iftiimisay in joojintii ballaarnayd ee lagu dhawaaqay ka dib markii uu Madaxweyne Trump uu ku soo noqday Aqalka Cad ay xustay in dalal kale oo badan ay sidoo kale si weyn ay u dhimeen deeqihii ay bixin jireen.

    Byanyima ayaa ka digtay in adeegyada kahor taga HIV ay burburi karaan, taas oo keeni karta in saddex milyan iyo saddex boqol oo kun oo kiis oo cusub la diiwaan galiyay dhammaadka tobankan sano.

  2. Taliska Milatariga Soomaaliya oo ka hadlay howlgalada Yaaqbariweyne iyo maleeshiyaadka ay ku soo qabteen

    Taliye Axmed Gaashaan

    Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    Qoraalka sawirka, Taliye Axmed Gaashaan

    Milatariga Soomaaliya ayaa kala cayriyay maleeshiyo beeleed isbaarooyin sharci darro ah dhigtay deegaanno hoos taga degmada Wanlaweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose.

    Tobannaan gaadiidka xamuulka ah oo ku xayirnaa deegaanka Yaaqbariweyne ayaa lagu guuleystay in halkaas laga sii daayo kaddib markii laga qaaday isbaarooyinkii halkaas yaalay, sida uu sheegay taliyaha guutada todobaad Axmed Gaashaan.

    Korneyl Axmed Gaashaan oo ah taliyaha guutada 7-aad ee Milatariga Soomaaliya ayaa BBC u sheegay ‘’Waxaan ka bilownay dadkii dhibta gaystay ee gubitaanka bilaabay oo muslimka meeshaas ku dhibaataynayay, waxaan soo qabanay xubno sagaal xubnood ah oo aan maxkamada ku wareejinay, waxaan haddana soo qabanay dad isbaarooyin umudda ku dhibaateeyay dhulkaan Yaaqbariweyn ilaa Wanlaweyn agagaarkeeda’’

    Ciidamada ayaa sidoo kale baadigoob ugu jira maleeshiyo baxsad ah oo Maxkamadda Ciidamadu ku xukuntay dil, ka dib markii lagu helay in ay gaysteen dikal dad rayid ah.

  3. Maraykanka ''Milatariga Suudaan iyo RSF waa ay diideen hindisaha xabbad-joojinta Washington''

    Degalo iyo el-Burhan
    Qoraalka sawirka, Degalo iyo el-Burhan

    La taliyaha sare ee Madaxweyne Trump u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa sheegay in labadaba ciidamada milatariga Suudaan iyo kooxda gurmadka degdega ee RSF ay diideen hindisihii u dambeeyay ee xabbad-joojinta ee Washington ay soo jeedisay.

    Massad Boulos ayaa sheegay inuu ogolaaday xabbad joojinta saddex bilood ee ay RSF kaligeed ku dhawaaqday Isniintii, milatariga Suudaan iyo RSF ayaa diiday hindisihii u dambeeyay ee xabbad-joojin aan shuruudo ku xirnayn.

    Milatariga Suudaan ayaa sheegay in aysan taageeri karin qorshaha ay gacanta ku leedahay Imaaraadka carabta oo si weyn loogu eedeeyay inay taageerto ciidamada xooggaga RSF.

    Boulos ayaa soo dhoweeyay dadaallada Maraykanka ee lagu doonayo dhexdhexaadinta lagu gaarayo xabbad-joojinta.

  4. Hay'adda xuquuqul aadanaha QM oo dalbatay baaritaanka duqaymaha Israa'iil ee Lubnaan

    Hay'ada xuquuqul insaanka QM

    Xigashada Sawirka, HRW

    Qoraalka sawirka, Hay'ada xuquuqul insaanka QM

    Xafiiska xuquuqul insaanka QM ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo madax-banaan loo sameeyo baaritaano ku saabsan duqeymihii dhowaan ee Israa’iil ka fulisay Lubnaan, inkasta oo ay xabbad joojin la galeen Hezbollah.

    Xafiiska ayaa xusay weerar toddobaadkii hore ka dhacay xerada qaxootiga Falastiiniyiinta oo ay sheegeen in saddex iyo toban qof oo rayid ah oo u badan carruur lagu dilay weerarkaasi.

    Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in in kabadan 313 qof la dilay, in ka badan 900-na lagu dhaawacay duqaymaha Israa’iil ee tan iyo xabbad joojintii hal sano kahor.

    Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay inay isku dayayso inay ka hor tagto Hezbollah ay dib u dhisto awoodeeda, waxaana ay ku eedeysay kooxda ay Iiraan taageerto inay jabisay shuruudihii xabbad-joojinta.

  5. WFP oo ka digtay xaaladda ka sii daraysa ee cunto yaraanta Waqooyiga Nigeria

    Nigeria

    Xigashada Sawirka, WFP/Arete/Siegfried Modola

    Qoraalka sawirka, Nigeria

    Barnaamijka cuntada adduunka WFP ayaa ka digtay inay ka sii darayso xaaladda cunto yarida ee ka jirta Waqooyiga Nigeria, taas oo ay sababeen ammni dari iyo iyo maalgalinta oo yar.

    Afhayeenka hay’adda ayaa ka digay in ku dhowaad 35 milyan oo qof ay halis ugu jiraan gaajo sannadka soo socda, iyada oo ku dhowaad nus milyan qof oo WFP ay ku quudin jirtay Waqooyi Bari dalkaasi laga yaabo inay waayaan gargaar cunto laga bilaabo Janaayo.

    Hay’adda QM ayaa sheegtay in weerarradii u dambeeyay ee kordhay ay barakiciyeen kumannaan qof oo intooda badan ahaa beeraleey, kuwaas oo hadda gabi ahaanba ku tiirsan deeqaha bini’aadantinimo si ay u noolaadaan.

  6. Serbia oo sheegtay warshadda sifaynta saliidda (NIS) ee Ruuushku maamulo ay xirmayso

    Madaxweynayaasha Ruushka iyo Serbia

    Xigashada Sawirka, Alexander Zemlianichenko/Pool via REUTERS

    Qoraalka sawirka, Madaxweynayaasha Ruushka iyo Serbia

    Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vucic ayaa sheegay inuu dalku haysto afar maalmood oo kali ah ka hor inta aan warshadda sifaynta saliidda ee NIS la khasbin inay xiranto. Warshadda waxaa inteeda badan iska leh Ruushka, sidaas awgeedna waxaa saaran cunaqabatayn Maraykanka.

    Waxaa la joojiyay gaarsiinta saliidda ee sii mari jirtay tuubooyinka Croatia, waxaana wasiirka tamarta Serbia Dubravka Djedovic Handanovic ay sheegtay inay ka wada xaajoodeen keenista shidaal dheeri ah ee shirkadaha saliidda ee Hungary, Austria iyo Giriigga.

    Washington ayaa milkiilayaasha Ruushka (gaar ahaan Gazprom) u qabatay saddex bilood inay ku helaan iibsade cusub.

    NIS ayaa soo saartay in ka badan 80 boqolkiiba batroolka iyo naaftada Serbia iyo ku dhowaad dhammaan shidaalka diyaaradaha iyo kuwa culus.

  7. Maraykanka oo aaminsan Ukraine ay diyaar u tahay saxiixa heshiiska nabadda

    Andriy Yermak iyo Marco Rubio

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, Andriy Yermak iyo Marco Rubio

    Saraakiil ka tirsan dowlada Maraykanka ayaa BBC u sheegay inay rumaysan yihiin in Ukraine ay diyaar u tahay inay saxiixdo heshiis nabadeed, isla markaana horumar laga samaynayo wadahadalada Ruushka, ka dib saddex maalmood oo wada xaajoodyo ah.

    Koox ka socda Maraykanka ayaa ku sugan Abu Dhabi halkaasi oo wadatashiyada labada dal ay ka sii socdaan iyada oo la isku dayayo in la buuxiyo farqiga weyn ee ka jira dhanka dhulka iyo damaanadaha ammanka.

    Masuuliyiinta Ukraine waxa ay sheegeen inay isku dayayaan in ay abaabulaan booqasho uu madaxweyne Zelensky ku tago Washington ka hor dhammaadka bishan.

    Balse waxaa weeraradu waa ay siisocdaan. Ruushka iyo Ukraine labadaba waxa ay habeenkii is-dhaafsadeen weeraro dhimasho leh. Ugu yaraan toddoba qof ayaa lagu dilay Kyiv, halka Moscow ay sheegtay inay soo riday in ka badan laba boqol oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

  8. Maxaa awoodda militeri ee Soomaaliya sannadkan iska badalay, kaalintee ayayse kaga jirtaa liiska caalamka?

    Qiimeynta Global Firepower ee sannadkan 2025-ka ayaa waxaa laga qeyb geliyay 145 dal, waxaana la tixgeliyay in ka badan 60 waxyaabood sida tirada ciidamada, qalabka milatariga, xasilloonida maaliyadeed, goobta juqraafiyeed, iyo agabyada la heli karo. Qodobbadani waxay si wada jir ah u go'aamiyaan dhibcaha PowerIndex, halkaasoo buundooyinka hoose ay muujinayaan awoodaha ciidan ee xooggan.

    Caadiyan sannadkan liiska waxaa xoggaaminaya Mareykanka, halka Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya ay soo kala galeen kaalmaha labaad, saddexaad iyo afaraad.

    Kuuriyada Koonfureed, Ingiriiska, Faransiiska, Japan, Turkiga iyo Talyaaniga ayaa galay sidoo kale ka mid ah 10-ka dal ee ugu horreeya liiska kala horreynta ee ay soo saartay Global Firepower.

    Halkee ayay Soomaaliya kaga jirtaa liiska sanadkan 2025-ka?

  9. Taliban oo weerar ku qaaday Pakistan

    Kooxda Taliban ee Afgaanistaan ayaa sheegtay in ciidamada Pakistan ay duqeeyeen dhowr gobol oo Afgaanistaan ka tirsan, isla markaana ay ku dileen ugu yaraan toban qof.

    Afhayeen u hadlay Taliban ayaa sheegay, in sagaal carruur ah iyo haweeney ay ku dhinteen duqeyn lagu qaaday guri ku yaal gobolka Khost. Wuxuu sheegay in sidoo kale ay jireen duqeymo cirka ah oo lagu qaaday gobollada xuduudaha ee Kunar iyo Paktika.

    Ma jiro wax xaqiijin ah oo ka soo baxay dhanka Islamabad oo la xirriira werarkan. Pakistan ayaa si isdaba joog ah u eedeysay maamulka Taliban ee Afgaanistaan, inay hoy u yihiin dagaallamayaal, taasoo ay beeniyeen Taliban.

    Duqeymaha ayaa imanaya maalin kadib markii seddex askari oo Pakistani ah lagu dilay, weerar ay dagaalamayaal ku qaadeen xarunta ciidamada sida milatariga u tababaran ee magaalada Peshawar.

  10. Foolkaanaha ka qarxay Itoobiya iyo cabsida laga qabo

    Folkaano ayaa ka qarxay gobolka Afdera ee Itoobiya gelinkii dambe ee sabtigii. Marka hore waxaa la arkay qiiq samada galay iyo qarax aad u weyn sidaasina waxaa BBC-da u sheegay Prof. Atalay Ayyele oo ah madaxa cilmibaarista hawada sare iyo xidiga ee jaamacadda Finfinnee.

    "Xogta dayax gacmeeedka waxay muujineysaa in folkaanaha uu ka qarxay meel 10 kiilmitir koonfur kaga began Fantaallee".

    Qaraxa folkaanaha waxa uu socday ilaa galabtii oo dhan iyadoo dambastiisu ay gaartay 13716 oo mitir.

    Qaraxa folkaanaha ma uusan sababin dhulgariir sida uu sheegay Atalay oo intaas ku daray in aysan jirin wax cadeynaya in la diwaangeliyay cabirka heerka uu gaarsiisnaa folkaanaha.

    Folkaanaha noocaan oo kale ah wuxuu qarxaa marka xoogga dhulka uu sababo in uu kor u qaado cadaadiska.

  11. Xoogagga RSF oo ku dhawaaqay xabad joojin hal dhinac ah

    .

    Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xoogagga Taageerada Degdega ah ee Sudan, ayaa Isniintii ku dhawaaqay xabbad joojin bini'aadantinimo oo saddex bilood ah, maalin ka dib markii taliyaha ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhan uu diiday hindise xabbad-joojin caalami ah o la soo bandhigay.

    Taliyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah, Maxamed Xamdaan Dagalo, oo loo yaqaan "Hemedti," ayaa muuqaal la duubay ayaa yiri: "Iyada oo ku saleysan mas'uuliyadda qaran ee naga saaran iyo ka jawaabista dadaallada caalamiga ah, oo ay ugu horreeyaan hindisaha madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dadaallada dalalka afarta ah ... waxaan ku dhawaaqeynaa xabbad joojin bini'aadannimo oo ay ku jiraan joojinta colaadaha muddo saddex bilood ah" waxaana ku heshiinnay sameynta habka kormeerka caalamiga ah.

    Dagalo ayaa shaaca ka qaaday in xabad joojintan bini’aadantinimo ay ka mid tahay, joojinta colaada, loogana gol leeyahay in lagu difaaco dadka rayidka ah iyo in la xaqiijiyo in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo deegaanada ay colaaduhu saameeyeen.

    Hadal uu jeediyay oo lagu daabacay baraha bulshada ee Ciidamada Taageerada Degdegga ah, ayuu ku sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay wax uu ku tilmaamay "dadaal caalami ah oo loogu talagalay dadka Suudaan",

    Waxaa uu xaqiijiyay in ciidamadiisa ay ka go’an tahay fududeynta howlaha bini’aadantinimo, iyadoo la xaqiijinayo dhaq-dhaqaaqa shaqaalaha gargaarka, hubinta in si aan caqabad lahayn loo gaaro gargaarka, ilaalinta xarumaha hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa qaranka, iyo awood la siinayo kooxaha caafimaadka si ay u gutaan waajibaadkooda.

    12-kii bishii Sebtembar, heshiiska afar geesoodka oo ka kooban Mareykanka, Sacuudi Carabiya, Masar iyo Imaaraadka Carabta, ayaa soo bandhigay qorsheyaal lagu soo afjarayo colaadda Suudaan, taasoo qeexaysa xabbad joojin bani'aadamnimo iyo hannaan siyaasadeed oo horseedaya xukun rayid ah.

    Dhanka kale, shalay, taliyaha ciidamada Sudan ayaa soo jeedintii ugu dambeysay ee ay soo bandhigeen Mareykanka iyo dhexdhexaadiyeyaasha gobolka si loo soo afjaro dagaalka sokeeye, ku tilmaamay in ay tahay tii ugu xumeyd ee abid la soo bandhigo.

    Muqaal laga duubay Janaraal Abdel Fattah al-Burhan, ayuu ku sheegay in qorshaha xabad joojinta ah ee lala galayo ciidamada taageerada degdegga ah ee RSF, uu baabi'in doono doorka Ciidamada Qalabka Sida, isla markaana u ogolaan doono maleeshiyada inay ku sii sugnaadaan goobahooda.

    Taliyaha ciidamada ayaa ku eedeeyay ergayga Mareykanka, Massad Boulos, inuu ku hadlayo afka Imaaraadka Carabta, oo ah mid ka mid ah dhexdhexaadiyeyaasha kale, kaasoo uu ku eedeeyay inay taageeraan RSF.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa:

  12. Haweeney indhaha kala qaaday iyadoo meydkeeda la gubi karo

    Thailand

    Xigashada Sawirka, AP

    Haweeney ku nool dalka Thailand oo qoyskeedu aaminsanaa inay dhimatay ayaa gudaha naxashkeeda laga helay iyadoo nool, daqiiqado ka hor inta aan meydkeeda la gubin.

    Shaqaalaha goobta lagu gubayay oo ku taal duleedka Bangkok oo meydkeeda loogu geeyay inay gubaan ayaa ku naxay markay maqleen garaac khafiif ah oo ka soo baxaya gudaha naxashka, markay fureen ayay arkeen haweeneydii oo indhaha kala furaysa.

    Maamulaha hay'adda gubeysay meydkeeda ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in haweeneyda 65 jirka ah uu walaalkeed uu ka keenay gobolka Phitsanulok halkaasna u geeyay si meydkeeda loo gubo.

    Walaalkeed ayaa maamulka u sheegay in walaalshiis ay sariir ku ururtay muddo labo sano ah, isla markaana ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay joojisay neefsashada.

    Maamulka ayaa ku xujeeyay inuu keeno warqadda shahaahaha dhimashada taasoo uu sheegay inuusan heyn.

  13. Ruushka oo weerar culus iyo qaraxyo ku ekeeyay Ukraine

    Ruushka

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Ruushka ayaa weerar kale oo culus oo dhanka cirka ah ku qaaday Kyiv, iyadoo qaraxyo laga maqlay caasimadda Ukraine, xilli diblomaasiyiinta ay sii wadaan wada-hadallada lagu soo afjarayo dagaalka.

    Dadka ayaa loogu baaqay inay dhismooyinka ka baxaan ayna isaga fogaadaan goobaha bannaan.

    Magaalada Geneva ayaa waxaa ku shiraya dalalka Yurub ee xulafada la ah Ukraine, kuwaasoo ka arrinsanaya soo afjaridda colaadda Ruushka.

  14. Zelensky oo soo dhoweeyay wax ka beddelka qorshaha lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka

    Donald Trump ayaa aad u doonaya in heshiis nabadeed laga gaaro Ukraine.

    Kyiv waxay rabtaa nabad xitaa in ka badan Ruushka, laakiin maaha inay wax walba aqbaleyso. Taasi waa sababta markii Maraykanku bilaabay inuu ku riixo qaadashada heshiiska ay Ukraine ay iska diidday.

    Haatan Zelenesky ayaa soo dhoweeyay in wax laga beddelay qorshaha nabadda Mareykanka, waxaana la filayaa in wax laga beddelo sidii loo arkayay inuu dhanka Ruushka u xaglinayo.