Ukraine oo ku weerarrtay Ruushka diyaarado horey loogu sii qariyay gudaha dalkaas

Sirdoonka Ukraine waxay sheegteen in hawlgalkaas ay ku burburiyeen agab ciidan oo ku kacaya adduun dhan 7 bilyan

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sirdoonka Ukraine waxay sheegteen in hawlgalkaas ay ku burburiyeen agab ciidan oo ku kacaya adduun dhan 7 bilyan

Ukraine ayaa sheegtay in uu guul ku soo idlaaday weerarkii ugu ballaarnaa, uguna masaafada fogaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanka lagu soo qaaday dalkeeda, ka dib markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku duqeysay 4 saldhig militari oo Ruushku leeyahay.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa ku faanay in weerarkan oo loo adeegsaday 117 diyaaradood oo duuliye la'aan ah lala beegsaday saldhigyo ciidamada cirka Ruushku leeyihiin, halkaas oo lagu burburiyey illaa 40 diyaaradood oo kuwa meelaha gof wax ka duqeeya ah.

Mr. Zelensky oo sii hadlayey ayaa intaas ku daray in hawlgalkan oo la magac baxay 'Xuubka Caarada' ay si qarsoodi ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Ukraine ee SBU, kuwaas oo burburiyey "34% diyaaradihii walwaali jirey gantaallaha ridada dheer ee Ruushka ee loo yaqaan "strategic cruise missile".

Ilo ku dhow hoggaanka SBU ayaa goor sii horreysey warqabadka BBC-da u sheegay in diyaarinta weerarkan uu qaatay hal sano iyo bar, iyadoo diyaaradaha drone-ka loo yaqaan oo lagu cabbeeyey sanaadiiq alwaax ka sameysan si dhuumaaleysi ah loo geliyey gudaha Ruushka, ka dibna lagu qariyey goobo ka ag dhow bartilmaameedka oo ah saldhigyada laga soo qaado weerarrada cirka, ka hor intii aan "goortii ku habooneyd oodda looga qaadin yoolkii la sii qorsheeyey".

Ruushka ayaa dhankiisa qirtay weerarrada Ukraine ay la beegsatay 5 gobol oo dalkaas ah, ku waas oo ay ugu yeereen "falal argagixiso".

Madaxweyne Zelensky ayaa hawlgalka "Xuub Caaro" ee lala beegsaday saldhigyada Ruushka ku tilmaamay mid aad u murugsanaa balse "natiijo wax-ku-ool ah laga gaarey. Wuxuuna bogaadiyey dadkii ku lugta lahaa oo ka xusay madaxa hay'adda SBU, Vasyl Maliuk.

Waxaa aad u yar rejada laga qabo in kulanka Istanbul ay ka soo baxaan wax horumar ah oo lagu naalloodo,

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Waxaa aad u yar rejada laga qabo in kulanka Istanbul ay ka soo baxaan wax horumar ah oo lagu naalloodo,

Sirdoonka Ukraine waxay sheegteen in hawlgalkaas ay ku burburiyeen agab ciidan oo ku kacaya adduun dhan 7 bilyan oo Doollar, sida diyaaradaha meelaha fog fog wax ka soo duqeeya. Balse ma jirto cid sheegashada Ukraine si madaxbannaan u xaqiijisay.

Ilo wareedyo ku dhow SBU ayaa tibaaxay in saldhigyada la duqeeyey ay xadduudda Ukraine u jiraan in badan 2 kun oo Km. Waxaana ka mid ah:

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Belaya oo ku yaal gobolka Irkutsk ee Siberia

Olenya oo ku yaal gobolka Murmansk ee dhaca waqooyiga fog ee Ruushka

Dyagilevo oo ku yaal gobolka bartamah gobolka Ryazan

Ivanovo oo ku yaal gobolka bartamaha gobolka Ivanovo

Ilaha Hay'adda SBU ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushanka ee la burburiyey ay ku jireen nuuca Tu-95 iyo Tu-22M3 ee qumbuadaha Nukleer-ka xambaaraha, iyo sidoo kale kuwa A-50 ee digniinta bixiya.

Dhinaca kale mas'uuliyiibta Ukraine ayaa soo wariyey weerar baaxad leh oo loo adeegsaday diyaaradaha iswada oo lagu miray ciiddeeda.

Tani waxay imaaneysaa xilli ergo ka kala socota Ruusha iyo Ukraine ay ku sii jeedaan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo lagu wado in uu Isniinta ka furmo wajigii labaad ee wada-xaajood lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda lagu riiqday ee Ukraine.

Waxaa aad u yar rejada laga qabo in kulanka Istanbul ay ka soo baxaan wax horumar ah oo lagu naalloodo, maadaama dhinacyada dagaallamaya ay aad ugu kala durugsan yihiin sida dirirta loo joojinayo.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa wuxuu duullaan buuxa ku amaagay dalka Ukraine bishii Febraayo 2022, taas oo u suurtogelisey in uu gacanta ku dhigo illaa 20% dhulka Ukraine, kaas oo uu ku jiro gacanka koonfureed ee Crimea oo uu horay u goostay 2014.