Hub cusub iyo Nukliyeer ayaa laysugu hanjabay dagaalka Ukraine

Dagaalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Dagaalka Ukraine waxa uu gaaray heerkii ugu sareeyay. Toddobaadkan, dagaalka waxa uu jirsaday kun maalin. Reer galbeedka waxay xoojiyeen awooda gantaalaha Ukraine halka Kremlinkana ay ku hanjabeen nukliyeer.

Habeenkii Axadda xili dambe ayey soo baxeen warar sheegaya in madaxweynaha Mareykanka ee hadda xilka ka sii dagaya, Joe Biden uu Ukraine u ogolaaday in ay isticmaasho gantaalada ridada dheer ee loo yaqaan ATACMS si ay ugu duqeyso bartilmaameedyada Ruushka.

Tallaabaas waxay u muuqatay in siyaasadda Washington uu isbeddel weyn ku yimid sababtoo ah bilo ayey diidayeen codsiga Ukraine ee ahaa in gantaaladaas ay u isticmaalaan meelo ka baxsan xadkooda.

Kaddib markii go’aankaas si hoose saxaafadda loogu soo gudbiy, Ukraine waxay gantaalada ku duqeysay Ruushka.

Kremlin-ka waxay sheegeen lix gantaal oo la soo riday in ay shan ka mid ah ka hortageen, balse sarkaal Mareykan ah oo magaciisa la sheegin ayaa laga soo xigtay in gantaalada ay ahaayeen 8 iyadoo labo un laga hortagay.

Waxay ahaataba waa markii ugu horeysay oo gantaalo Mareykanka lagu sameeyo duqeeyaan Ruushka inta uu socday dagaalka Ukraine.

Horaantii toddobaadkan, Ukraine waxay adeegsatay gantaalo UK ay sameysay iyagoo ku duqeeyay gobolka Kursk oo ah meel ay ciidamadooda ka qabsadeen dhul gaaraya 600 oo km.

Biden wuxuu sidoo kale fasaxay in la isticmaalo miinada dhulka la geliyo taas oo muhiim u ah difaaca ciidamada Ukraine ee dhinaca bari halkaas oo Ruushka uu ku soo socdo. Dhammaan tallaabooyinkan waxay muujinayaan sida weyn ay reer galbeedka u taageerayaan Ukraine.

Ruushka ayaa ku hanjabay Nukliyeer

Hadii saaxiibada Ukraine ee reer galbeedka ay toddobaadkan dagaalka kordhiyeen, Moscow dhankeeda way kordhisay.

Putin wuxuu isbeddel ku sameeyay qaabka loo isticmaalayo hubka Nukliyeerka. Hadda waxaa laga dhigay hadii uu weerar soo qaado dal aan nukliyeer haysan balse taageero ka helaya dal nukliyeer haysta, waxaan loo arkayaa in ay dagaalka la soo galeen.

Kremlinka waxay adeegsadeen gantaallo cusub oo loo yaqaan "Oreshnik" iyagoo ku duqeeyay gobolka Dnipro ee Ukraine.

Putin wuxuu sheegay in gantaalkan uu toban jeer ka dheereeyo xawaaraha codka mana jirto ayuu si looga hortagi karo gantaalkan.

Inta badan dadka la socda dagaalka waxay sheegeen in duqeyntan ay tahay digniin. Ruusha way u adeegsan karaan hadii ay doonaan gantaaladan in ay xambaaran nukliyeer.

dalka Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Reer galbeedka si weyn ayey uga walaaceen fariintan. Ilaa markii uu dagaalka bilowday saddex sano ka hor, Putin waxa uu ka hadlay Nukliyer, reer galbeedkana taas uma joojin. Waxay u muuqataa in dad badan ay caadi u arkeen hanjabaadda Ruushka ee nukliyeerka.

Waxyaabaha kale ee hoggaamiyayaasha reer galbeedka u muujinaya in Ruushka uusan nukliyeer isticmaaleyn waa kaalinta Shiinaha.

Beijing waxay noqotay saaxiib muhiim u ah Ruushka. Waxay qaaday tallaabooyin lagu dabcinayo cunaqabateynta saaran Moscow.

Reer galbeedka waxay aaminsan yihiin in Shiinaha uu si carro leh kaga jawaabyo hadii Nukliyeer la adeegsado taas ayaana Putin ka joojineysa in uu sameeyo hanjabaado dhab ah.

Dagaal Caalami ah

Madaxweynaha Ruushka hadal u khamiistii telefishinka ka jeediyay ayuu kaga digay in dagaalka u sameyn ku reebayo adduunka.

Raysalwasaaraha Poland, Donald Tusk, ayaa isna sheegay in khatarta ay tahay mid dhab ah marka laga hadlayo dagaal adduun.

Mareykanka iyo UK hadda lagulaha ayey la galeen dagaalka si ka badan sidii hore.

Ciidamada kuuriyada waqooyi oo ka dhinac dagaallamayana waxay muujineysaa in quwad kale oo Nukliyeer haysata in ay ku soo biirtay dagaalka.

Askari Ukraine ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Biden wuu sii socdaa, Trump ayaana imaanaya

Maxay tahay sababta aan isbeddelkan hadda u arkeyno?

Waxaa suuragal ah in sababtu tahay imaatinka madaxweynaha la doortay Donald Trump kaas oo xilka la wareegaya 20 Janaayo. Olalaha doorashada markii uu ku jiray ayuu Trump sheegay in 24 saac uu ku soo afjarayo dagaalka.

Kuwa ku hareereysan Trump sida madaxweyne ku xigeenka la doortay, JD Vance ayaa muujiyay in ay noqon karto in Ukraine ay ka harto Donbas iyo Crimea.

Tani waxay ka hor’imaaneysa mowqifka Biden, wuxuuna go’aansday in sida ugu dhaqsiyaha badan gargaar badan loo siiyo Ukraine ka hor inta uusan Trump imaan.

Madaxweynaha Ukraine

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, wuxuu sheegay in Kyiv ay dooneyso in dagaalka ay ku dhameyso hab diblomaasiyadeed.

Wasiirkii hore arrimaha dibadda Ukraine, Dmytro Kuleba, wuxuu toddobaadkan BBC-da u sheegay in madaxweyne Trump uu leeyahay hal ujeedo oo ah in uu xoojiyo awoodiisa iyo hoggaamintiisa, wuxuuna hadda awoodaa inuu xaliyo dhibaato uu kii ka horeeyay wax ka qaban waayay.

“Si la mid ah sumcad xumadii maamulka Biden ka soo gaartay sidii looga soo baxay Afghanistan, hadii Trump uu jeclaado habkan, Ukraine waxay noqoneysaa Afghanistantiisa”

Toddobaadkan waxa uu u muuqdaa in dagaalka uu faraha ka sii baxayay balse adeegsiga madaafiicda waxaa suuragal ah in la wadahadlo